16 March, 2010

FAALLO:HADALADII LAGU GUBAY MUQDISHO OO LAGA BILAABAAY HARGEYSA

FAALLO:HADALADII LAGU GUBAY MUQDISHO OO LAGA BILAABAAY HARGEYSA

Faallo: Hadalladii Lagu Gubay Muqdisho Oo Laga Bilaabay Hargeysa

Mudooyinkan dambe waxaa soo baxay mas`uuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo Xisbiga Udub oo adeegsada hadallo dadka iyo dalka Somaliland loogu kala qaybinayo Bari iyo Galbeed si la iskaga horkeeno Beelaha Dhexe ee Somaliland. Hadalladan oo ay ka dambeeyaan cadowga sokeeye iyo cadowga shisheeye ee Jamhuuriyadda Somaliland waxaa dabada ka riixaya madaxweyne Daahir Riyaale oo u arkaya in dagaal sokeeye oo laga dhex-rido Beelaha Isaaqa uu yahay habka keliya ee looga hortegikaro doorashada madaxweynaha iyo hanaqaadka qaranimada Somaliland. Shakhsiyaadka ku hadla hadallada lidka ku ah nabadgelyada, dawladnimada, iyo qaranimada Somaliland ee u adeegga maamulka dalka ka jira iyo Xisbiga Udub ee Daahir Riyaale madaxa u yahay waxaa ka mid ah badhasaabka Gobolka Hargeysa, Moxamed Cabdi Daa`uud, wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda, Axmed Adan Ismaaciil, Afhayeenka Xisbiga Udub, Cali Moxamed Yuusuf (Cali Guray) iwm kuwaas oo u xisha sandareerto iyo laaluush lagu abaabulo fitno danna aan ka lahayn dadka, dalka, iyo dawladnimada.

Hargeysa waa caasimada Jamhuuriyadda Somaliland waana astaanta dawladnimada iyo qaranimada dalka. Kala sheegashada caasimadda dalka, Hargeysa, waa qaran-jab waana arrin lagu burburinayo dawladnimada iyo qaranimada dalka islamarkaana lagu wiiqayo sharafta iyo karaamada ummadda Somaliland horseedna u ah colaad sokeeye iyo burbur riiqa. Dadka iyo saxaafadda Somalia ee ka soo horjeedda nabadgelyada iyo dawladnimada Somaliland waxay aad ugu farxaan una buunbuuniyaan hadallada ku salaysan qaran-dumisnimada ee ay ku hadlaan shakhsiyaadka loo adeegsado kala qaybinta ummadda Somaliland iyaga oo u arkaya inay tahay habka keliya ee lagu burburinkaro madaxbanaanida Somaliland. Beelaha Dhexe ee Somaliland oo lagu yaqaano illowshiiyo dhow iyo kal-laxiibnimo cadowgu ugu soo dugaalo ayaa maantana loo maleegayaa halis kale iyada oo la adeegsanayo kuwo iyaga ka tirsan oo doorsoomay.

Masiibadda dagaallada sokeeye ee ku habsatay Somalia, siiba caasimada Muqdisho, waxaa asalkeedii sabab u ahaa kala sheegashada Muqdisho. Markii xukunkii Siyaad Barre dhacay bishii January 1991 ayaa waxa la soo weriyay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta Beesha Majeerteen ka dhaadhiciyeen Beesha Abgaal inay Muqdisho iyadu iska leedahay oo aanay Habargidir xaq u lahayn inay ku xukunto iyaga oo markaas u arkaya in arrintaas looga hortegikaro xukunkii General Caydiid iyo inay si fudud xukunka uga ridankaraan gacanta Abgaal. Arrintaas awgeed waakii Cali Mahdi boobay xukunka ee sheegtay madaxweynaha Somalia dabadeedna shakhsiyaad u adeegayay isaga oo mas`uuliyiin ah ayaa Muqdisho ka bilaabay hadallo iyo khudbado ay Beesha Mudug degta ee Habargidir kaga sheeganayaa magaalo-madaxda Muqdisho. Kala sheegashadaas Muqdisho waxay markaas keentay inuu Xamar ka qarxo 11kii Noofambar 1991 dagaalkii weynaa ee dhexmaray Habargidir iyo Abgaal kaas oo u horseeday Somalia masiibada dagaalada sokeeye ee weli socda kuna baahay gobollada u dhaxeeya Gaalkacayo ilaa Kismaayo oo aanay ilaa hadda jirin beel ku faa`iiday kala sheegashada Muqdisho balse lagu wada gubtay.

Dagaallada sokeeye ee dabada dheeraaday waxay u fududeeyeen dawladda Itoobiya inay qabsato Somalia una geysato dhibaatooyin laxaad leh xag sharaf, naf, iyo maalba. Sababtii ay Cabdullahi Yuusuf Axmed iyo Moxamed Cali Geedi ugu soo hoggaamiyeen Muqdisho Itoobiya ayaa waxaa la sheegay inay ahayd in Beesha Habargidir laga saaro Muqdisho laguna cesho Mudug arrintaasna waxaa caddaynaya aagga Beesha Habargidir ee deggan Muqdisho oo yool u ahaa dagaalka huwanta. Dadka Somalia waxay ku fashilmeen inay fahmaan in Muqdisho tahay caasimad la wada leeyahay oo aan la kala sheegankarin, xukunka iyo hantida guud ee ka jirtana la wada leeyahay in kasta oo degaanka loo kala badanyahay. Maanta caasimadda Somalia waxay u badantahay burbur iyo dhismayaal lagu shaandheeye rasaasta hubka noocyadiisa kala duwan oo aan lahayn albaab iyo daaqado midna laguna daboolo maryo duug ah. Sababta ilaa maanta loo joojin la`yahay dhiigga iyo burburka Somalila waxa weeye dadka Somalia oo qabiil iyo degaan ka doortay kana fadilay qaran iyo dal ay ku faanaan.

Ummadda Somaaliland waa inay ogaataa in Daahir Riyaale iyo shakhsiyaadka kala qaybinaya ummadda ee beelo dalka ka tirsan ka sheeganaya caasimadda Hargeysa ay rabaan in ummadda iyo dalka Somaliland ku dhacaan godka xun ee ay ku dhacday Somalia. Waa in ummadda Somaliland ogaataa in kala sheegashada caasimadda Hargeysa ay ka soo horjeeddo nabadgelyada guud, dawladnimada iyo qaranimada Somaliland. Axsaabta Mucaaradka, madaxda dhaqanka, ururada bulshada, dhallinyarada, iyo dadweynuhuba waa inay si weyn uga dhiidhiyaan ugana hortagaan kala sheegashada caasimadda Somaliland, Hargeysa, iyo kala qaybinta ummadda oo ah arrintii lagu gubay Muqdisho, waanay inay u midoobaan rididda Daahir Riyaale iyo xukunkiisa si halista ay maleegayaan looga badbaado loona difaaco nabadgelyada, midnimada, dawladnimada, iyo qaranimada Somaliland.

Ibrahim Hassan Gagale

Email: Ibrahim_hg@yahoo.com

March 14, 2010

No comments: