Waxa soo ururiyey Xassan Cumar Horri
Qaybta 1aad
Shalay 01/03/2010 waxa degmada Seylac loogu cimaamday Ugaaska 19aad ee Beesha Ciise. Ugaaska oo siduu dhaqanku aha lagu soo xulay in da'diisu u dhexayso 15-17Jir, in uu ahaado Ciise Ciise dhalay, in aan hooyadii ku dhalin xigsiisin, carmal ama garoobnimo oo ay bilcannimo ku dhashay, waxaa hore loogu xulay xilka Ugaasnimo isagoo ilaa shalay soo dhammaystay labo sannadood oo loo soo llayliyey hoggaanka beesha. Haddaba sidii caadadu ahayd shalay ayaa ugaaska lagu caleemo saaray magaalada Saylac.
Waa kuma Ugaaska cusub
Ugaas Mustafe Maxamad Ibraahim, sannadkii 1992, waxa uu ku dhashay Magaalada Dirir-Dhaba (Itoobiya). Waxa uu ku Barbaaray isla Diri-Dhaba halkaas oo Dugsiga Xaaji Cali uu ku dhammaystay waxbarashada aasaasiga. Ugaas Mutafa waxa uu ku soo koray gacanta aabihiis Maxamad Ibraahim iyo Hooyadii Sucaad Aadan Allaale. Waxana la ogyahay Ugaaska in lagu soo xulay tilmaamo wanaagsan oo uu ku mutaystay xilkaas sida degenaan, dulqaad, hufnaan iyo dhowrsanaan. Ugaasku waxa ay walaalo yihiin shan wiil iyo labo gabdhood.
Xeerbeegtida Xeer Ciise
Ugaaska waxa lagu soo naqeeyey Xeer Ciise, waxxana soo xulay Xeerbeetida Ciise oo dhan 144 gadhcasaa ah. Xeer Ciise waaxa soo dejiyay, tifaftiray, waxna ka dooriya Xeerbeegtida oo loo yaqaanno Gande. Ereyga Gende oo la malaynayo in uu ka soo jeedo afka Bahweynta cushitic (kushatik) waxa luqada meertada ah ugu wada adeegsada Beesha Ciise iyo Beesha Oromada. Gande waxa lagu micneeyey "soo jireen", sooyaal ama ma-guuraan. Haddaba Xeerka Ciisaha waxa ka arrimiya Gande ama xeerbeegti tiradoodu dhan tahay afartan iyo afar (44) xubnood. Waxa xusid mudan tirada 44 oo la sheegay in ay salka ku haysay tirsi Faraaciintii hore ee dalka Masar ay ka xidhig xidhan jireen. Mar kale, waxa tirada loo nisbeeyaa hayaankii kowaad ee Muslimku ugu soo haajireen Geesk Afrika oo tiradooda lagu sheegay in ay ahayd 44 qof. Inkastoo laga murmo halka ay muhaajiriintu ka soo degeen, dad ku xeeldheer taariikhda Islaamku waxay biniixiyeen ergadii Rasuulka Allah (NNKH) u soo diray carriga Xabashida (Ardal Xabash) in ay ka soo degeen Jasiiradda Sacaadaddiin ee degmada Zeylac. Mugdi ku ma jiro in Islaamku dhulka Somaalida soo gaadhay ka hor intaanu ka soo daahirin magaaldii Rasuulka (NNKH) Madiina Almunawara.
Si kastaba tiradu ha ku timaadee, xeerbeegtidii, jilib carro, u doonyeystay Gunburta Sitti ee soo dejisay Xeer Ciise waxa ay dhammaayeen 44 xunood oo kala socda jifiyaha soo socda.
(7) Ceeleeya
(7) Wardiiqa
(7) Hawlaqaada
(7) Holle
(7) Hooroone
(7) Uur wayne
(1) Xubin dheeraad ah oo Ceeleeya ku mutaystay curadnimo
(1) Xubin dheeraad ah oo Wardiiqa ku mutaystay Boqrnimo.
Qaybaha Gandaha
Gande wuxuu u kala baxa Gande Ugaas iyo duca yeel. Gande Ugaas ayaa u xilsaaran soo xulidda iyo doorashada Ugaaska. Sidoo kale, Gande Ugaas waxa loo igmadaa xallinta colaadda, ismaandhaafka, iyo talada beesha dhexdeeda iyo dibedeeda. Gande ducayeel waxaa loo yaboohaa xilli gaar ah. Ugaaska waxa doorta 144 xubnood oo Gande Ugaas ah waxayna u kala baxaan Gandde-Guddi iyo Geed-joog. Gandde Ugaas waxaa ka dhex muuqda xubno xeeldheerayaal ah oo loo xilsaaro hawlo xasaasi ah sida.
(a) Faaliye.
(b) Firreeye.
(d) Xaraf-jir (Qur'aan ruug).
Xubin ka noqoshada Gandaha
Gandaha waxaa xubin ka noqon kara ciddii buuxisa shuruudahan soo socda
• waa in uu ka soo jeeda Ciise Ciisa dhalay
• waa in uu ahaado nin aan dhagaroobin
• waa in aanu ahayn sabool
• waa in uu ahaado nin dhowrsoon, ku sifooby cibaadada Allah oo si gaar ah ugu dedaala oogidda Salaada
• waa in uu ahaado nin xaas leh
• waa in hooyadii bilcan ahayd aan aabahiis ku soo gelin dumaal, xigsiisin ama carmal
Xubinta Gandaha oo shardi laga dhigay in aanu sabool ahayn, waxa xiiso leh weliba in laga rabo xeradiisu in ay ka buuxdo xoolo miyi, gaar ahaan lo'da oo ah lafdhabarka dhaqaalaha ee aggaas. Sidoo kale, waxa shardi ah xubinta Gandaha in uu ku tlmaamsan yahay qof ka caaggan booli iyo hanti mugdi ku jirta midkoodna.
Dhinaca kale, degaanka Ugaaska oo xoolo raacato u badan, sida caadada ah dadku waxay hadba u birmadaan halka uu roobku ka hillaaco. Sidaa dateed, xilliga abaarta, Gandaha Ducayeelka waxa u bannaan in uu u hayaamo danahiisa gaarka ah. Balse, Gandaha Ugaas waxa aan looga maarmayn talosiinta iyo laylinta Ugaaska sida darted waxa ka reeban in uu si dhib yar u boqoolo. Mar walba ugu yaraan 12 ka mid ah Gandaha waa in ay ku sugan yahiin garabka Ugaaska. Xubin ka mid ah Gandaha waxa lagu fasixi karaa marka ay la soo gudboonaato afar xaladood midkood, kuwaas oo kala ah: 1- Geeri sokeeye oo fasaxeedu yahay 8 maalmood. 2- Shil ama dhagar ku timaadda reerkiisa waxana loo oggol fasax 15 maalmood ah. 3- Arooska xigtadiisa oo uu ku maqnaan karo 8 maalmood. 4- Ku dhixidda marwadiisa ama qoyskiisa 8 habeen.
Haddii aan dib u jaleecno reer kasta iyo kaalinta ay kaga jiraan u adeegidda ugaaska, waxa suurta gal ah xil reer lagu ogaa in ay fuliyeen reer kale iyada oo aan wax eeddi ka iman. Tilmaam ahaan, reerka Sacad Muuse, reer Makaahiil oo loo qoondeeyey in ay timaha ka xiiraan Ugaaska, markii ay dhibsadeen waxa bedelay Shariifaan oo ka xiiray Ugaas Wacays iyo Ugaas Xasan Xirsi. Waxa la mid ah reer Xuuble oo ahaa curadka reer Yoonis Muuse oo Gandaha furi jiray, kaalintoodii waxaa buuxiyey reer Macallin oo la wareegay furitaankii Gandaha. Reerka Yoonis Muuse, reer Geeddi waxa la caadaystay in Ugaaska looga dhiso marwadiisa kowaad, haddana, Ugaas Xasan Xirsi guurkiisii hore waxa looga dhisay Reer Ashkir, isagoo reer Geeddina mar danbe la xididay. Ugaaska waxa looga dhisaa :- (1) Reer Geeddi, reer Buraala. (2) Reer Waadhowr, reer Ashkir. (3) Mamaasan Cawl, Badaraxaan, reer Faarax. (4) Sacad Muuse, reer Guulane, reer Waraaba.
Dhiisha Dhiibaraari
Afar iyo afartanka aqal ee Ganduhu waxay leeyihiin Dhiil lagu dhiteeyo dhawrtada taasoo loo yaqaanno Dhiisha-Dhiiba-Raari. Dhiisha sida dhaqanka ah waa in ay soo tolaan reerka Yoonis Muuse, Cabdi Macallin oo ka sii ah Muuse Cadde. Dhiibaraari waxa la dhigaa Aqalka Curadka halkaas oo lagu soo shubo dhawrtada ama sida degaankaas looga yaqaanno Oolsha.
Ka dib marka la ooggo salaadda subax ayaa dhiishii oo caano ka ceegaagta la soo dhigaa kadinka iyadoo la soo raaciyey Galci ama weel wax lagu cabo. Marka salaadd subax laga soo dareero ayaa curadka oo dhiishu gurigaas taallo waxa uu ku tiraabaa:
Heeraayow!
Gandde khayroow!
Gandde Rooblow!
Gandde Guullow!
Erayada oo lagu celceliyo waxay ogeysiis u yahiin Gandaha oo loo wacaya in la gaadhay xilligii dhiisha daboolka laga qaadi lahaa iyo caano lis ah oo shifo lagu afsaaro.
Waa socotaa
No comments:
Post a Comment