27 October, 2009

Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo Taageertay in Shirkadaha Ganacsiga iyo Hogaamiyayaasha Saxaafadda lagu caayo Hay’adeheeda!

Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo Taageertay in Shirkadaha Ganacsiga iyo Hogaamiyayaasha Saxaafadda lagu caayo Hay'adeheeda!

Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo Taageertay in Shirkadaha Ganacsiga iyo Hogaamiyayaasha Saxaafadda lagu caayo Hay'adeheeda! thumbnail

Opinion: Muuse Cabdillaahi Ismaaciil

Hargeysa/Somaliland

E-mail.muuseyare1@hotmail.com

Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa markii ugu horeysay si buuxda u taageertay inay Hay'adaha warbaahinta kuwa sida tooska ah u hoosyimaadda dawladda iyo kuwa si dadban u hoos-yimaadda ama u dhadhawi inay caayaan, isla markaana aflagaaddooyin kala duwan kula kacaan Shirkadaha Ganacsiga dalka iyo Hogaamiyayaaasha Ururada Suxufiyiinta Somaliland.

Agaasimaha Wakaaladda Wararka Somaliland Cabdillaahi Aadan Wayab, oo Sabtidii shalay Shir Jaraa'id ku qabtay Hutel Obama ee Magaaladda Hargeysa isaga oo ay weheliyaan qaar ka mid ah gacanyarayaashiisu, waxa uu taageeray Tifaftiraha Shabakadda Waagacusub.com oo falal anshax-darro iyo sumcad dil ah kula kacay Shirkadda Diyaaradaha ee Daallo Airlines, isaga oo qoray warar been abuur ah oo uu doonayay inuu iskaga horkeeno Daallo iyo Xarakada Al-shabaab ee ka taliya qaybo badan oo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya.

Agaasime Wayab, waxa uu shirkiisaa Jaraa'id ku cambaareeyay Guddoomiyayaasha Ururada Saxaafadda Somaliland, gaar ahaan Guddoomiyaha Ururka SOLJA Mr. Musfafe Cabdi Ciise (Musfafe-shiine) iyo Guddoomiyaha Dalladda Suxufiyiinta ee USJ Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cabdillaahi-Cukuse), kuwaasoo iyaga iyo Suxufiyiin kale oo tira badani Khamiistii Shir Jaraa'id oo ay ku qabteen Huteel Imperial ee Caasimadda Hargeysa ku cambaareeyay habdhaqanka Tifaftiraha Shabakadda Waagacusub.com Daahir Cabdillaahi Calasow, isla markaana ugu baaqay in Mr. Calasow ka waantoobo dhibaataynta Shirkadaha Ganacsiga iyo Suxufiyiinta Somaliland oo uu qaarkood marar kala duwan warar been ah ka faafiyay. "Runtii waxaan ka hadalayaa waxa weeye dhaqan aanay saxaafada Somaliland lahaan jirin ayaad moodaa inay muddooyinkan dambe ku soo biireen, saxal baad moodaa inuu saxaafada soo dhex galay saxalkaasna waa in saxaafada laga sifeeyo, haddii kale aaminkii saxaafada lagu qabay wuu dhimanayaa.

Qofka suxufiga ahi inuu wax qoro xaq buu u leeyahay waxase uu qorayaa ha noqdo mid uu hubo oo sax ah. Laakiin ma aha inuu dire diraale-nimo ka shaqeeyo oo dadka afka isku geliyo isagoo dano kale ka leh." Weedhahaas ayaa ka mid ahaa hadalkii Agaasimaha Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLLA Mr. Wayab ka yidhi Shirka Jaraa'id ee uu Sabtidii shalay qabtay.

Hase-yeeshee, waxa isweydiin leh, Cabdillaahi Aadan Wayab marka uu weedhaha kor ku xusan leeyahay iyo marka uu Cambaaraynayo Suxufiyiintii ka xumaaday aflagaaddada iyo sumcad-dilka Nin Wariye ahi kula kacay Shirkad Ganacsi iyo Suxufiyiin magac leh iyama ayuu waalan yahay, qaldan yahay ama saxan yahay. Soomaalidu waxay yidhaahdaan "Illaahayoow haa iyo maya meel ha nagaga wada keenin." Haddaba, waxa layaab iyo fajiciso ku noqday in badan oo ka mid ah Bulshawaynta reer Somaliland, in Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland ay taageeraan, isla markaana u hiiliyaan Hay'ad Warbaahineed iyo Wariye ku kacay sumcad dil Shirkado Ganacsi iyo Suxufiyiin aan cay ka ga'yin Calasow iyo cid kale toona.

Lamana garanayo sababta ay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland sidaa u samaynayayso ee ay Masuuliyiinteedi u jidaynayaan una taageerayaan dhaqan-xumada, fadeexadda iyo cayda Shirkadaha iyo Masuuliyiinta Ururada Saxaafadda ee xumaanta diidan, waana tallaabo aan nooceeda hore dalka loogu arag oo laga naxo.

Sidaa daraadeed, waa in Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland, amaba maamulka Wasaaradda ka sareeyaa uu tallaabo ka qaaddaa Masuuliyiinta Wasaaradda ka tirsan ee jidaynaya, isla markaana taageeraya dhaqan-xumada Shuruucda Saxaafadda, ta Diinta iyo Dhaqankaba ka soo horjeedda ee ay hiilka ugu jiraan, haddii kale, dhibaatada ay taageeradadaasi dhaliso waxay damqi doontaa Wasaaradda iyo Maamuulka ka sareeya. "Barbari (Bisbaas) nin beerta ayuu gubaa".

No comments: