25 December, 2009

Madaxdhaqameedyada Gobolka Awdal Oo Sheegay In Socdaalkii Ay Kaga Gudbi Lahaayeen Magaalada Saylac Amar Xukuumadda Kasoo Baxay Uu Ka Baajiyey

Madaxdhaqameedyada Gobolka Awdal Oo Sheegay In Socdaalkii Ay Kaga Gudbi Lahaayeen Magaalada Saylac Amar Xukuumadda Kasoo Baxay Uu Ka Baajiyey
 
Boorama, December 24, 2009 (Haatuf) - Xubno isugu jiray salaadiin iyo cuqaal ka mid ahaa madaxdhaqmeedyada G/Awdal ayaa tafaasiil ka bixiyey safar ay kaga soo laabteen dagmada Saylac ee gobolka Salal   kuwaas oo aan si dhab ah usoo bandhigin qasdiga uu safarkoodaasi ku qotamay  iyo waayihii kala soo kulmay safarkii ay ku tageen jiidaasi.balse sheegay in goobtii safarkoodu ku aadanaa loo sheegay in amar madaxda sare ee xukuumada ka yimid lagaga hor joogsaday. Waxaanay madax dhaqameedyadaasi sidaas ku sheegeen Shir jaraaid oo ay shalay  ku qabteen magaalada Boorama.
 
Suldaan Xasan Xadi Baade oo ku hadlayey magaca salaadiinta gobolka Awdal oo shirkaa jaraa'id ka hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa  "Waxan dhulkaasi ama axeebaha Saylac u tegnay arrimo khuseeya dhinacyo badan ,oo nagaga yimid deegaankaasi dhulkaasi oo baryahan laga bixinayey faalooyin  badan.Aakhirataankii nimanka meesha jooga ee dawladda u jooga ayaa naga horjoogsaday inaan ka gungaadhno arrimaha safarkayaga annagoo   iska dhawrayna xamaasad ,iyo xasiloonidarro inay meeshaa ka dhacdo ,annagana nalagu sawiro ayaan dib ugusoo laabanay Boorama,iyadoo naloo sheegay inay dawladda sare ay soo bixisay amar naloogu diiddanyahay joogitaankayaga Saylac oo aan sii dhaafi lahayn  Jasiiradda\Saacaddiin .Waxa naloo sheegay ,ama aan hubnaa in iibka jasiiraddaasi qaybo ka mid ahi uu jiro ,lagana dhisay kaabado sibidh ah oo calaamad u ah cidda iibsatay,ama maalgashanaysa"
 

Si kastaba ha ahaatee  hadalka kooban  ee salaadiinta reer awdal kasoo baxay,ayaan ahayn mid nuxur badan xambaarsan oo si cad u bayaaminaaya ujeedada dhabta ah ee socdaalkooda Saylac uu dabada ku hayey iyo nuxurka dhabta ah ee uu xanbaarsanaa waxase muuqata inay wax badan  oo ku saabsan safarkoodaasi ay qariyeen una muuqdeen kuwo si wayn uga gaabsaday in faahfaahin dheeraada ay ka bixiyaan safarkoodasi Saylac ay kaga soo laabteen oo ilo xogogaal ahi sheegeen in xukuumadu ay ka hor istaagtay in salaadiintaasi ay hore uga sii gudbaan magaalada Saylac oo qorshahoodu ahaa in xaga xeebta ay kormeer ku soo sameeyaan iyadoo dhawaana wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska C/risaaq Waabari Rooble oo wax laga waydiiyey safarka ay madax dhaqameedyadu Awdal ay ku tageen gobalka Salal uu sheegay in safarka madax dhaqameedyadaasi aanu waxba ka ogayn, tilaamayna inaanay wax xidhidha kala soo samaynin safarka ay ugu baxeen jiida xeebta gobolka.

No comments: