28 February, 2010

Wufuud Kusii Qulqulaysa Magaalada Saylac Iyo Xaladda Dhabta Ah Ee Ka Jira Magaaladaasi

Wufuud Kusii Qulqulaysa Magaalada Saylac Iyo Xaladda Dhabta Ah Ee Ka Jira Magaaladaasi


Boorama, February 28, 2010 (Haatuf) – Xuno isugu jira Madaxdhaqameedyo, Salaadiin, Saraakiil dawladeed iyo dadweyne kale ayaa weli kusii qulqulaya magaalada Saylac si ay halkaasi ugu soo dhaweeyaan caleemo saarka ugaaska Beesha Ciisaha, taas oo ka mid ah marxalad cusub ee kusoo korodhay Somaliland.

Xubhana ugu dambeeyey ee shalay ka ambabaxay Boorama, una kicitimay magaalada Saylac ayaa waxa ka mid ah Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo hoggaaminaya wafdi ka kooban Madaxdhaqameedyo iyo cuqaal kaleba.

Suldaanka oo qaddar daqiiqado ah ka hor intii aanu u kicitimin xeebaha galbeedka la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay inay Saylac u tagayaan martiqaad ay ka heleen beesha Ciise si ay uga qayb galaan xafladda caleemo saarka ugaaska Ciise ayaa sheegay in xafladdani aanay ahayn mid siyaasadeed oo ay tahay xaflad dhaqan waxaana hadalkiisa ka mid ahaa oo uu yidhi "Maanta waxa aanu u baxaynaa magaalada Saylac oo aanu kaga qayb galeyno caleemo saarka ugaaska ciisaha, annaga oo ku tageyna martiqaad aan ka hellay hooggaamiye dhaqameedyada beesha Ciise. Waa xaflad dhaqan oo aan ahayn mid siyaasadeed, waxaana ugaaska Ciisaha Saylac ugu soo dhaweyn doonaa siddii aan ugu soo dhaweynay Suldaanka Qawmiyadda Canfarta oo Saylac keennay, taasina waxay keenaysaa inay isku soo dhawaadaan madaxdhaqameedyada Somaliland, Jabuuti, Itoobiya iyo kuwa kaleba, waana fursad inoo fiican oo looga baahan yahay in aan la gelin shaki iyo waxyeelo wax u dhimi kara deris wanaagga".


dad kale ee shalay subax dhulkaasi u kicitimay ayaa waxa ka mid ahaa wakiilka idaacadda BBCda ee Hargeysa, isku duwayaasha ku dhawaad shan wasaaradood oo hoos yimaadda maamulka Gobolka Awdal iyo tiro ka mid ah dadweynaha Boorama oo laga casuumay shirkaasi, hase yeeshee waxa aad u yaraa siyaasiyiinta xisbiyada qaranka ee halkaasi kaga qaybgeleysa caleemo saarka ugaaska ciisaha.


Si kastaba ha ahaatee caleemo saarka ugaaska ciisaha ee loosoo xawilay magaalada Saylac iyo Somaliland ayaa dadweynaha magaalada ku nooli dareenno kala duwan ka muujiyeen, iyagoo qaarkood u arka in caleemo saarka ugaaska Ciisaha ee magaalada Saylac ay dhabarjab ku tahay qarnnimada Somaliland iyo xukuumadda maanta halka kuwa kalena ka hadleen sidda caleemo saarka Ugaaska beeha Ciise ee magaalada Saylac ay soo afjarayso sheegashada beelaha Samarroon ee deegaanka Saylac, gacantana loo geliyey cadow reer Awdal, waayo hore u lahaan jireen, halka kuwa kalena ay dareenkooda ku sheegeen in aan ugaaska caleemo saarka ugaaska Ciise wax caynkaas ah ka beddeli karin karayn deggenaanshaha dhulkaasi.


hase yeeshee socdaalka ergooyinka lagu casuumay caleemo saarka Ugaaska Ciisaha ayaa la sheegayaa in durba qaar ka mid ah dhex fadhiisteen kaddib markii ay mari waayeen biyaha kasoo rogmaday buuraha kuna soo faafay jidka isku xidha Saylac, halka kuwa kalena gaadiidkii ay wateenni dhexda kaga xumaadsay ama cilado farsamo ku yimaaddeen, iyadoo la ogyahay dhibaatada ergooyinkaasi ka mudanayaan burburka jidka isku xidha xeebaha galbeedka iyo jabuuti

No comments: