06 November, 2009

Maalinkaa maanta ah Dhalinyarada soo biirtay waxay la mid yihiin Labadii Cumar ee Illaahay ugu deeqay Nebigiisii Muxamed ahaa, (SCW)…” Xoghayaha Xisbi

Maalinkaa maanta ah Dhalinyarada soo biirtay waxay la mid yihiin Labadii Cumar ee Illaahay ugu deeqay Nebigiisii Muxamed ahaa, (SCW)…” Xoghayaha Xisbiga UDUB

Hargeysa (HWN/Jam)- Xoghayaha guud ee xisbiga talada haya ee UDUB Jaamac Yaasiin Faarax iyo masuuliyiinta heer gobol ilaa qaran ee xisbigaas, ayaa shalay soo dhaweeyey taageerayaal cusub oo carruur iyo haween wejiga kamaradda ka qarsanaya u badan, una muuqday in la soo khasbay ama ay ujeeddo gaar ah lahaayeen, isla markaana sheegtay inay hore uga tirsanaaayeen xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE oo ku soo biiray UDUB, hase ahaatee aan la cadayn karin.

Taageerayaashan cusub ee ciyaalka u badan oo xaflad soo dhawayn ah loogu sameeyay xarunta dhexe ee xisbiga UDUB ku leeyahay magaaladda Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta Cali Cilmi Geelle, Badhasaabka cusub ee Gobolka Hargeysa Maxamed Cabdi Daa’uud, masuuliyiin iyo marti-sharaf kale.

Xubnaha Sheegtay inay KULMIYE ka tirsanayaayeen oo u badnaa ardayda dugsiyada Hoose/dhexe iyo qaar ka sii yaryar, haween diidanaa inay Kamaraduhu wejiyadooda qabtaan, ayaa qaar ka mid ah oo munaasibaddaas ka hadlay, waxay sheegay inay xisbil-xaakimka UDUB ku soo biiray, kadib markii ay u arkeen in dantoodu ku jirto oo ay ka door-bideen xisbiyada kale.

Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax oo xafladdaa ka hadlay, ayaa xusay inuu aad ugu faraxsan yahay taageerayaasha carruurta u badnaa ee xisbigiisa ku soo biiray, isla markaana waxa uu sheegay inay UDUB u tahay maalin la mid ah maalintii taariikhiga ahayd ee labada Cumar muslimiinta ku biireen. “Maanta oo ay Khamiiis tahay, Bisha November-na 5 tahay 2009-ka, waa maalin calaamad leh oo taariikh leh u noqon doonta xisbigan UDUB, waayo waxa xisbiga ku soo biiray oo tayadoodii kala soo baxay xisbiga KULMIYE dhallinyartii aad iyo aadka u firfircoonayd ee markii hore u haysatay in KULMIYE dantu ku jirto, laakiin markii ay guntii soo taabteen ogaaday halkii masiirkoodu yaalay ee geediga laga galayay oo ah xisbiga bahweynta ummadda midoowday ku soo biiray.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB. Waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata intaa ku daray oo uu yidhi, “Wakhtigii diinta Islaamka la faafinayey ee ay bilawga ahayd ayaa Nebigeenii Muxamed ahaa (SCW), inkasta oo Ciidankiisu xoog lahaa, haddana waxa uu arkay rag firfircoon oo xooggaa xisbigiisu lahaa ka dhibaataynaya oo dhib wayn oo culus ku haya, raggaasina ay habawsan yihiin, Ilaahay ayuu beryay oo uu yidhi Ilaahayow waxaan ku waydiistay labada Cumar mid, markaa laba Cumar oo xagga kale ka soo jeeda oo aad iyo aad dagaalyahaniin u ah oo ay adkayd sida loo maraa, Ilaahay wuxuu yidhi labada Cumar ee aad sheegtayba Muxamadaw waan isugu kaa daray ee ku bushaarayso. Maalinkaa maanta ah dhalinyarada soo biirtay waxay la mid yihiin labadii Cumar ee Ilaahay ugu deeqay Nebigiisii Muxamed ahaa, (SCW), waxaan rajaynaynaa sidii labada Cumar guusha Islaamka ee ay goolkii kama dambaysta ahaa uga dhaliyeen raggii diidanaa inay iyaguna noqdaan kuwa guusha u dhaliya lana ogaada xisbiga UDUB ee talada dalka gacanta ku haya.”

Dhinaca kale, Masuuliyiin uu ka mid ahaa Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Cali Cilmi Geelle oo ah Xubnaha Wasiirada ah ee Shaqadooda ku ilaabay u ololaynta UDUB, kuwaasoo sheegay inay sidoo kale ku faraxsan yihiin carruurta iyo haweenka isqarinayey ee xisbigooda ku biiray oo ay ku soo dhawaynayaan UDUB.

Laba todobaad ka hor ayey ahayd markii khilaaf balaadhan ka dhex dhashay xubnaha sarsare iyo Golaha dhexe ee xisbiga UDUB, kadib markii ay dibadda u soo baxday fadeexad ka dhalatay lacago fara badan oo xubno aan Xisbiga xilal ka haynin kaga ololeeyeen qaar ka mid ah Degmooyinka Caasimadda, isla markaana ay dhallinyaro u qaybiyeen, iyagoo qaar kalena baabuur u iibiyey, arrintaas oo maamulka gobolka Hargeysa ee xisbigu si weyn uga cadhoodeen lacagta aan iyagaba la siin ee dhallinyarada la siiyey.

Si kastaba ha ahaatee, carruurtan iyo haweenkan gabbashada ku jiray ee qaarkood sheegeen inay UDUB ku soo biireen, ayaa la sheegay inay hor kacayeen qaar ka mid ah dhallinyarada hore baabuurta loo iibiyay oo gadaal ka sheegay inay KULMIYE ku noqdeen, balse aan la cadayn karin labada xisbi ay ku jiraan. Sidaa daraadeed, waxa muuqata in taageerada sii yaraanaysa ee Xisbil-xaakimka UDUB masuuliyiintiisa ku khasabtay inay bilaabaan olole dhaqaale badan lagu bixinayo oo markii wax kale la waayay gaadhsiisay in carruurta dugsiyada hoose/dhexe dhigata iyo haweenka huryaha jooga soo ururiyo, si ay dadka kale ugu matalaan filim nuxurkiisu yahay inay dadka ugu sawiraan in taageerayaal mucaaridka ka soo yaacay gacanta ku biireen, gaar ahaan KULMIYE.



Jamhuuriya Online
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: