Xidhiidhiyihii Taageerayaasha UDUB oo u Digorogtay KULMIYE
Hargeysa (Jam)- Guddoomiyaha ururka xidhiidhka taageerayaasha UDUB ee UXAQ Mr. Fu’aad Axmed Xuseen ayaa shaaca ka qaaday inuu ku hungoobay taageeradiisii uu muddo lix sanno ah la barbartaagnaa xisbul-xaakimka talada haya, isla markaana Madaxweyne Rayaale ku eedeeyey inuu ku fashilmay hoggaaminta Jamhuuriyadda Somaliland, madaxtinimada qaranka ee loo doortayna ka doorbiday inuu Madaxweyne u noqdo UDUB oo keliya, sidaa daraadeedna iska casilay xilkii iyo xubnimadii UDUB, una digorogtay xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE.
Mr. Fu’aad Axmed Xuseen waxa uu sidaa ka sheegay shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xarunta xisbiga KULMIYE oo ay ka wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan xisbiga KULMIYE, kaas oo kaga xogwarramay sababaha keentay inuu waqtigan kala noqdaan taageeradii ay u hayeen xisbiga talada haya ee UDUB.
“Ururka UXAQ waxa uu ka kooban yahay masuuliyiin isugu jira rag iyo dumar oo ku kala nool dalka gudihiisa iyo dabeddiisaba oo ah aqoonyahan iyo culimaa’udiin, muddadii uu dhisnaa oo ahayd ilaa lix sanno aqoontii iyo taageeradii uu ururkayagu la garab taagnaa xisbiga UDUB waannu ku hungoownay, taas oo waajib noqotay in aannu xisbiga walaalahayaga ah ee KULMIYE aannu kula habowno sidii aannu ummadda wax ugu qaban lahayn.
Iyada oo aan hadalka laga been sheegayn, annagu UDUB kala soo dudnay ma jirto ee waa waxay garan wayday, in xisbi laga baxo oo mid kale lagu biiro wax macno ah oo ay sameynaysaa ma jirto, waana dhaqan-xumo innagu soo biiray oo loo baahan yahay in aynu wax weyn ka beddelno, dhaqan-xumadaas oo xisbiga UDUB kow ka yahay, kuwaasoo carruur iyo dumar durbaannada iyo shugux-shugux u tuma,” ayuu yidhi Mr. Fu’aad Axmed Xuseen, isaga oo si toos ah u tilmaamay inuu Madaxweyne Rayaale noqday masuul ku kooban xisbiga UDUB, balse aan ahmiyadda siin dalka, isla markaana aannu garan sidii fududayd ee uu ku helay jagada madaxtinimo, waxaannu yidhi; “Haddii aynu taariikhda dib u raacno Madaxweyne Rayaale wax badan ayuu illowsan yahay oo ah wax aan Somaliland u cuntamin oo uu Illaahay ugu hiiliyey ayuu halmaamay.
Madaxweyne Rayaale walaalayaal siyaasadda koob shaah ah umuu bixin si uu kursi ku helo, guri loo xaraasho iyo lacag laga bixiyo daayoo, Madaxweyne-ku-xigeen buu ahaa, maantana ilaa heer Madaxweyne ayuu joogaa fadligaa Illaahay baa bixiya oo lagu xamdi-naqaa ee inuu ilaawo may ahayn.
Maanta Rayaale waa Madaxweynihii Somaliland, balse waxa laga dhigay Madaxweynaha xisbiga UDUB oo keliya, sidaas ayuu isaguna ku qanacsan yahay malaha.”
Ugu dambeyn, waxa uu sheegay in shirkan uu shalay qabtay hordhac u yahay xaflad weyn oo xisbiga KULMIYE u sameyn doono isaga iyo masuuliyiinta kala duwan ee ururka UXAQ ah oo kalsoonidoodii isugu keenay xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE.
Jamhuuriya Online
No comments:
Post a Comment