20 December, 2009

UMMAD AAN MUWAADINKEEDA U ADEEGGA DALKIISA , BILLAD SHARAFTA UU MUDAN YAHAY, KALA MASUUGTA, IYANA KU XADAARAD LA' !!


Maamulkan Riyaale ee qaladaadka boobka hantida qaranka, siyaasadaha garan-waaga ah iyo Musuqa ay u dheeraatey, Maamul xumada, ay intii Damiirka ka lahayd aqoon –yahaniinta dalku sidii ay yuurta uga hayeen Ummadda , iyana ku illoobay ama waqti u waayey bal ay dib ugu jallecaan, Muwaadiniin badan oo Dalkooda iyo Bulshadooda Abaal-gashadey , loona ogyahay, waqtise loo waayey loogu mahadnaqo, laguna Muujiyo, Adeegyada geesinimada leh ee ay ku dhaqaaqeen, waxtarkeedana la wada arkey. Waxa kale oo ay Waqti u waayeen in ay Agoontii kuwii Albaabka u ahaa, Madaxbannanida dalkan u hureen Naftoodii ee amaanada Alle-hortii qoorta ummaddan u sudhan ah ee aan labatanka sano ee ay mamulladii kala dambeeyey isku meereysanayeen aanay Bulshadu madaxa kor u qaadin, Ilmihii waqtiga dhasheyna uu labaatan jirsadey, intaasna aanu arag

Kuwii uu Aabbihii dartood  iyo difaacooda u shahiidey oo u muujiya in ay beddelkii Aabbihii yihiin oo ay xilkuu barbaarintiisa uga baxay ay u taagan yihiin, kuna koro in uu ummad jirta ka dhashey, guna garowsan lahaa in aanu aabihii cyaar ku tegin e uu ahaa geesi Mawqif iyo Dun adaygba leh !!  labaatan sano ka dib , yaa ilmahan qawmiydnimo uga sheekeyn kara? !!

Caano daateyba dabadood la qabay ayey Somalidu tidhaaye, aynu  Maanta  ka bilowno oo intii Muwaadin taariikhda Dalkan Wax ku yeelatey eek u muuqatey Adeegyada ay u qabteen bal Markey ugu yartahay aynu nidhaahno , Alle ha idinka jazaa'I siiyo Ummadda iyo Dalkaba , waxa aad u qabateen ee la wada taaban karo!! Lana mahadiyey!!. Saddex Aqoon-yahan oo rag ah iyo Saddex Dumar ah oo Dalkan Alle u Roon-yahay ee Somaliland u dhashey ayaan jecleystey in aan aniga oo ka duulaya, wejiga cuub ee siyaasadda Abaalmarinaha  Maamulku u fidin doono Muwaadiniinta ku muteysata adeegyada la taaban karo sida kuwan si aan muran lahaynna Bulshadu u wada qirto midhaha ka soo baxay Dedaalkoodabna , laga dhex arko Bulshda . Ummad aan Mahadsanid aqoon inay ku tidhaahdo dadka duruufo iyo waqtiyo adag u hura nafooda iyo Maalkooda ama fikirkooda, iyana wey ku xadaarad la'dahay!!. Ragga aan ku horreeyo ee Muwaadinka Maxamed Siciid Ducaale, Dahabshiilna ku caa-baxay ee ah mullkiilaha Sharikadda Dahabshiil, Muwaadinka Colaad ee ah Mulkiilaha Sharikadda Daalo Airline Fikraddeeda iyo Maamulkeeda, kan sadexaaddna waa sheekha Caalimka ah ee  Sh. Aadan Siiro.

Marwooyinka Dalkan ee Taarikhda iyo Waxqabadka  looxa sharafka adeegyada ay Dalkooda u qabteen ku qoreen iyana  aan  soo qaadanno:  Marwo Adna Aadan Ismaaciil ,

Mulkiilaha  "Edna Matrernity Hospital " ahaydna , Wasiirkii Arrimha Dibaddan ee Dalkan Muddada lixda bilood ka yarayd  ku geysey casuumad rasmi ah Madaxweynaha Dalka goleyaasha baarlamaannada Adduunka ugu awoodda badan, Afrikada galbeedna hujuum siyaasadeed oo aqoonsi ku qaadey midhaheediina aynu maragga ka nahay in waxaynu garan weyney Jaamicad Koonfur Afrika ku taalla garatey oo ay ku sharaftey Abaalmarinta  CHANCELLORKA oo  ay ku muteysatey adeegyada Siyaasadeed iyo Caafimaad ee ay u Fidisey Bulshadeeda. Adni inta ay shaqaale caafimaad u tababartey Dalkan, Maamulka Riyaale uma qaban Dalka. Edna wax Shahaadad ka badan ayey Dalka ka istaahishaa, taariikh halgan oo ku dayasho lehna wey u dhigtey Gabdhaha Somaliland oo gaadhsiisey inay Wakiilka hay,adda  WHO ee Dalal dhawr ah soo ahayd, taasi oo ay looxa  Mudnaanta ee Dawliga ku soo qortey in Gabadh Somaliland u dhalatey soo ahayd

Wakiilka u fadhiyey WHO dalal badan oo Aduunka ah!!.

Labada Marwo ee kale waxa ay ahaayeen  Mas'uuliin Tacliimeed oo Gabdhaha ah. Waxay ahayeen  Tusaale aan la illaabi Karin oo Tarbiyadda wanaagsan iyo Tirtirsiyeyaal hablaha in iyaga oo aan dhaqankooda iyo awaamirta diinta geesna uga gabin, ay haddana tartan shariif ah oo aqooneed, Xuquuqda uu Muwaadinku leeyahay ayey leeyihiine ay ku doonaan aqoon. Labadan Mas'uul oo kala ahaa , Dr. Nawaal Aadan yaaxiin, iyo Marwo Aamina Xaji Ibraahim "Besbaas" waxay ahaayeen labadii hablood ee ugu horreeyey gabdho gaadhi ku kexeeya Dalka , Aqoon iyo garnaqsi adagna kula soo baxay liisanno aan waqtigaa Dumarba loogu talo-gelin!! Waxa muran ma doon ah in Gabdhihii ay wax soo bareen ee Boardingka  Burco iyo Hargeysaba , ay maanta  Waddankeenna , khaliijka, kanada, Mareykan iyo Europe  intaba ka muuqdaan Mujtamacyada Somaliland. Tusaale haddaan ka yar taabto, Marwo Faadumo Suudi Xasan ayaa ka mid ahayd, wasiirka Qoyska & Arrimaha Bulshada, waxa kale oo ka mid ahayd  Abwaanadda , Amran Maxamed Axmed oo Marwo aad looga qaddariyo qurbajooggeena ah , yurbna deggan iyo qaar kaloo badan. Waxa xusid Mudan in ay suugaantu Amran ku soo degtey  Dugsiyada Waxbarasho ee ay Mithaalka adabta iyo dhaqan wanaagga ka ahayd meelihii ay wax ka soo baratey ka dib , imikana marwadaa magaca ku leh ummadda somliland tahay. Waxa haddaba jira Muwaadiniin badan oo kale oo sidn oo kale yeeley ee bulshda Dalku halkan ha ka sii waddo, waxa iyagu  Intanba ka wada Mudan Kuwii Markii Ummadda loo xoogga sheegtey ee la xasuuqay , la dhacay, la booby ee hantidoodii lala tegey, u hurey naftoodii , darajo iyo nolol wnaaggii ay haysteen ee halganka hubeysan ugu soo dhjiciyey Dalkooda, ee Bulshadoodu kuwii ay ka dhiciyeen ka fadishey ee aan ka dagaallamin ee lagu tacaddiyey ee iyaga oo weli qaarkood u naafo ah, saaraakiishii Nabadsugidda ee waqtigaasi manta ku sheegayaan  Al-Shabaab iyo xubno Qaacida xidhiidh la leh ee  ilaashanaya  nabad-gelyada  yar ee laynagu majiiranayo!!. Gari Alleh ay taqaan reer Somalilandna  laba  ha kala daayaan!!

Aan Raggii dib ugu noqonno, Maxamed Siciid Ducaale , Dahabshiil, waa Muwaadinka adeegga lacageed ee Degdegga ah ku badbaadiyey Alle Fadligii in Badan Bulshada isaga oo isku xidhey qurbajoogga iyo eheladii Dalka ku hadhey oo nidaam aan cidi uga horreyn oo Ammaano iyo adeeg hufan uu ku muteystey ku xidhiidhshey. Maxamed intaas uun kuma ekaanne, waxa uu ka faa'idey adeeggan dib ayuu hddana badh ugu celiyey dalka iyo Muwaadinka, haddii ay tahay dhismeyal dugsiyo ,Cisbitaallo, tabarruc gawaadhi uu hay'adaha Dawldda u fidiyo, Muwaadiniin baahiyo gaar ah oo Caafimaad qabay uu jeebkiisa dibadda ugu direy laguna soo daweeyey . Bangigii ugu horreeyey ee dawliga ahaa, ee Muwaadin Somaliland u dhashey leeyahayna ka furey imika jabuuti oo ganacsatadeennu manta si kalsooni iyo ammaano adeegba leh ay  Aduunka halka ay doonaan wax kaga soo iibsan karaan  ictimaaddo ay ka furtaan Baangigoodan  Adduunka laga aqoonsan yahay!!. Aynu nidhaahno Xaaji maxamed, Alle ku sugo Saxiifaddaada xasanaadka waxa aad Dalkaaga iyo ummaddaadaba u qabatey , waanad mahadsantahay aynu nidhaahno.

Muwaadinka  Ganacsadaha ah ee Sheekh Aadan Siiro, Ummadda Somaliland waa ka marag sida mudnaanta iyo karamkaba leh ee uu Agoonta Dalka ugu taakuleeyo, ubadka wax ugu baro, iskla markaana , waajibkiisa waddaninimo ee difaaca dalka qawl iyo Ficilba  la wada arkayo. Ilaahay Sxiifaddaada xasanaadka ha kuugu daro wxqabadkan aanu maragga ka nahay, waanad mahadsantahay.

 Daalo Airlines & Mulkiilaheeda Mudane Colaad aan u dhaafo Bulshada , muujinta  wxa ay ku muteysteen Abaalmarinta iyo qaddarinta. Waa ayaan darro in aanu laba waadi kala joogno kuwii aanu talada Dalka u dhiibanney oo iyagu  "creteriyada" ay ku magaacabaan mas'uuliintu tahay, Been ma sheegi karaa, xaalad abuur ma aloosi karaa, dhiiggiisa ma ku jirta dhibic Waddanimo ahi, Nin dantiisa u hamuunsan ma yahay? nin wax isdhaafsha ma yahay?!!


Dr. Cali Cabdi Muxumed

 

 


No comments: