20 December, 2009

Dhakhaatiirta Xoolaha ee Maxjarka Berbera oo soo Bandhigay Fadeexadaha Musuq ee Wasiirka Xannaanada Xoolaha

Dhakhaatiirta Xoolaha ee Maxjarka Berbera oo soo Bandhigay Fadeexadaha Musuq ee Wasiirka Xannaanada Xoolaha

Waxay caddeeyeen in wasiirku lunsaday lacago uu magacooda ku soo qaatay

"Xoolaha maxjarka soo gala waxa laga qaadaa calaa neef $7.5 doollar, $1.5 ka mid ah lacagtaasna waxa wasiirku ku qaataa magaca khidmaddii dhakhaatiirta xoolaha"

"Waxaannu Madaxweynaha iyo ummadda Somaliland-ba u caddaynaynaa in aanaan arag lacagta masabidka ah ee wasiirka xannaanada xooluhu magacayaga ku lunsaday"

Hargeysa (Jam)- Dhakhaatiirta ka hawlgala maxjarka caafimaadka xoolaha nool ee magaalada Berbera, ayaa markii ugu horreysay si cad u soo bandhigay fadeexadaha musuqmaasuq iyo lunsiga hantida oo uu dhex dabbaalanayo Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Idiris Ibraahim Cabdi.

Dhakhaatiirka wasiirka ku eedeeyey musumaasuqa baaxadda leh oo kala ah Dr. Daa'uud Ismaaciil Nuur, Dr. Maxamed Xuseen Xasan iyo Saleebaan Cabdi Ibraahim, ayaa waxay bannaanka soo dhigeen musuqa baaxadda leh ee wasiirku ku kacay, iyaga oo sheegay inuu dhakhaatiirka ka lunsaday lacago xad dhaaf ah oo uu magacooda ku soo qaatay.

Ugu horreyn, Dr. Daa'uud Ismaaciil Nuur oo faahfaahin ka bixinayey khidmadaha wasiirku lunsado ee laga qaado caafimaadka xoolaha dhoofaya iyo duruufaha dhakhaatiirta ka hawlgala maxjarka Berbera, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan:

"Waxaan doonayaa in aan warbixin idinka siiyo musuqmaasuqa Wasiirka Xannaanada Xoolaha ee ragaadiyey guud ahaanba shaqada wasaaraddaas, si gaar ah uga hadlayaa khidmadaha laga qaado caafimaadka iyo tallaalka xoolaha ka dhoofa maxjarka Berbera.

Sidaad ogtihiin markii Sucuudigu Carrafadii dhowayd furay dhoofka xoolaha waxa kor u kacday rajada ganacsatada xoolaha iyo guud ahaan bulshada Somaliland, waxana bishaas la dhoofiyey xoolo tiradoodu kor u dhaafayso ilaa 500 kun oo neef.

Dhakhaatiirta ka hawlgala tallaalka xoolaha kuwa madaxbannaan iyo kuwa dawladda waxay ku shaqeeyaan duruufo aad u adag, markaad eegto hawsha baaxadda leh ee ay qabanayaan iyo dheefta ka soo gasha oo aan isu dhigmin, waxayna shaqeeyaan ilaa 18 saacadood, iyagoo niyadooduna tahay waxaad u shaqaynaysaan dalkiina iyo xoolahiina.

Xoolaha maxjarka soo gala waxa laga qaadaa calaa neef $7.5 doollar, $1.5 ka mid ah lacagtaasna waxa wasiirku ku qaataa inay tahay khidmaddii dhakhaatiirta ka shaqaynayey caafimaadka xoolaha, haseyeeshee waxa dhakhaatiirta ka soo gaadha $0.15 keliya, lacagtaasina marka loo eego shaqada ay qabtaan waa mid aad u hoosaysa.

Haddaba, Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo takhasus ku ah arrimaha musuqmaasuqa waxa uu bilaabay in ilaa 53 dhakhtar oo ka shaqaynayey caafimaadka xoolaha maxjarka Berbera ka dhoofaya inuu ka dhex abuuro khilaaf, isagoo maamulka xannnaanada xoolaha ee Gobolka Saaxil ku amray inay dhakhaatiirta ku wargeliyaan in loo qorsheeyey mushahar gaadhaya $250 doollar oo ay qaadanayaan 11-ka maalmood ee lagu gudo jiro Carrafada, arrintaasina waxay keentay in dhakhaatiirtu ka boodaan oo shaqada joojiyaan, iyagoo ku doodaya, 'annagu neefkiiba $0.15 doollar ayaannu qaadan jirnay oo marka hore aannu ku dulmanayn, markaa haddii wasiirku intii yaraydna u soo dhigtay sifo aan ku sii shaqayno ma garanayno, waxaanuna doonaynaa in aannu sidayadii hore ku shaqayno amma hawsha joojino.' Arrintaas oo waxa soo dhexgalay ganacsatada iyo masuuliyiinta Gobolka Saaxil oo ay ka mid yihiin Maareeyaha Dekedda Berbera, Badhasaabka iyo guud ahaanba dadweynaha reer Saaxil oo ka xumaaday tallaabada wasiirku kula kacay dhakhaatiirta, taas oo sababtay in aannu shaqadii ku noqono, xoolihiina sidaa ku dhoofaan."

Dr. Daa'uud Ismaaciil Nuur oo ka hadlayey natiijada kulan dhakhaatiirtu la yeesheen Wasiir Idiris iyo jawaabta uu ka bixiyey cabashadooda ku saabsan lacagaha magacooda lagu soo qaado ee ka maqan, waxa uu yidhi; "Markii laga faraxashay hawshii cuslayd ee dhoofkii xoolaha bishii Carrafo, waxaannu dhakhaatiirtayadii go'aansanay in aannu la kulano Wasiirka Xannaanada Xoolaha, si aan ugala hadalno xuquuqda dhakhaatiirta iyo in carqaladda laga ilaaliyo dhoofka xoolaha nool ee muddada dheer innaga xidhnaa."

Muddo markii uu na meer-meeriyey ayuu aakhirkii 12 December 2009 si qarsoodi ah noo geeyey hoolka shirarka ee xarunta Ka-hortagga Aafooyinka Dabiiciga ah (NERAD), isagoo qorshaha uu watay ka qarsanayey masuuliyiinta wasaaradda xannaanada xoolaha oo ay ka mid yihiin wasiiru-dawlaha iyo agaasimaha guud, maadaama wasiirku yahay nin xeeladaha musuqmaasuqa xariif ku ah, takhasus gaar ahna u leh hawlaha la xidhiidha hanti-lunsiga iyo khiyaamooyinka. Nasiib-darro halkii aannu ka filaynay in uu nagala hadlo duruufahayaga, hawshii aannu qabanayna noogu mahad-naqo ayuu bilaabay inuu kala jabiyo dhakhaatiirtii, waxaannu nagu yidhi, 'Ninkii ku shaqaynaya iyo kii diidayaba mushahar dhan ilaa $500 doollar baan idiin samaynayaa oo aan idiinka soo baryayaa nimanka Carabta ah ee maxjarka haysta, waxaasina ma aha wax lagaga shaqayn karo hawsha culus ee dhakhaatiirtu qabtaan, waxaannu meesha ka saaray lacagtii $1.5 doollarka neefkiiba ahayd ee uu ku qaato magaca dhakhaatiirta ee dawladda iyo dadweynuhuba moodayaan in aannu annagu qaadano, maadaama magacayagu ku qoran yahay."

"Arrinta kale ee naga yaabisay waxay ahayd, in wasiirku nagu yidhi, 'dhakhaatiirta madaxabannaan ee maxjarka ka shaqaynayaa aniga ayey heshiiska ila gelayaan, kuwa dawladdana anigaa u gelaya heshiiska.' Markaa waxaannu wasiirka ku nidhi; 'maxjarka waxa maamusha shirkad Carbeed oo la yidhaa Golf International Carotene Management, sidaa awgeed dhakhaatiirta ay qaadanayso iyada ayaa heshiiska la gelaysa ee adigu halkeed ka soo gelaysaa, wasiirkii xannaanada xoolaha ayaannu kugu ogayna goormaad noqotay maareeyihii maxjarka?' Waxa uu noogu jawaabay arrin naga yaabisay oo ahayd in markii ugu horreysay taariikhda wasiirku ku dhawaaqo in maxjarka Berbera dawladda Somaliland oo aanay Carab lahayn, in badanna waxaynu maqlaynay maxjarka Berbera waxa maalgeliyey ganacsade Al-jaabiri iyo dawladda Raasul-khiima ee Imaaraadka Carabta oo neef kasta ka qaata $7.5 doollar si ay ugu soo noqotay lacagtii ka gashay dhismaha, isla markaana laga gooyo $1.5-ka doollar ee wasiirku ku lunsaday magaca dhakhaatiirta."

"Sidaa darteed, waxaannu Madaxweynaha iyo ummadda Somaliland-ba u caddaynaynaa in aanaan arag lacagtaas masabidka ah ee wasiirka xannaanada xooluhu magacayaga ku lunsaday, meel ay martayna aanaan war u hayn, Madaxweynahana waxaannu leenahay lacagtaasi waa cad idinka yimi adiga iyo maamulka maxjarkaba, annagana aan na soo gaadhin oo ku maqan gacanta wasiirka," ayuu yidhi Dr. Daa'uud Ismaaciil Nuur.

"Maxjarkii ay ahayd in la dhiso ee wasiirku 15kii April 2007 dhagax-dhigay oo u dhexeeya dekedda iyo haamaha kaydka shidaalka Berbera, welina lama dhisin, muhiimna way ahayd in la dhiso, maadaama la fasaxay dhoofkii xoolaheenna…" La soco qayb kale oo dhakhaatiirta ka hawlgala maxjarka xoolaha ee Berbera ku soo bandhigeen fadeexaha musuqmaasuq ee dul hoganaya Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr. Idiris Ibraahim Cabdi iyo mashaariicda horumarineed ee uu dalka ka horjoogsaday



Jamhuuriya Online

No comments: