XISBIGA UCID OO SHEEGAY IN XUKUUMADU AY MALEEGAYSO ISKA HOR KEENKA XISIGAAS IYO BEEL KA MID AH BEELHA SOMALILAND.
Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka
UCID
Justice And Welfare Party
حزب العداله والرأفه
________________________
Date, March 4, 2010
Ujeeddo: War-saxaafadeed
Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka, UCID waxaa uu taageerayaashiisa, umadda reer Somaliland si buuxda ugu cadaynaynaa inay waxba kama jiraan iyo jaahwareerin daarran kala fogeynta
Xisbiga UCID iyo beelaha taageerada weyn Xisbiga UCID siiya uu yahay warkii tibaaxayay cambaarayntii la sheegay in Salaadiinta sharafta iyo xushmad weyn xisbiga UCID ka mudani dusha ka saareen xisbiga UCID.
Waxaan caad saarnayn in salaadiinta beesha Habar-Yoonis ee kulan-dhaqameedka horumarinta ah ka wada gobolka Xukuumada UDUB dayacday ee Sanaag, ay yihiin kuwo ka culus, kana mug weyn, inay ka jawaabaan war aan jirin oo xaqiiqada ka fog.
Gudoomiyaha Xisbiga UCID oon lagu aqoon cunfi iyo kala qaybin, ma gayo kamana suurtowdo inuu wax ka sheego guud ahaan beelaha Sharafta mudan ee Somaliland ku dhaqan. Mana suurtoobeyso in xukuumadda UDUB ee talaxgabka ahi sida ay caadaysatey mar dambe kala dhexgasho oo kala fogayso xisbiga UCID ee rajada umaddu maanta ku xidhan tahay iyo mid ka mid ah beelaha miisaanka leh ee Xisbiga ula diyaarka ah taageerada xusida mudan.
Xisbiga UCID waxaa uu u arkaa wararka fidno abuurka ah een macnaha lahayn mid ay ka dambeeyaan ashkhaas qaranka inay u addeegaan ay ahayd oo ku mamay lunsiga hantida umadda, kala fogaynta iyo isku-dirka dadweynaha u haraadan waxqabad ay ka baaqatey xukuumadda UDUB. Kooxdaas oofwareenka Somaliland ku haysay oo uu u horeeeyaan wasiiro xukuumada ka tirsan bulshaduna si wanaagsan ugu taqaan fidno-abuur, waxaannu ku waanineynaa inay gartaan waxay u igman yihiin, umadoodana u tudhaan.
Waxaa kale oonnu ku boorineynaa mareegta wararka ee Qarannews inay ka dhawrsato u addeega danaha gaarka ah ee ay caadaysatey waayahan dambe.
Jaamac Yuusuf oo ah qoraha Bayaan marin-habawsanaa oo uu UCID deelqaaf ugu gaystayna waxaannu leenahay hubsiimo halbaa la siistaaye, ha u muuqan awr-kiraale u addeega dano leexsan.
Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka, UCID wuxuu waligiiba cod dheer ku sheegi jirey baylahda balaadhan ee ka muuqata gobolada dalka guud ahaan iyo gaar ahaan dekedaha iyo waddooyinka gobolka Sanaag.
Barnaamijka Xisbiga UCID waxaa ku cad horumarinta dalka, sida jidadka, dekedaha, garoomada diyaaradaha, caafimaadka iyo waxbarashadda.
Ugu dambeyn, waxaannu dhiiri-galinaynaa horumarka bulshadda ee ay ku hawlan yihiin salaadiinta ku sugan gobolka Sanaag. UCID ahaana gacan buuxda ayaannu ka geysanaynaa hirgalinta mashaariicda horumarineed ee wax ku oolka ah.
Alla Mahad Leh
Md, Xasan Xuseen Maxamed (Codyare)
Afhayeenka Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka, (UCID)
No comments:
Post a Comment