08 November, 2009

Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo sheegay in uu ka badbaaday isku-day dil

Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo sheegay in uu ka badbaaday isku-day dil

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in habeenkii Khamiistii ee 4-tii bishan, abbaaro 9:00 habeenimo uu ka badbaaday wax uu ku sheegay isku-day dil, ka dib markii sida uu sheegay lala beegsaday Rasaas waqti uu ku sugnaa Guri ku yaala Xaafad Hargeysa ka mid ah oo uu hortiisa taagnaa.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo u waramay Warbaahinta, ayaa sheegay in isaga iyo laba Nin oo uu la socday waqti ay doonayeen inay galaan Guri uu lahaa mid ka mid ah ragga ay wada socdeen ee ay isku dayeen inay garaacaan Gurigii meel masaafo dhaw u jirta lagala soo beegsaday Rasaas oo lagu soo riday. Taas oo aan Ilaahay waxba ku yeelin, sida uu sheegay. ?Markii Rasaasta nalagu soo riday, Dhulka ayaanu si degdeg ah isugu tuurnay. Markii aanu dhulka galnay ayay dadkii Rasaasta nagu soo riday meeshii ka yaaceen oo ay moodeen inay na dileen oo Rasaastii nagu dhacday. Kadib markii aanu eegnay waxay tiradoodu ahayd saddex ni.? Ayuu yidhi Xildhibaan Qabile.

Xildhibaanku wuxuu arrintaa ku tilmaamay isku-day dil la doonayay in lagu fuliyo isaga. ?Markaa nimankan rasaasta nala beegsaday waxay ahaayeen fuliyayaal qorshaha dilka la noogu talo galay waana arrin laga dambeeyo qorshahaas, taargadkuna waxa u ahaa in aniga la i dilo. Taas oo Warbixinteedii aanu u gaynay Booliska, waxaana gacanta ku haya Taliyaha Ciidanka Booliska Maxamed Saqadhi Dubad, baadhistiina way socotaa, laakiin tuhunadu way badan yihiin?. Ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xildhibaan Qabille ayaa mar la waydiiyay su?aal nuxurkeedu ahaa in ay jirto cid uu u tuhunsan yahay inay ka dambayso falkan, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, ?Horta imika waxa arrintan gacanta ku haya Taliska Ciidamada Booliska, waxaana jira dadka loo tuhunsan yahay, tuhunkuse waa badan yahay. Waxaanse aaminsan nahay anigu Xildhibaan Wakiilada ah baan ahay, cid kale waxba iskuma haysano?e, waa dhaliisha aan u soo jeediyo maamulka Xukuumada Rayaale darteed uun baa ka dambaysa dhacdadan lanagu fulinayey, balse xagga Rabbi ayaa nalaga naga badbaadiyey?

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

No comments: