23 October, 2009

Xaaladda Kala Guurka Ah Ee Ay Somaliland Ku Jirto Oo Wiiqay Horumarkii Dalka

Xaaladda Kala Guurka Ah Ee Ay Somaliland Ku Jirto Oo Wiiqay Horumarkii Dalka
news image

Hargeysa(Geeska) -Xaaladda kala guurka siyaasadeed ah ee ay sannadihii u dambeeyay Somaliland ku jirtay waxa ay caqabad ku noqdeen horumar kala duwan oo uu dalkani ku talaabsan lahaa. 

Somaliland ayaa labadii sannadood ee u dambeeyay waxa ay ku jirtay qalalaase siyaasadeed oo salka ku hayay siyaasadaha iska soo horjeeda ee xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ee la xidhiidhay doorashada madaxtooyada oo dhawr goor oo kala duwan dib u dhac ku yimid, waxaanu muranka dib u dhacyadaas iyo doodaha kale ka dhashay walaac ku abuuray daneeyayaasha mashaariicda kala duwan ka waday Somaliland oo is tusay inaanay xaaladda Somaliland saamaxayn bilowga hawlaha kala duwan ee ay doonayaan inay ka fuliyaan Somaliland, iyagoo ka warwarsan in muranka jiraa saamayn ku yeesho xaaladda amni ee dalka oo marka horeba aanay ku kalsoonayn.

Ilo xogogaala oo ku dhow dhow Qaramada Midoobay ayaa Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay in sababta u weyn ee ay hoos ugu dhigeen darajada amni ee Somaliland la xidhiidho kala guurka dalkan curdinka ah ka taagnaa muddooyinkii u dambeeyay, oo marka uu lix bilood khilaafku degaba haddana laba kaclaynayay. Waxaanay saraakiishaas oo Nayrobi ku sugani tilmaameen inay adagtahay in Qaramada Midoobay ka noqoto go'aankeedii ay hoos ugu dhigtay darjada amni ee Somaliland, ilaa laga baxo xaaladda kala guurka ah ee dhinaca siyaasadda, taas oo macnaheedu tahay in wadanku xaalad amni oo taam ah geli karo marka ay dhinac u dhacdo doorashada madaxtooyada oo weli u muuqata inaanu muuqan sansaankii ay ku qabsoomi lahayd.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, oo dhawaan ka soo guryo noqday safar uu ku tagay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya oo hoy u ah diblomaasiyiinta iyo deeq bixiyayaal tiro badan, ayaa qiray inay Somaliland ku jirto xaalad kooma ah. "Wax alaala wixii la inoo qaban lahaa wuxuu ku jiraa hakad, waxaana sababay muranka dhexdeena, waanan ka jeedsanay shacabkii oo baylah ayaa jirta oo abaaro ba'an ayaa dalka ka jira. Dalku wuxuu ku jiraa xaalad faalig ah oo ilaa aynu doorasho qabsano oo dadku soo noolaadaan albaab inoo furmayaa ma jiro." Ayuu yidhi Faysal, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika.

Toddobaad ka hor waxa gudhay rajo laga qabay in xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon uu ku dhawaaqo inay ka noqdeen go'aankii ay darajada Afraad hoos ugu celiyeen xaaladda amni ee Somaliland oo hore u ahayd darajada saddexaad. Xoghayaha guud oo saddexdii biloodba mar golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay u gudbiya warhixin uu kaga hadlayo wixii la isku odhan jiray Somaliya oo ay ku jirto Somaliland, gebi ahaanba kuma uu soo hadal qaadin xaaladda ammaan ee Somaliland. Waxase uu soo hadal qaaday natiijada foosha xun ee ka dhalatay khilaafaadkii jiray, sida dadkii mudaharaadyada ku geeriyooday, kuwii la xidh-xidhay iyo waxyaabo kale oo aan qurux badnayn.

Marka ay Somaliland sidaas ugu jirto xaaladaha kala guurka ah, waxa dhawaan iyaguna xaaladda kala guurka ah ka baxday maamul goboleedka Puntland oo qabsaday doorasho madaxweyne oo lagu doortay hab aan u dhawayn nidaamka dimuqraadiyadda balse haddana dejiyay xaaladihii qalalaasaha siyaasadeed ee ay ku jirtay, waxaanay hadda u muuqataa inay ku bun tirsanayso dhinaca ammaanka Somaliland. Tusaale ahaan Qaramada Midoobay hadda waxa ay qorshaynaysaa inay xafiisyo siyaasadeed oo isku darajo ah ka furto Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland, kuwaas oo warbixinahooda u gudbin doona xafiisyada Qaramada Midoobay ee magaalada Nayrobi ee dalka Kenya. "Halka ay suurto gal tahay inaanu joogitaan rasmi ah ku yeelano iyo amni joogto ah, waanu samaynay taas, xaqiiqdiina waxaanu ballaadhinaynaa joogitaankayaga Somaliland iyo Puntland." Sidan waxa Salaasadii doraad yidhi xidhiidhiyaha hawlaha bini-aadminimo ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Mr. Mark Bowden, oo su'aalo tiro badan ay dadku ku weydiinayeen wakaaladda wararka ee Reuters, waxaanu hadalkiisani u muuqdaa in Somaliland iyo Puntland ku wada jiraan xaalad amni oo isku mid ah.

Marka laga tago saamaynta uu muranka siyaasadeed iyo ka dhursugga doorashadu ku yeeshay xaaladda ammaanka, waxa kale oo ay saamayntu si weyn u turuqday mashaariicda kala duwan ee ay wadamada deeq bixiyayaashu ka fuliyaan Somaliland. Sidoo kale, intii ay muranada siyaasadeed sii murgeen xataa waxa istaagay dhaqdhaqaaqii ganacsi ee gudaha dalka ka socday. Inta badan waxa hakad ku yimid dhismihii guryaha oo ay dad badani ka xoogsan jireen. Waa kan Faysal Cali Waraabe oo arrintaas mar labaad ka hadlayaa. "Cid kale iska daayee xiitaa muwaadiniintii ayaa xoogaygi ay samayn jireen iyo dhismihii joojiyay, in safaro loo baxo oo dibadda alaab laga soo iibsado ayaa hakad gashay, waxaasina waa xaaladan lagu jiro."

Maalgelin badan oo ay deeq bixiyayaashu ku samayn lahaayeen Somaliland ayaa iyaguna weli ku xaniban safaaradaha ay ku leeyihiin Kenya, iyagoo ka dhursugaya doorashada madaxtooyada iyo hanaanka ay ku qabsoonto iyo weliba inay ku dhammaato jawi nabadgelyo ah, waxaanay maalgelintaasi gaadhaysaa malaayiin dollar.

Sidoo kale dedaalkoo loogu jiray raadinta iyo baadi goobka ictiraafka Somaliland, ayaa isna uu khilaafku xagal daac ku keenay. Wadamo badan iyo siyaasiyiin caan ah oo Somaliland taageeri jiray ayaa arkay in tacabkoodii khasaare ku dhowyahay. Alun Michael, oo ka tirsan aqalka Baarlamaanka Ingiriiska hormoodna ka ah xildhibaanada reer Ingiriis ee u ololeeya qaddiyadda Madaxbanaanida Somaliland, ayaa ka hor intii aan khilaafka la xalin tilmaamay walaaca ay qabaan saaxiibada Somaliland "Waa arrin si aad ah looga walaaco markaa aad eegto siddeed iyo tobankii sanadood ee La soo dhaafay oo Somaliland mar walba maareynaysay arrimaheeda gaarka ah, kana shaqaynaysay sidii loogu xukumi lahaa qaab xisaabtan leh, dadkana si sharci ah loogu soo dooran lahaa." Ayuu yidhi xildhibaanku.

Si kastaba ha ahaate, weedhaha kul kulul ee ay is dhaafsadaan siyaasiyiinta Somaliland iyo ragaadka ku yimid doorashadii madaxtooyadu, waxa ay waran ku yihiin horumarka Somaliland ay ku tallaabsan lahayd iyo weliba mashaariicdii laga fulin lahaa oo sugaya inta ay xaaladu sal dhigayso amaba ugu yaraan ay dhinac u dhacayso. 
 

sources. Geeska Afrika

No comments: