28 February, 2010

Miisaaniyaddii 2010ka oo march Dallacan weli, Dakhligii qaranka ee Maxjarka oo wasiirkii la maqan & hadimadMiisaaniyaddii 2010ka oo march Dallacan weli, Dakhligii qaranka ee Maxjarka oo wasiirkii la maqan & hadimada Xildhibaanka Udub ee Boliska Boora


 
Dastuurka Dalkanu waxa uu qeexayaa, sida loo maamulayo Diyaarinta iyo Meel marinta Miisaaniyadda qaranka, marka laga hadlayo shuruucda. Maamulkan Dalka maanta ka jira , waxa aad ugu adag in uu fahmo , Mas'uul kastya oo ka mid ahi in uu yahay Muwaadin u adeega Bulshada, uguna adeega axdiga qaran ee ku aloosan Dastuurka, Ummadduna ugu igmatey Xilkan ee aanay Bulshadu ahayn hanti uu sida uu doono ula dhaqmi karo.
 
Mar wax laga weydiiyey Jug-soo-dhacay, Xoghayaha Guud ee Xisbiga Talada haya ee UDUB , kaadhadh la sheegey in lagu beddelayo , kuwii hore dadkii is diiwaan geliyey, iyo waqtiga la filayo in la qabto Doorashada Madaxweynaha , ayaa ereyadiisa waxa ka mid ahaa, ".. Waa lagu qasban yahay in waqtiga ay doonto ha qaadatee, gootrta ay khubarada gacanta ku haysa kala shaandheynta Serverku ay ka soo saarayaan liisyada codeynta "
Waxa Xoghayaha ka maqan haddii cidi khasbanaaneyso in uu Maamulka uu miska ka yahay ku khasban yahay in uu rabitaanka Bulshada u adeego. Nidaamyada demuqraaddiga ahna ereyga waa lagu qasban yahay kama shaqeeyo!!
 
Sidan oo dhacdey, ayaa waxa Maamulku ilaa imika oo bishii Saddexaad ee Sannadka la galey,  maqan Miisaniyad sannadeedkii qaranka. Waxa kale oo maqan Dakhligii qaranka ee Xoolihii sanadkii dhammaadey xajka u dhoofey Lacagtii Maxjarka Berbera laga qabtey oo Wasiirkii Xannaanada Xoolaha la maqan!! Waxa raaca Xildhibaan caynaan oo ka mid ah xildhibaannada UDUB ugu cadcad oo kontroolka Boorame Askari ku xidhey, ku baadhatey oo lacag Doolar ah iyo Baasaaboor Somaliland ah uu lahaa , laga dhacay!!?  Ma Dalka ayaan Dalkii ahayn!! ma shuruucda ayaan tii ummaddu dhigatey ahayn, Ma Xildhibaannada ayaan Xildhibaannadii ahayn!! ?
 
Madaxweynaha Dalku goor walba waxa uu yidhaahdaa nin shuruucda ka sarreeyaa ma jiro, waa sax haddii ay run ka tahay ee bal waatane, ha waafajiyo Arrimahan Dastuurka Dalka iyo shuruucda ay Madaxtooyo, Golayaal sharci Dejin iyo Hay'ad garsoorba kitaabka Gacanta u wada saareen!!  Qisadii waxa ay isu beddeshey, Maamulka Mas'uuliintiisu inay ka sarreeyaan Dastuurka iyo shuruucda , in aanay kala dambeyni jirin, in aan lagu xisaabtameyn  muddada xilgudasho iyo Mas'uuliyadaha xilka, in uu dhaqaalaha Dawladdu Dayacan yahay, Hay'ad hantidhawr oo wax layskaga tiraayana ka jirin Dalka illeyn lacagtii 2009kii soo xerootey ayaaan weli gaadhin Wasaaraddii Maaliyadda Qaranka'e!!
 
Mas'uuliinta Dalku iyada oo ay amuurahanu hortooda ka dhacayaan sidey isugu qancinayaan in ay mar kale Xil loo doorto Rajo ka qabaan!!? Ma Ummadda ayaan tii Naf iyo Maalba Dalkan u hurtey ahayn ?  Ma cadho Alle oo caqligii kal baxdaa halgankii dabadii dhacdey? Wax la liqi karose ma yihiin , in askar Booliis Xildhibaan Dhawrsanaan qaran huwan , kontroolka Boorame haddidaad, aflagaaddo , Baadhasho iyo Xadhig la isugu daro? Ma Booliska ayaan keennii ahayn, Ma  Hoggaanka Booliska ayaa mid kale ka hoos dhismay mabda' kale lehi oo aan aqoonsaneyn Dawladnimada Afka laga sheego?
 
Bulshada oo Xisbiyada Mucaaridka isugu Biyo shubatey, UCID,KULMIYE & UDUBta Isbeddel-doonka ah, waxaan leeyahay , Waar inta ay khubaradu ku hawllantahay serverka kala shaandheyntiisa, idinna maydun ka hawlgeli in Dastuurka Dalka iyo shuruucdu Shaqeyso, si aad caddaalad Doorasho u heshaan Goordhaw? Maamulka Xildhibaankii aad ogeydeen siduu ugu xiiqsanaa, hadimadan innamo yaryar oo askar ahi ugu geysteyn Kontroolka Boorame, isaga oo UDUB weliba xag-jir ah ahaa, inaan hadhlaydiin jiideyn meesha dhigta!!  Ma wax laysu sheego ayaa hadhey? Akhristeyaal , idinka iyo Maankiinu ha wada gorfeeyaan jawaabteeda.
 
Dr. Cali Cabdi Muxumed 

No comments: