25 December, 2009

Xabsiga Weyn Ee Hargeysa Laga Furay, Saldhigyada Bileyska Ee Lasii Badinayo Iyo Guddiyada Xaafaduhu Maxay Hordhac U Yihiin?

Xabsiga Weyn Ee Hargeysa Laga Furay, Saldhigyada Bileyska Ee Lasii Badinayo Iyo Guddiyada Xaafaduhu Maxay Hordhac U Yihiin?
 

Weriyaha Haatuf Ee Boorama Maxamed C. Sheekh

Xaaladda siyaasadeed ee dalal badan oo dunida ka tirsan ayaa inta badan laga arkaa hadba jihada siyaasadeed ee dalwadahaasi kula macaa, milaan dadweynaha hoos yimaadda xukunkeeda.Hadii ay tahay xukuumad isku hallaynaysay xoog, miliatari, mid Boolis ,mid iyo NSS ,inta badanna kharashka uammdaasi soo gala ku bixisa dhiirrigelinta xoogaggaasi ,ayaa uun loo arkaa ama lagu qiimeeyaa inay tahay xukuumad kelitalis ah,xukunkana ku haysta xoog milatari isku hallaynaysa xoogaggaasi

Haddii ay tahay mid inta badan xoogeeda dhaqaale gelisa hay"adaha adeegyada, hay'adaha sharciga ,iyo meelo ka  baxsan xeryaha ciidamadaasi ,waxa xukuumadahaasi lagu qiimayn karaa mid isku hallaynaysa xoogga shacbiga ,iyo taageeradiisa .

Haddaba sida laga warqabo waxa dhawaanta Hargeysa laga furay xabsigii weynaa oo indhawaaleba, ama ku dhawaad afar sannadood gacanta lagu hayey dhismihiisa.

Dhismaha jeelkaasi, oo ay iska kaashanaayeen hay'ado caalmi ah iyo dawladda Somaliland ,lana qiyaasi karayn kharashku ku baxay, ayaa furitaankiisu kusoo beegmay wakhtii ayaa dalka kusoo dhawyihiin  ama la hadalhayo  isbeddel siyaasadeed oo ku iman karaya doorashooyin xisbiyada mucaaradka ah iyo xisbiga dawladdu ku loolami doonaan
 

Furitaanka xabsiga dhexe  ee Hargeysa ,oo ay dad xogogaal  xogogaal ahi sheegeen ninay weli qaybo ka amid ah xabsigaasi qabyo yihiin ,ayaa sidoo kale waxa barbar socda  dhismaha iyo  badinta saldhigayada Booliska ee caasimadda Hargeysa iyo meelokalen oo ku yaal Somaliland ,kuwaasoao ama saldhigyadaasi oo lagu rajoweynyahay inay qaadi karaan tiro badan oo ka mid ah dadweynaha dawladdu u qabsato arrimo jira iyo kuwa an jirinba .

Sidookale ayaa wasiirada iyo masuulyiinta xisbiga  udub xaafadaha caasimadda ka wadaan xarumo  ay maamulayaan wax loogu yeedho guddiyada xaafadaha una eg golayaashii hanuunintadadweynaha ee xukuumaddii Siyaad Barre ,kuwaasoo ay ka hawlgeli jireen ciidankii la odhan jiray guulwadayaasha,kana mid ahaa ciidamadii kala duwaanaa ee uu adeegsan jiray taliskii miltariga ahaa ee soomaaliya .Guulwadayaashaasoo ahaa  dadkii ugu jaahilsanaa dawladdaasi ,uguna caddaaladdaumaa ,caddaaladdooduna ahayd 'daacad ma u yahay kacaaka,mise waa kacaan diid ",.
 

Ujeedooyinka guddiyada xaafadaha, iyo saldhigayada Booliska, ayaa rag dawladda ka tirsani ku sheegaan kuwa lagu xoojinayo amniga gudaha, hase yeeshe dad badan olo reer Somaliland ah, oo an ogeyn nabadgelyodarro jirtaayi ka shakisanyihiin abuuritaanka raadadkii lagu yaqaannay xukuumadihii ka burbiurray caalamka maanta an joogno ,kuwaasoo ku dhisnaa cabsigelinta iyo cabudhinbta shacbiga .

Su;'aasha la isweydiin karo ayaa ah maxaa keenay horumarinta \xabsiyada, iyo guddiyada ka baxsan sharciyadda dalkan loogusoo beegay wakhti ay dalka kusoo dhawyihiin doorashooyin  lagusoo dooran karo hoggaamiyayaasha xisbiyada\ mucaaradka ah ,?
 

Jawaabaha laga sheegi karo xabsiyo badinta iyo guddiyada xaafadaha aasaaskooda .Waa tan koowaade  waxa loo qaadan karayaa inay tahay ,ama yihiin tallabaooyin loogu talogaleyo sidii loo  cabidhin lahaa taageerayaasha xisbiyada mucaaradka ,isla markaana hoggaamiyayaasha xisbiyadaasi iyo masuulyiintoodaba  loogusii xaadhxaadhi lahaa  meelo lagau hayo inta doorashooyinku dhacayaann ,iyagoo loogu marmarsiiyoon karo 'arrimo ka dhan nabadgelyada',isla markaana laga shidaal qaadanayo  eedeymihii fooshaxumaa ee masuul ka atirsan xisbiga UDUB lana  yidhaa Cismaan Hindi uu xisbiga Kulmiye ku eedeeyey inay xidhiidh la leeyihiin argagixisada caalamiga ah ,arrinhtaasoo uu xisbiga Kulmiye weli masuulkaasi ka sugayo caddaynta eedaymihiisa .

Sidoo kale ayaa xabsigan la furay ,iyo xoojinta saldhigyada Boolisku daba socdaan   sidii loo waayi lahaa dad badan oo laa taxaabo, looguna daali lahaa baadigoobkiisa maadaama meelaha maanta dawladda Somaliland dadka ku xidhxidhataa yihiin meelo kooban oo la yaqaanno ,si dhibyarana loo heli karo qofkii ehelkiisu waayaan .

Calaamadahan oo lagu yaqaannay  maamuladii hantiwadaagga ahaa  ee burburray ,ayaa sidoo kale  loo qaadan karaa inay Somaliland dib ugasoo cusboonaanayaan kaddib 20 sano ku dhawaad Somaliland xornimadeedii kala soo noqotay xukuumadihii soomaaliya iyo taliskii siyaad Barre. Nidaamka caynkan ah ayaa sidoo kale lo qaadan karaa in diktaytarnimadii reer Somaliland kula dagaalameen xukuumadahaasi, albaabkana laga saaray, uu haatan Somaliland daaqadda kasoao geleyo sidaa darteedna Somaliland dib ugu laabanayso jidkii ay kasooa bilaabatay labaatan sano ka hor.
 

Tallaabooyinkan lagu badinayo meelaha shicibka lagu kadeedayo ee dhawaanahanba xukuumadda Rayaale ku tabcayso, ayaa sidoo kale loo qaadan karayaa inay doorkan doorashooyibka ku geleyso adeegsiga xoogga iyo xoolaha dalka oo ay ku doonayso inay kursiga kusii  haysato shan sano oo la dhaariyo iyo shan ay korodhsato ,sidaa darteedna  wejiga ka muuqda xabsiyada la badinayo iyo guddiya xaafadauhu noqoqnayaan weji kale oo kasii xoog badan kii lagu galay doorashooyinkii dalka ka dhacay 2003.

Inkastoo anay xisbiyada mucaaradka ee ay siyaasadda isku hayaan xukuumadda maantu ka hadal xabsiyada la badinayo, waxayse u muuqdaan kuwa  dedaalkan xukuumadda  ee dhinacaasi  dareemi doonaan wakhtiga xukuumadda Rayaale ogaato in doorasho dalka ka dhacdaayi tahay jidka keliya ee ay xukunka dalka kusii haysan karto ,wakhtigaasoo laga yaabo in xabsiyada  eegga la dhammaystirayo ay buuxdhaafin doonaan taageerayaashooda iyo  masuulyiintooduba ,aakhirataankana lagu sandulayan doono inay ka baaydhaan siyaasadaha mucaaradka ,si guuldarro loo bado xisbiyada mucaaradka.
 

Ugu dambayntiina  lama oga arrimaha kale ee la socda xabsiyadan ,iyo guddiyadan nabadgelyada\xaafadaha  iyo xabsiga la furay, waxayse u egyihiin kuwa dalka kusoo kordhin doona  arrimo cusub, walaac cusub iyo colaad siyaasadeed oo keeni doonta  arrimo an maanta joogin, loona baahan yahay in malaayiinta shilin soomaa lilandka ah ee xukuumaddu ku bixinayso dhismayaasha saldhigyada  bilayska  loo leexiyo dhinaca waxbarashada,caafimaadka iyo nolosha danyarta .

Xisbiyada Mucaaradka ayaa sidoao kale looga fadhiyaa siday dadkooda uga badbaadin lahaayeen godadka iyo xeryaha dawladdu doonayso inay ku oodato wakhgtiga doorashada.

No comments: