24 December, 2009

Wasiiru-dawlihii Arrimaha Dibedda oo xalay ku geeriyooday Hargeysa

Wasiiru-dawlihii Arrimaha Dibedda oo xalay ku geeriyooday Hargeysa

Marxuumka ayaa xalay  Wadnuhu istaagay sida la sheegayo. "Sida lay sheegay wuu Caafimaad qabay maanta (shalay), balse caawa (xalay) abbaaro 10:45 ee habeenimo, ayuu Ilaahay ha u naxariistee geeriyooday." Sidaa waxa yidhi Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse).

Aaska Marxuumka ayaa maanta waxa ka qayb galay Madaxweyne Rayaale iyo Masuuliyiin badan oo ka kala socday Xukuumadda iyo Baarlamaanka.

Waa xubintii labaad ee ka tirsan Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Rayaale ee geeriyooda muddo bil ah gudaheed, halka Wasiirkii hore ee Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Marxuum Qaasim Sheekh Yuusuf uu 20-kii bishii aynu ka soo gudubnay ee November si kedis ah ugu geeriyooday Magaalada Makka ee dalka Sucuudiga, waqtigaas oo uu halkaa u tegay gudashada waajibaadka Xajka.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

No comments: