Waxa Ummadda Somaliland uga dhiidhidey ee ay halganka hubeysan ugu qaaddey , taliskii mucangagga ahaa ee Siyaad barre, markii uu maamulkii rajadii Ummaddu ka qabtey , maamul aayaheeda ka taliya lagu hungoobey ee iyadii loo soo boob tegey!! Waxa jirtey in Askariga doonya in woqooyi loo beddelo lagu bayici jirey lacag dagg uu iibsn jirey beddelka, illeyn mashruuc hanti-boob ah ayuu u socdaaye!!
Waxa ay ku dambeysy intii uu ku soo iibsadey beddelkii hore in labadeed iyo saddexdeedba uu hddana ku bixiyo in dib looga beddelo, illeyn raggii dhulka lahaa ayaa ku daba jira'e. Wixii malggod galey haadka iyo nfleyda dhulka ayaa u taliyey illeyn looma-ooyaan bay ahaayeene, kuwii naftooda la baxsadeyna wxba manta kuma noola oo saskii "S"ta ayaa waqtigan oo labaatan sano ka soo wareegeen ay weli ku jiraan, sida kuwii mareykanka ee Vietnam ka dagaallamay oo "Vietnam Veterans" loogu yeedho, kadib markii ay uu batey Dilka ay saska ku galayaan maalinlaha ah!!
Waqxa uu ahaa hadafka halganku in aynu Madax iyo Muwaadinba inta ka soo hdaa ay nolol kariim ah iyo Midhaha Dawladnimo shuruuc, Caddaalad u sinnaan waajibaad iyo Xuquuqba leh, wax qabad muuqda iyo leh la helo oo u adeegta Ummadda , lehna cadho qawmiydeysan oo ay degdeg dibu-dhika dlka ficil y kaga shidaal qaadaneyso, wixii loo geystey tcabkii ay ilaa lixdankii soo dhisaneysay ee Diyaaradda Hargeysa ka kacdey Hargeysa Duqeysey, tii Burco ka kacdey na Burco Duqeysey!! Waxaan ku taamayey, Ummadda ay Somali , Kuuba iyo n Calooshooda u shaqeysteyaal Koonfur Afrik u dhashey isugu tagtey ee kabo la'aan kaga saartey dalkeedu, waxa ay salka u dhigi Nidaam Dawladeed ay ku beddeleyso , wejigii addoonimo ee Afrika lagu yiqiin, waxaanay indhaha soo saari Dwladaha hore u marey!!.
Riyadaasi waxa beeniyey isl Mujaahidiintii Dalka, waana tan ay manta ku waayeen qaddarintii ay ka mudnaayeen Ummadda, kana dhigtey Muwaadiniin darajada labaad ah. Waxaan cadho nuqdad dhiig ah layga heleen maaliintii Mujaahidiintii SNM oo markii Maamulladan ugu Dambeyey Dalku ay talada qabteen geed iskaga xidheen iyaga oo nin kasta oo ka mid ah u maraya odeygiisa uu Dixda weyn ee Hargeisa iyaga oo Geed-weyn hoostii isku xal wareysanaya, uu ugu tegey janankii Bileyska ee waqtigaa Mr. Mohamed Egeh, Alle ha u naxariistee ee isaga oo Afka Madaxtooyada ku hadlaya uu ku yidhi" Waar maxaad Geedkan ka hoos qabaneysaan orda oo Geeliinnii Doonta!!" SNM qaran ayaa beddeley oo ay dhashey!! " Waxaan is-weydiiyey oo me qarankii?!! Haddana isugu jaawaabey haykalkiiii wuu joogaaye, ruuxii yaa ka maqan.
Dastuurka Dawladuhu waa heshiiska ay Ummadda Dalku la gasho Mas'uuliinta ay u igmato inay xilal hoggaan qabtaan, kuwaas oo haddii ay gutaan xilkoodn ku hela dhawrsanaan Diblomaasiyadeed , Mudnaan ay ku hoggaamiyaan oo loogu hoggansamo iyo Muquuno qaran ooh anti ,Guri iyo Gunnooyinba leh. Marka haddaba uu Mas'uulku ku xadgudbo heshiiskii ay isaga iyo ummaddu wada gashey ee sababtiisa Bulshadu ugu codeysey sida xornimada ah , kuna muteystey hoggaanka Talada Dalka, Waa liitinimo iyo qaran dumisnimo in fursad loo siiyo uu wixii Ummaddu soo yab-yabatey uu ku burburiyo , magaca iyo awoodaha qaranka. Ummad ksta waxa indho u soo jeeda difaca danaheeda, baraarujinta Madaxdooda , iyo Wax-u-qabadka Ummaddooda ka mas'uul ah mrka laga tago Maamulka , Indheer garadka, Saxaafadda iyo Xoogga la hubo ee Da'yarteeda ama dhallinta, waxa sajaayad u ah, caddaalad iyo Sinnaan wajibaad iyo xuquuqba loo sinmo. Waana in uu jiro han iyo himilo Ummadeed oo tilmaman keentana isbeddel dhaqan dhaqaale suubban oo koboc dhaqaale iyo kor u qaad nololeed Bulsho keena, haddii kale waxa laga hadlayaa waa been qabow oo meexaaneysan. Daladnimadu waa supper-Market Ummadda ka dhexeysa saamiyo beeleed ku dhisan, Ninka isku daya in uu Dastuurka lagu saami qaybsadey inta uu ku joogsado , isagu iska dhiga Dastuur, muxuu kaga duwan yahay Afweyne? Bakayle harag shabeel gashadey sow maaha?
Toddobaadkii Gudniinka Fircooniga ah, Toddobaadkii Dhirta , TYoddobaadkii agoonta aan waxba loo qabaneyn, Toddobaadkii qoyska oo siyaasadda Busaaradeynta Bulshadu kala firdhis ku hayso lmaanayaashii is-qabay, iyo Boodhaaqii hanti-wadaggu maskxda dadka kaga meydhi jirey, oo manta Ruushkii smystey ka khajilo , dawladnimo hlaag loo soo maray , lana kowsatey qarnig kow iyo labaatanaad maaha, wixii lala so horjoogsan lahaa!!. Nimanka n magudbayaasha ah ee Xeeladda la soo kallahaya, ha loo duceeya imika, waayo loox gaabyo marxaladdii ay ka talin lhaayeen qarniyo k dambeeyeen weeye!!
Dal Dastuur leh, oo aan cadaawe ku soo duulin, Cudurro faafaa ka dillaacin, Aafo Dabiici ah oo Alle keenay ka dhicin, sabab cilmi ah oo uu intan Hoggaankiisa muddda Xilku ka dhamman Doorashadu u qabsoomi weydey oo aan khiyaamo qran ahayn lama helayo!! Cilmigu haddii uu Ummadda humaagga ka saariwaayona maaha Cilmi. Ma ogtahay aqoonta amah layskuma siiyee!! Ilaa lixdankii , waxaynu baran la'nahay waxa ay tahay qarannimo oo goorwalba aan ku gawracno Qabiil nin dan lehi inoo soo maro, si aynu habro saar leh ugu kala baxno oo qoloba shey cajabiyo!! Natiijadiina waatan maanta Keentey in Nabadsugiddii Siyaad Barre Dalka isugu soo hbar wacato ilaa dhulkii Danta guud iyo Guyihii Dawladda lagu hor xaraashey Bulshada!! Natiijadun ay tahay, Dawladnimo Magac ah, Dhul an Caddaaladi ka jirin, Maamul aan dakhliga Dalku isagaba soo dhaafin oo Birta xabashiga , Faranka jabuuti, Giimbaar taaftey saamaan iyo shilinka Somaliland ka socoto illeyn saar habreed bay leedahaye!!
Aqalkan aynu dhexjoognaa wuu dumayaa oo Dulin baa ka dhashaye , manta ayuu wax ka qabad leeyahay ee ma badbaadinaa oo ma xojinnaa, mise hayngu dumee, waynu dhex dhakaarnaa?!! Dr. Cali Cabdi Muxumed
|
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
08 November, 2009
Madax Dalkan ka jirtaa ma jirto oo way ka baxeen Heshiiskii ay ummadda la galeen ahna Dastuurka.!!
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment