03 March, 2010

WASIIRKA MAALIYADA SOMALILAND MUDANE CAWIL OO SI KULUL UGA JAWAABAY SHIRKII GUDIDA DHAQAALAHA EE GOLAHA WAKIILADA OO AY KU SHEEGEEN IN AY XEER U SAMAYNAYAAN MIISANIYADA

WASIIRKA MAALIYADA SOMALILAND MUDANE CAWIL OO SI KULUL UGA JAWAABAY SHIRKII GUDIDA DHAQAALAHA EE GOLAHA WAKIILADA OO AY KU SHEEGEEN IN AY XEER U SAMAYNAYAAN MIISANIYADA

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil) ayaa si kulul uga jawaabay shir ay qabteen guddiga dhaqaalaha ee Golaha Wakiilado, oo ay sheegeen inay xeer ugu samaynayaan miisaaniyadda qaranka.

Shirkii ay guddigaas dhaqaaluhu qabteen oo aanay ka soo xaadirin masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadu, waxa ay guddigaas ka jeediyeen khudbado kala duwan oo la xidhiidha samaynta xeerka miisaaniyadda iyo dhaliilo ay u jeediyeen Wasiirka Maaliyadda, iyadoo uu guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Md. Bashe Maxamed Faarax-na ku hanjabay inay xeerkaas ay guddigu ku hawlantahay horgayn doonaan Gole weynaha.

Haddaba, Wargeyska Geeska Afrika, ayaa xalay arrimahan wax ka weydiiyay Wasiirka maaliyadda Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), waxaanu wasiirka maaliyadu guddiga dhaqaalaha ku eedeeyay inay ka baxeen balamo ay la galeen wasaaradisa, waxaanu sheegay in samaynta xeerka miisaaniyadda ay ka balameen guddiga dhaqaalaha, isagoo xusay inay guddigu u dhiibeen xeer ay sameeyeen, Wasaaradda maaliyaduna ay u sheegtay inay iyaduna xeer soo wado, "Laba bilood horteed waxaanu la kulanay guddiga dhaqaalaha oo isku dhan, tiraba saddex jieer ayaanu is aragnay, doodiina waanu galnay, had iyo jeerna waa kuwii igu ammaanay in marka ay ii yeedhaanba aan u tago, waxaanan ku dedaalaa in xidhiidhkayagu wacnaado." ayuu yidhi Wasiirka maaliyadu, waxaanu intaas raaciyay,  "Miisaaniyad waxa samaysa Wasaarad iyo xukuumad, waxaanan ku heshiinay inay awood u leeyihiin sharci inay sameeyaan, nuqul ayay na siiyeen mid [Xeer] ay yidhaahdeen waanu samaynay, waxaanan ku nidhi annaguna  mid ayaanu soo wadnaa, aynu markaas labada isula nimaadno, anagoo Wasaaradii maaliyadda ah oo ay na khusayso iyo idinkoo guddigii dhaqaalaha ah aan isula nimaadno oo aynu labadaas sharci isla eegno."

Wasiir Cawil, waxa uu guddiga dhaqaalaha ku eedeeyay inay ka baxeen balankaas, "Waa ayaan darro marka rag masuul ah oo xildhibaano ahi ay iska baal maraan waxaad ku wada hadashaan. Iyadoo aanu sidaas ku kala tagnay ayaa waxa dhacday inaan maqlay in laba ka mid ah guddiga dhaqaauhu  ay hay'adaha shisheeye ka doonayaan kharash ay ku dabaraan shir ay doonayaan inay ku sameeyan sharciga miisaaniyadda. Waan u qaadan waayay, annagoo arrintii meel isla dhignay, waxaanan u qaatay wax aan jirin, waayo waxaanu nahay rag masuuliyiin ah oo wax ku heshiiyay, waxaana igu maqaalo ah in hay'ad shisheeye ay lacag u dhiibtay, annagoo ku jirna miisaaniyadii oo ay ogyihiin oo aanu habeen iyo maalin wasaaradaha iyo hay'adaha dawladda shirar leenahay bay qabteen shirkaas, waxaan filayaa wax deg deg ahi ma jireene, maadaama oo ay hay'adi lacag siisay inay qabtaan shirkii oo ay muujiyaan ayay is tuseen, waxana wax siminaar laga qabto maaha ee waa sharci aanu isaga nimaadno aanu leenahay, sharcigoodii way noo dhiibeen, kaayagii inaanu u dhiibno weeye, dabadeedna aanu isla eegno. Markaas waxaan qabaa inay balankii iyo wada shaqayntii baal mareen. Waanay ogaayeen inaanu hawshii miisaaniyadda ku jirnay, inaanu wada shaqayno diyaar ayaanu u nahay. Waxaanan u qaatay arrintan inay tahay gef ay sameeyeen, waayo sharcigoodii ayay noo dhiibeen, kaayaga inaanu u dhiibno weeye, laakiin inay halkaas ku laalaan maaha. Maaha wixii ay hay'ad shisheeye ka qaateen inay saamayso heshiiska iyo is afgaradkii aanu wada galnay."

Wasiir Cawil,oo la weydiiyay inay guddiga dhaqaaluhu ku martiqaadeen shirkooda, sida ay ku doodeen oo uu kaga baxay, waxa uu yidhi,  "Agaasimaha guud baa igu yidhi shir ayay qabanayaan, martiqaad aan arkay ma jiro, waanan u qaadan waayay shirka ay qabanayeen, markaas waanu haynaa sharcigoodii, kaayagiina maalmahan ayuu diyaar noqonayaa, markaas wax lagu heshiiyay inay baal maraan maaha."

Mar la weydiiyay inay diyaar ka tahay miisaaniyadii sannadkan 2010, waxa uu ku jawaabay, "Miisaaniyadii qaranka ee sannadkani waa iga diyaar, labadii wasaaradod ee ugu dambeeyay ayaanu ku guda jirnaa, habeen iyo maalinba waanu shaqaynaa."

Waxa kale oo uu guddiga dhaqaalaha ku eedeeyay inay sannad kasta marka ay miisaaniyadu soo dhawaato bilaabaan buuq iyo xasarad, isagoo sheegay inaanay shantaas sannadood ee uu goluhu jiray aanay guddigu wasaaradooda ku biirin wax tallooyin ah,  "Guddiga dhaqaaluhu sannad kasta marka ay  miisaaniyadu soo dhawaato ayay buuq iyo sawaxan aan loo baahnayn sameeyaan, sababtana had iyo jeer lama garan karo. Waxa ayaan darro ah shantaas sannadood inaanay guddiga dhaqaaluhu noo soo jeedin wax tallooyin ah oo wax tar u noqon kara umadda, oo dhinaca dhaqaalaha kobcintiisa horumar u noqonaya, waxa ayaan darro ah waanigii kuu sheegayee inaanu dhawr jeer kulanay; wasaaradda maaliyadu mar walba waa u diyaar sharciyad loo sameeyo miisaaniyadda oo wadanka dhaxal gal u noqda, shirkii u dambeeyay ee aanu guddiga dhaqaalaha la yeelanay waxaanu ku heshiinay in laba khabiir la dalbado, khabiirkii ay wasaaradda maaliyadu dalabtay  ee ay UNDP kharashkiisa bixinayso wuxuu imanayaa bisha dambe, waxaanu ku heshiinay kan [xeerka] ay noo dhiibeen iyo kaayaga aanu la nimaadno,  inaanu isla eegno oo aanu u samayno sharciyad waxtar u noqota umadda soo socota, adduunkana la jaan qaada oo noqda mid caalami ah, kaas ayaanu ku heshiinay. Markaas sharciyad la leeyahay waa tii miisaaniyadda oo ay faygareen xubno guddiga dhaqaalaha ka tirsani maaha mid umadu gaydo, waxa loo baahanyahay in wasaaradda maaliyadda iyo guddiga dhaqaalaha iyo labadaas nin ee khabiirka ahi sameyaan sharciyad rasmi ah oo umadda wax tar u noqota, taanu had iyo jeer leenahayna waa taas, waxaanan u qabnaa inay buuq uun doonayaan, wax taloyin ah oo ay shantaas sannadood na siiyeen ma jrito, marka ay misiaaniyadu timaado ayuun bay buuqaas abuuraan, halkii aanu wax ka wadan qaban lahayna inay buuq iyo deg deg wax ku wadaan ayay taladoodu noqotay, hay'adaas ajanebiga ah ee shisheeyana ay ku keliftay inay wax sameeyaan."

Ugu dambayn, Waxa uu wasiirka maaliyadu sheegay inuu ka xunyahay hadalo uu sheegay inay  xidhitaankii shirkaas ka jeediyeen guddoomiyaha guddiga dhaqaalaha Md. Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar-Xaashi iyo guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiialda ee labaad, "Aad ayaan uga xumahay aflagaadii uu guddoomiyaha guddigaasi ka jeediyay halkaas oo ahaa wax aan jirin oo been abuur ah." ayuu yidhi Cawil, oo intaas raaciyay "Waxa kale oo aan ka xumahay guddoomiye ku xigeenka golaha wakiilada oo ku hanjabay inay sii dayn doonaan sharciyadaas, dee umadda sharcigeeda looguma hanjabo cid, waayo wasaaradani ma laha ee umadaa leh, inuu guddoomiye ku xigeenku ku hajabo waanu socodsiinaynaa wax meesha qabta maaha. Waxaan u soo jeedin lahaa aan isu nimaadno oo aynu samayno sharciyad umadda wax tar u noqota oo dhaxal gal ah."
Source: www.geeska.net

No comments: