18 February, 2010

Bukaan Jiifka Cusbiatalka Guud ee Hargeysa oo Wasiirka Caafimaadka ka Dalbaday Inuu Hadimada ka Daayo Dhakhaatiirta u Adeegta

Bukaan Jiifka Cusbiatalka Guud ee Hargeysa oo Wasiirka Caafimaadka ka Dalbaday Inuu Hadimada ka Daayo Dhakhaatiirta u Adeegta

Madaxtooyadda oo guddi u saartay Khilaafka u dhexeeya masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka iyo dhakhaatiirta wasiirku eryey oo shaqadoodii wata

"Annaga Wasiirka Caafimaadku dhakhtar nooma aha, waxna nagama oga

xaalkaanu ku sugannahay, markaa waxaanu leenahay..."

Aadan Maxamed oo ka mid ah bukan jiifka cusbitaalka Hargeysa

"Wasiirka Caafimaadku Markuu Gudan Kari Waayey Hawlihiisii Shaqo ayuu ku Warwareegayaa Dhakhaatiir Dadweynuhu Markhaatiga u Yihiin"

Guddoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Somaliland

Hargeysa (Jam)- Dhakhaatiirka dhowaan shaqada laga cadhiyey, ayaa gaashaanka ku dhuftay eedaymaha Wasiirka Caafimaadka Md. Cabdi Haybe u cuskaday erigooda, waxaanay ku hanjabeen in aanay marnaba joojin doonin hawlihii adeegyada caafimaad ee ay u fidiyaan bukaannada jiifa Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.

Wariye ka tirsan Jamhuuriya oo Cusbitaalka Guud ee Hargeysa shalay kula kulmay qaar ka mid ah dhakhaatiirta wasiirku shaqada ka fadhiisiyey, ayaa markale ku adkaystay in aanay sinaba u joojinayn adeegyada caafimaad ee ay u fidiyaan bulshada, iyagoo go'aanka wasiir Cabdi Haybe-na ku tilmaamay mid aan xikmad masuulnimo ku fadhiyin.

Guddoomiyaha ururka dhakhaatiirta Somaliland Dr. Axmed Maxamed Gaas oo la weydiiyey sida ay u arkaan eedaymaha wasiirka caafimaadku u cuskaday shaqo-joojintooda ee la xidhiidha inay ka soo daahiri waayeen cusbitaalka oo baahi caafimaad oo fara badan ka jirto, waxa uu ku jawaabayey; "Hadalka Wasiirka Caafimaadka ka soo yeedhay waa mid aan waxba ka jirin oo noqonaya cudurka kaa gala fardaha, haddii laga gubo dameer dawada lama gaadhayo. Markii uu gudan kari waayey hawlihiisii shaqo ee u yaallay ayuu ku soo werwareegayaa dhakhaatiir ay markhaati yihiin dadkay u shaqeeyaan.

Cabdi Haybe kamuu faa'iideysan intii uu joogay Wasaaradda Caafimaadka, taasina waa ta keentay inuu baabi'iyo oo uu curyaamiyo laf-dhabarta dhakhaatiirta cusbitaalka Hargeysa u shaqeeya, waxaananu ballanqaadanaynaa in aananu ku halayn doonin bukaankayaga Cabdi Haybe iyo waxa uu sheeg-sheegayo."

Geesta kale, wuxuu wargeyska Jamhuuriya u kuurgalay siday bukaanku u arkaan dhakhaatiirta shaqada laga eryey iyo inay jiraan dhakhaatiir lagu soo beddelay oo u adeegaysa waxay sheegeen in aanay jirin wax dhakhaatiir ah oo ilaa iminka u adeegay, balse dhakhaatiirtii hore uga hawlgali jirtay u yimaaddeen.

Aadan Maxamed oo ka mid ah bukaanka jiifa qaybta jajabka, ayaa xaqiijiyey inay shalay ka hawlgaleen dhakhaatiirtii hore uga shaqayn jiray, isla markaana adeegyada u fidin jireen u qabtay, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; "Annaga Wasiirka Caafimaadku dhakhtar nooma aha, waxna nagama oga xaalkaanu ku sugannahay, dhakhaatiirta uu eryeyna saakaba [shalay] way noo yimaaddeen, xaaladdayadan way eegeen. Markaa Wasiirka waxaannu leenahay cusbitaalka wixii hadimo ah ha u quudhin.

Sidoo kale mar aannu qaybta dumarka wax ka weydiinay dareenkooda ku wajahan dhakhaatiirta shaqada laga eryey, ayaa Faadumo Maxamed Daahir oo ka mid ah haweenay ku sugnayd cusbitaalka waxay tidhi; "Markii aan maqlay runtii aad baan uga naxay dhakhaatiirtii ugu muhiimsanayd ayaa la eryey, waayo waxay ahaayeen inta la eryey badankoodu intii heeganka noo ahayd ee saqda dhexe u kacaysay bukaanka, cid kale oo saaka (shalay subax) noo timidna may jirto, balse waxaan aad u farxay markii aannu aragnay dhakhaatiirtayadii oo noo shaqaynaysa."

Shaqo ka eriyada dhakhaatiirta tirada badan ee Wasiirka Caafimaadku ka caydhiyey ayaa ku soo beegantay waqti uu khilaaf aad u weyni ka dhex qarxay Cabdi Haybe iyo Agaasimaha Caafimaadka oo gaadhay halkii ugu sarreysay, kaas oo xilligan la odhan karo xaaladda hawlaha caafimaadku waxay ka bixi la'dahay muran, is-qabqabsi iyo shaqo-ka-eryid, waxa sida la sheegay jirta inay madaxtooyadu guddi madaxbannaan u saartay si ay u xalliyaan khilaafka soo kala dhexgalay madaxda Wasaaradda Caafimaadka.



Jamhuuriya Online

No comments: