16 March, 2010

UDUB DAWLAD BAANU U DHIIBNEY, KULA XISAABTAMEYNAANA, SIDII WAX AAN DHAMMEYN AYUUN BAY SIILAANYO IYO FAYSAL, CAJALDDU KAGA DHEGTEY!!


Ereyga Mucaarid, maaha in qalad laga fahmo. Waa Muwaadiniin u xag jira jiritaanka Somaliland iyo inay yeelato , Maamul hufan, Hagaagsan oo Calamka la jaan qaado. Waxa labada xisbi mucaarid ku dhan raggii u halgamay Madax-bannaanida Dalka. Waxa ay mucaarid ku yihiinna waa siyaasadihii Dugsigiyadii Beenta Hantiwadaagga lagu bartey ee Mas'uuliin badan oo maanta ka taliya Somaliland ay hormoodka ka ahaayeen.
Shicibka Somaliland waxa lagu "torture" garaacayey nabad-gelyada yar ee ay haystaan lagana fujin waayey, Shuruucdii ayaa la laaley, qushi bey yidhaahdeen, Colaado sokeeye ayaa la isku deyey in lga dhex tuuro, yeelkiin ayaa la yidhi, Dhawrkii Gobolba lacag gooni ah ayaa lagu dabrey oo aan meel kale ka socon, weligiinba baa la yidhi, Qaraxyo lagu eedeynayo Mucaaridka ayaa la bilaabey, waa wadhoodii ayaa la yidhi, Dhulkii Danta guud ayaa lagu hor xaraashey, ha wadhleyso ayaa la yidhi, Laas-Caanood ayey ka hillaacdey oo saraakiil ciidan lagu laayey, isimmo iyo Garaaddo ay Puntland dabada ka rrixeyso ayaa dhaqdhaqaaq colaad abuur ah ugu shiraya xadka innaga iyo Puntland u dheeya oo Dhulka Somaliland isirnimo wax ay ku sheegeen ay ku damaaciyayaan, Madaxtooyaduna, shatrikad shiine ah ayey Maalgashi ka maacuudineysaa!!
Sheekh shariifka muqdisho, Madax-shubkii ay bunka saliidda kulul leh , mdaxa ku shuban jireen ayuu malaha xiiseeyey oo waxa uu weydiistey Beesha caalamka in kor loogu qaado, darajada Hawlkalka Ciidammada Amisom , Phaska 2aad!! Macneheeduna yahay in la hoos geeyo Ciidammadan majliska amniga ee Qaramadfa midoobey, Mandateka ay ku shaqeynayaanna ay swecurity Council ku cayinto Art.7 of Un Charter, ahna Xoog ku mideynta Somalia. Samankii hdallada lagu hagayey Dawladaha ayeynu ku jirnaaye, Sheekhu wuxuu ku adkeysan doonaa in uu Somalia (koonfur) qorshihiisu ku eg yahay> Haddise uu ka adkaado Al-Shabaab iyo Goosanka Xisbul Islaam ee colonel Turki hoggaaminayo, waxa miiska u saaran "Abkey Doolli dilow, Dadnool Maan u daahaa?!! Wadaadka Al Shabaab soo raamsadey, Maamul Goboleedyo, miyaa horjoogsanaya, waa sida bun saliidku sheegayee, Halkanna waxay ka leeyihiin laaca aragtaye, laagga ma ogthy?"
Waxa aanu xaq u lahayn in aanu hello Dawlad Somaliland ah oo Adduunka la aqoonsadey, Dalkana shuruucda iyo Dastuurka ku dhaqda, Dawlad Xuduuddeedu sugan tahay. Dawlad lacagta shilinka Sonmaliland Gobolladeeda ka wada socdo si dhaqaale loogu helo, Dawlad Maamulku dhulkeeda wada gaadhey oo ka wada talisa, Dawlad Muwaadinkeeda u nugul oo isku hawsha waxa ay bulshadu tabaneyso inay wax ka qabato, waxa ay ka digeysana , dhego u yeelata oo ka waantowda, Dawlad Saddexda Hay'adood ee hoggaamiya Siyaasadeheedu ay Awoodaha Dastuurigu u kala qeexan yihiin, Dawlad Gole wasaro oo tiro yar tayo sarena leh oo xul ah leh, Ereygii Dillalnimada ee xalka ahaana ka saarta sarbeebaha Siyaasadeed ee Dalkan. Dawlad u dhidibta da'yarta Dalka ee aan shugux shugux ku tumin ay Dalka kaga yaacaan!!
Waxa haddaba kala maan ah, Mas'uuliintii ay ummaddu xilka ku aamintey oo Iyada oo aanu kula xisaabtameynno Dawladnimo dhan oo lagu aminey, marka aanu wax ka weydiinnoba, Siilaanyo iyo Faysal Cali waraabe uun cajaladdu kaga dhegyso, sida Rikoodha Bacadle-yaasha ee cajaladdu y sicirrad badaacadda ka yeedhiso!! Ereyada rag Muuqaalkooda xikmd laga filayey, ka soo yeedhayaa, waxay soo dedejinayaan sidaan is-leeyahay , Muraaro-Dillaca UDUB. Weel walba waxaad ku shubto ayaa kaaga soo dhiiqa, haddaba, Mujaahid Cali Gurey, Jug Soo-Dhacay, waxa uu ugu Muusnnaabey, maaha mid lagu eedeyn karo Siilaanyo ee Foodhida shicibka ee Jug-soo-dhacay waxa weeye khuukhdii ay UDUB Weelka beenta ugu shubtey, Dhagaxaantii warshadaha saddexda ah loo dhigey Berbera ee Dabeysha raacay, Macdantii Sharikadda Australia lagula saxeexdey heshiiska!! iyo Geeddiga yool habowga ah ee Mujaahidku meel uu goreygu ka hadaafey u dhaqaaqey!! Shhekadu maaha Siilaanyo iyo Jug-Soo_dhacay, waxa weeye Somaliland Vs UDUB, ee maxay qabatey Tawraddu?!!
Dr. Cali cabdi Muxumed

No comments: