Qarax ka dhacay Magaalada Laascaanood oo lagu dhaawacay Guddoomiyaha Gobolka Sool iyo dad kale, dhimashana keenay
Khamiis, 28 January 2010 (HOL)- Mid ka mid ah ilaaladii Guddoomiyaha Gobolka Sool Saalax Askar Xuseen ayaa dhintay, halka Guddoomiyaha iyo afar qof oo kalena uu dhaawac soo gaadhay ka dib markii maanta Laascaanood lagula beegsaday Bam nooca meesha fog laga hago ah.
Siday sheegayaan Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood, Guddoomiyaha Gobolka Sool Saalax Askar Xuseen oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Ilaaladiisa, isla markaana abbaaro 11:15 subaxnimo ee saacadda Afrikada bari gelaya Gurigiisa ay ku qaraxday Bam Gurigiisa hortiisa loo dhigay oo nooca meesha fog laga hago ah. waxaana halkaa ku dhintay mid ka mid ah Ilaaladiisa, halka ay ku dhaawacmeen shan qof oo kale oo uu ku jiro Guddoomiyuhu.
Warku wuxuu intaa ku daray in Guddoomiyaha, Darawalkii Gaadhiga u waday, mid ka mid ah Ilaaladiisa iyo laba qof oo kale oo shacab ah oo goobta ka ag-dhawaa ay ku dhaawacmeen qaraxaas. Guddoomiye Saalax ayaa la sheegay in dhaawac culus uu ka gaadhay Wejiga, Madaxa dhiniciisa dambe ee Qadaadka iyo lugaha. Sidoo kale, waxa uu warku sheegay in Darawalkii gaadhiga u waday iyo gabadh ka mid ah daka shacabka ah ee dhaawacmay uu dhaawacoodu culus yahay.
Magaalada xarutnta u ah Sool ee Laascaanood ayaa dhawaanahan la deristay Qaraxyo qorshaysan, kuwaas oo lagu dilay Saraakiil badan oo ka tirsan Ciidamada kala duwan ee Somaliland, isla markaana waxa ku dhaawacmay dad badan oo kale oo Ciidan iyo shacab-ba isugu jira.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
barqad@hiiraan.com
Hargeisa, Somaliland.
No comments:
Post a Comment