20 December, 2009

Madaxweynaha Waxa Ku Xeeran Raxan Wasiiro Ah Oo Uu Dhegaysto Oo Ku Noqday Maskii Qoratada Liqay

Madaxweynaha Waxa Ku Xeeran Raxan Wasiiro Ah Oo Uu Dhegaysto Oo Ku Noqday Maskii Qoratada Liqay

oo ah ka tirsanaa Xisbiga Udub, gaar ahaan xubnaha muhiimka ah ee qurbaha ee dalka Holland dagan ee sida weyn uga ololayn jiray Udub ayaa uga soo digo rogtay inuu ku soo biiro Xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye.

Mr Yuusuf Ibraahin Geedi (Yamaarug) oo shalay shir saxaafadeed ugu qabtay saxaafada Hotel Imparial ee hargaysa ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta ku kaliftay xisbigii uu muddada dheer ka tirsanaa, shaacana ka qaaday in Xisbiga Udub dhismihiisii iyo xeerarkiisiiba majaro habaabeen, ka dib markii ay xukuumada iyo xisbigeeda talada hayaa ay ku fashilmeen hogaamintii dalka iyo in Udub u noqday meel lagu khasaaray oo aan shaqaynba "anigu maamul xumaddii aan xiligii taliskii siyaad barre ka diiday ee aan xadhiga ku galay jeelka labaatan jirow maanta yeeli maayo maamul xumo inaan ku sii dhex jiro damiirkayguna ma ogala nidaamka maanta dalka lagu maamulaayo, sababta aan u go'aansaday in aan ka tanaasulo xubinimadii aan Udub ugu tirsanaa muddada dheer, ka dib markii aan arkay in Xisbigii majarihiisii lumay waayo madaxweyne Rayaale doorashadii uu ku soo baxay ee madaxweynenimada loogu doortay xilkii loo igmaday ku fashilmay, taasoo ahayd in marka uu waahktigiisa dhamaysto ama laga helo ama uu ku fashilmo uu sidii Aadan Cade si sharaf le uu xilka uga dago" " laakiin waxa madax-waynaha ku xeeran raxan wasiiro ah oo uu dhagaysto oo ku noqday maskii qoratada liqina waayey tufina kari waayey, hada mudada xilkiisu waa tii dhamaatay madaxwaynaha oo labasano iyo dheeraad ayey mudo dhaaftay, musuqmaasuq badan baa dhacay, dhulkii hantida ummada ahaa waad arkaysaan halka uu marayo in la iibiyey ilaa saaqiyadihii,oo Sacaadadiin baa ugu danbaysay. Dee imika madaxwaynaha afrikaanka ah ee xilka ku dhagan uun shan malyuun oo doolar ayaa loogu hayaa London waa marka uu si sharaf leh uga dago xilka. Hada Server baa wax qaban waayey waa waxa dib u dhca doorashooyinka ku keenay"

Isaga oo hadalkiisa sii wada waxa uu intaa ku daray "waxaan maanta Udub uga tagay ee aan Kulmiye ugu biiray horta arimahaa aan soo sheegay waa ka mid,ta kale waxy ahayd inaynu nidaamkan beelaha ka gurno imika wasiirkii dhintay mid ay isku reer yihiin ayaa loo dhiibay, waxay ahayd inaynu nidaam beeleedka ka guurno oo aqoon iyo cilmi ma wadi karaa qofka lagu xusho markaa nasiib daro todaba sano iyo badh bay maraysaa inta uu kursiga ku fadhiyey ee dalkiina sidan noqday,shacbiga waxaan idiin soo jeedinayaa inaad maanta ka fiirsataan cida aad codkiina siinaysaan, dhaliilaha yaalana mar danbe ayaan tafaasiil dheer ka bixin ee Udub-tii hore ee aynu la shaqaynaynay maaha, madaxwaynuhu waa kuu ugu nasiibka badna ee dalka soo mara, balse xayn wasiiro ah ayaa ku xeeran oo uu dhagaysta." 

Mr Yuusuf Yamaarug oo ka mid ah qurba jooga reer Somaliland ee dagan dalka Holland isla makaana ahaa shaqsiyaadka sida wayn ugu olaleeya Udub aya maalinti shalay ka shanqadhiyey inuu uga digo rogtay xisbiga mucaaridka ah ee Kulkiye.

Gudoomiyaha xisbiga kulmiye ee gabolka hagaysa mujaahid Axmed Cabdilaahi Cumar (Xamarji) oo halkaas kusoo dhaweeyey Yuusuf Yamaarug kusoo biiristiisa xisbiga kulmiye si wayna ugu muujiyey siduu ugu faraxsanyahay xubintan kasoo digo rogtay xisbiga udub.

No comments: