Su'aal, madaxweyne ka waran xaalada Somaliland guud ahaan?
Jawaab, walaahay xaalada Dalku way fiicantahay, waad la socotaan oo Xoolihii waa la furay, qiima fiicanna waa la siistaa.
Dhulka la kala iibsadaana maalin uu ka qaalisan yahay ma jirto.
Nabadgelyada waad la socotaan haddi aad warbaahinta tihiin in maalin walba argagixiso iyo Miinooyin la qabto.
Su'aal, madaxweyne haddi aan laba su'aalood oo ku saabsan nabadgelyada iyo iibka dhulka ku waydiiyo, waxaa laydinku eedeeyaa inaad dhulkii danta guud sife shirci darro ah ku iibisaan, oo aydaan xitaa golaha yaasha shirci dejinta marin taasoo ay ugu dambaysey mid ka mida Jasiiradaha galbeedka Somaliland arrintaa maxaad ka odhan lahayd?
Jawaab, horta waxaa oo dhan cidda la wareegtaa waa nimankan mucaarad isku sheega ah, waxaan ku sheegayaa sidaad la socoto waddankani dhaqaale badan ma laha, cashuurta ka soo baxdaana ma soo dhaafto mushaharka ciidamada iyo shaqaalaha dawlada, markaa adigaan ku waydiiye maxaad madaxdii dalka ugu talagelaysaa haddi aan farsama kale la keenin? Iibka dhulka se saw ma ogid in Dawladu xaq u leedahay inay ciday doonto ka iibiso?
Su'aal, lakiin mudane madaxweyne waxaa la leeyahay wixii dhulka ka soo baxay adiga iyo rag aad ku jirto ayaa si gaara debeda u dhigtay ama guryo ku dhistay arrinkaasi saw ma jiro?
Jawaab, Adeer dhegeyso, saw ma ogid in madaxweynihii iga horeeyey qawanaan ku dhintay? oo xitaa aanu Shilin meel u ool markii uu dhintay, Adeer waxaan leeyahay carruur iyo reer markaa ma doonaayo in tii Cigaal oo kale igu dhacdo intaan halkan joogo waxbaan meel ka dhigan.
Su'aal, haddi aan taa halkaa kaga gudibno, dhanka nabangelyada waxaa jirta inaad Minooyin aan cid dhigtay la garanayn cidna wax yeelin hesheen, maxay kula muuqataa ujeedada arrintani?
Jawaab, horta waad aragteen oo wixii aanu helay warbaahinta guda iyo ta debedaba waanu u soo bandhignay, markaa arrinkaasi waa arrin argagixiso.
Su'aal, lakiin madaxweyne waxaa layswaydiinayaa laba arrimood oo kala ah.
- Miyooyinkan had iyo jeer waxaa hela dad aan Miyoonka aqoon u lahayn sida carruur iyo islaamo iyagoo aan cidna wax yeelin.
- Iyo idinko markiiba warbaahinta caalamka isugu yeedha, taasoo dalka ka dhigaysa meel aan amaan ka jirin.
Jawaab, Adeer dhegeyso dalka Dawlada ayaa xilka saaranyahay, waad ogtahay oo dad hore oo Ajahanebi ah ayaa dalkan lagu laayey, waxaana hadda soo socda nimankii SERVERKA inaga caawinaayey, markaa waa in aynu u sheegnaa dhibka meesha yaal si aanay inoogu soo deg degin amase beri inoo odhan amaan darada noomaydaan sheegin.
Su'aal, madaxweyne shirkii jaraa'id ee aad dhowaan qabatay waxaad ku sheegtay in Silaayo berigii SNMta uu joogey uu aaminsanaa nidaamka FEDERAALKA, adigu maxaad aaminsanayd xageese ku sugnayd xiligaa?
Jawaab, Adeer qoladiina warbaahintu meelo aan loo baahnayn ayaad gashaan, anigu waxaan ka mid ahaa cidamadii Dawladii SIYAAD BARE oo aan u dhaartay, waxaanan fulinaayey shuruucdii Dalka u tiil xaruntayduna waxay ahayd magaalada Berbera.
Su'aal, markaa haba yaraatee ma ku dhibijirtey Xasuuqii iyo Gumaadkii ay ciidankii aad ka tirsanayd shacabkan u geysan jireen?
Jawaab, Horta waxaas maanta waa laga soo gudbay, anigu se waxaan arkaayey laba dhinac oo iska soo hor jeeda, shacabka aad sheegaysaana wuxuu ahaa shacab hubaysan oo aan cidna bixinayn. Sidaa daraadeed anagu Dawlad ahaan shacab meel iska fadhiya ma naan arkayn.
Su'aal, dadka reer Somaliland badan koodu waxay aaminsanyihiin in wadaninimadu ka dhabtay intii dalkan iyo dadkan naftooda iyo maal kooda u hurtay, markaa adiga goorma ayay Somalilander-nimadu kugu dhalatay?
Jawaab, horta waxaa jirta mahmaah Ingiriisi ah oo tidhahda, IF YOU CAN NOT BEAT THEM JOIN THEM, marka hore anigu waxaan ahay muwaadin wadankanina gacmo badan ayuu soo galay.
Intaana ilaa CUSMAANIYIINTI ilaa INGIRIISKII ilaa SIYAAD BARE dad baa la shaqaynaayey oo madax u ahaa, markaa anigu marba cidda joogta ayaan loyal u ahay lakiin jabhadayn marna u gelimaayo.
Waraysigani waa mid mala awaala balse ka turjumaaya xaqiiqda ka jirta Somaliland.
La soco qayta 2aad......................
Yussuf Hassan Umal (yucuboole)
No comments:
Post a Comment