24 December, 2009

Xukuumadda Rayaale oo si Qarsoodi ah Xilkii Uga Qaaday Safiirka Somaliland u Fadhiya Faransiiska

Xukuumadda Rayaale oo si Qarsoodi ah Xilkii Uga Qaaday Safiirka Somaliland u Fadhiya Faransiiska

Masuul sare oo ka tirsan xukuumadda Somaliland oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego, ayaa Jamhuuriya u sheegay in aan wasaaradda arrimaha dibeddu ka war hayan xil-ka-qaadista safiirka, balse waxa uu xusay inuu warkaas laga maqlay Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) oo wasaarada waydiiyey in la beddelay.

Sida ay faafisay idaacadda badaxabannaan ee Radio Horyaal, dawladda Faransiiska ayaa ku wargelisay safiirka Somaliland u fadhiya Paris Md. Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) in xukuumadda Rayaale xilkii ka qaaday.

Warku waxa uu intaa ku daray in masuuliyiinta Faransiisku u sheegeen Mr. Fagadhe in qaabka loo beddelay ka baxsan yahay nidaamka iyo anshaxa diblomaasiyadda ee caalamiga ah, iyada oo ay habboonayd in marka hore haddii ay ka maarmi waayeen dalka ugu yeedhaan, halkaasna ugu sheegaan in la beddelay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiisku, ayaa la sheegay inay dhaliishay qoraalka beddellaaadda wakiilkii Somaliland ee Paris oo isagoo aan la ogaysiin loo diray wasaaradda arrimaha dibadda Faransiisku, waxana la sheegay in xilkaas xukuumadda Rayaale u magacowday Ku-xigeenkiisii.

Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) ayaa ah khabiir waayo-aranimo badan u leh dhinaca diblomaasiyad, waxaannu muddadii uu xilkaa hayey ku guulaystay inuu dalka keeno ururro caalamiya iyo shaqsiyaad muhiim ah oo u dhashay Faransiiska, kuwaasoo la sheegay in ay si weyn uga warrameen qaddiyadda Somaliland.

Haddaba, masuulka ka tirsan xukuumadda oo aannu waydiinay waxa ka jira warka sheegaya in xilkii laga qaaday safiirka Somaliland u fadhiya dalka Faransiiska, waxa uu ku jawaabay, "Horta safiirku wuu ila soo hadlay, wuxuuna igu yidhi, miyaa la ibeddelay? Waxaan ku idhi, xaggeed warkaa ka maqashay? Wuxuu igu yidhi, nin Faransiis ah ayaa igu yidhi, waa lagu beddelay, markaa waxaan ku idhi, Fagadhe miyaad heshay waraaq rasmi ah oo beddelaaddaada la xidhiidha, wuxuu igu yidhi; maya; markaa waxaan ku idhi, bal haddaba wax hubso wasaaradu beddellaadaada ma haysee."

Waxaanu masuulkaasi intaa ku daray "Horta waxaan u malaynayaa in beddellaadda Fagadhe meel dhexe cid ka samaysay oo metelan madaxweynuhu wuu beddeli karaa safiirka oo sharciga ayaa u bannaynaya, wasaaradduna way beddeli kartaa safiirka, Fagadhe-na in badan ayuu qalnaa oo uu xannuunsanayey, waxana Faransiiska la jooga laba nin oo isaga ku-xigeenno u ah, markaa haddii la yidhaa intuu xannuunka ka bogsanayo ku-xigeenkiisu hawsha ha sii wado, taa macnaheedu maaha in la beddelay safiirka."

Xigasho: Wargeyska Jamhuuriya

No comments: