| Xubnaha Sharaxan Iyo Gobolada Ay Ka Soo Kala Jeedaan |
Hargeysa October 5, 2009 (Haatuf) - Guddoomiyahah golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo guddoomiye ku xigeenka labaad Siciid Jaamac Cali, ayaa la sheegay in khilaaf weyn oo la xidhiidha magacaabista labada xubnood ee komishanka doorashooyinka ay usoo magacaabaan ay si weyn isugu khilaafsan yihiin dariiqa loo marayo magacaabida xubnahaasi, |
| "Anagu mar hore ayaanu wakiilkayagii bedelnay, waa inaanu qofku noqon kuwa yidhaahda habeenkii baa lanagu soo degaa, madaxweynahana waxaanu isku afgaranay inaanu dedajino fulinta heshiiskii aanu kala sexeexanay" Faysal Cali waraabe |
Hargeysa October 5, 2009 (Haatuf) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa shaaca ka qaaday in aanay bedelaynin wakiilkii Komishanka doorashooyinka ugu magacawnaa Khadar Maxamed Guuleed, |
![]() | Dagaalo U Dhexeeya Al-shabaab Iyo Xisbul Islaam Oo Markale Dib Uga Bilaabmay Kismaayo |
| Kismaayo, October 5, 2009 (W.Wararka) – Dagaalo culus oo u dhexeeya kooxaha Alshabaab iyo Xisbul Islaam ayaa markale dib uga qarxay deegaano hoostaga Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubadda hoose.Dagaaladan ayaa abaara 5-tii galabnimo ee shalay mar kaliya ka bilowday deegaano katirsan Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubadda hoose, gaar ahaan Deegaanka Wadajir oo ilaa iyo 30-KM dhinaca Galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo. |
| Faallo: Weriyaha Haatuf Ee Boorama Maxamed C. Sheekh |
Somaliland ayaa sida la ogyahay waxay maraysaa marxalad ka duwan tii haysatay laba bilood ka hor, isla markaana dadweynaha, dawladda, golayaasha iyo xisbiyada mucaaradkuba welwel ka muujinayeen aayaha Somaliland, Kadib waanwaan caalami ah oo ay ka qayb qaateen dalalka saaxiibada iyo qaadhaan bixiyeyaasha oo lagu soo afjaray khilaafkii taagnaa, ayaa durba la dareemay qabow siyaasadeed oo leh mustaqbal wanaagsan, |
| "Waa La Dhabqiyey Waxay Ahayd Komishanku Hay'ad Madaxbanaan Ninkaad U Garsooraysa Haddii Uu Noqdo Talada Inuu Wax Ku Yeesho Garsooruhu Waxba Ma Garsoori Karo" Maxamed Yuusuf |
Hargeysa October 5, 2009 (Haatuf) - Shan xubnood oo ka mid ah komishanka doorashooyinka qaranka ayaa ku dhawaaqay in shaqadii xubinimada komishanka doorashooyinka ay ka hayeen ay iska casileen halka ay labada xubnood ee kale ee todabada xubnood ka mid ahaana ay maalintii doraad iska iscasileen xubinimada komishanka doorashooyinka ka dib markii dhawaan heshiiskii beesha caalamku ay kaga soo talo bixisay khilaafka siyaasadaeed ee ka dhashay dibu dhaca doorashada . |
![]() | Golaha Wakiilada Oo Si Degdeg Ah Isugu Iman Doona Kalfadhi Aan Caadi Ahayn |
| Hargeysa October 5, 2009 (Haatuf) - Golaha wakiilada Somaliland oo dabayaaqadii bishii hore ee September 2009 galay muddo fasaxa oo laba bilood ah ka dib markii uu soo gabagaboobay kalfadhiyadii aan caadiga ahayn ee muddada labada bilooda ay ku guda jireen ayaa waxay ilo xogogaal ahi noo sheegeen in sabtida todobaadka soo socda u goluhu isugu iman doonaan kalfadhi aan caadi ahayn oo la sheegay inay ku ansixin doonaan todobada xubnood ee komishanka doorashooyinka . |
Wasiiro Ka Tirsan Dawladda Sheekh Shariif Oo Sheegay In Aanay Awoodin Inay Iska Caabiyaan Mucaaradka | |
| Muqdisho, October 5, 2009 (W.Wararka) - Wasiirka arimaha Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegay inaysan Dowladu waqtigan awood ulahayn inay ladagaalanto oo ay iska caabiso kooxaha mucaaradka ku ah ee ladagaalamaya.Hadalkan ayuu kusheegay C/qaadir Cali Cumar wasiirka arimaha gudaha mar uu wareeysi siiyey wakaalada wararka ee Rueters. |
![]() | Dowlada Sheikh Shariif Ah Oo Eedeyn Kulul U Jeedisay Telefishanka Caalamiga Ah Ee Al-Jazeera |
| Muqdisho,(WNT):-Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa Maanta si kulul u eedeysay TV-ga Afka carabiga ku hadla ee Al-jazeera kaasi oo xaruntiisu tahay dalka Qadar. Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cumar dalxa oo maanta la hadlayay Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in TV-ga Al-jazeera qeyb weyn ka qaadanayo mushaakilaadka ka taagan dalka Soomaaliya. |
![]() | Sideed Ciidamada Maraykanka Ka Mid Ah Oo Lagu Dilay Afghanistan |
| Kabul, October 5, 2009 (W.Wararka) – Sideed ka mid ah ciidamada maraykanka eek u sugan dalka Afgansitan ayaa lagu dilay weerar ay soo qaadeen Xoogaga Talibanka, kaas oo lala beegsaday qarax lagu hagayey aalada remote-ka.Weerarkan ayaa lala beegsaday tiro ka tirsan ciidamada maraykanka ka jooga dalka Afghanistan, waxaana halkaasi ku nafwaayey siddeed askari oo Amerikan ah, weerarkan ayaa ahaa kii ugu dhimashada badnaa muddo sanad ka badan, |
| Buug Xiiso Badan Oo Uu Qoray,Barre Aduunyo |
GUURKA:- |
![]() | Haddii Aad Candhuuf Ku Tufto Suuqyada Nairobi Xabsiga Iska Dhex Eeg |
| Sharcigaan oo ah mid cusub isla mar ahaan taana lagula dagaalamayo dadka dhaqamada xun xun la taga Magaaladda (Town) oo ah halka ugu muhiimsan ee Ganacsiga Nairobi ka kala socdo, ayaa waxa shaaca ka qaaday Golaha Degaanka Magaaladda Nairobi sida lagu xusay Bogga hore ee wargeyska Taifa Leo ee ka soo baxa dalka Kenya. |
![]() | Cuntada Iyo Sharaabka Aad Isticmaasho Ayaa Sheegaya Dabeecadaada |
| Daraasadan ay dhawaan ay soo saareen koox khubaro ah ayaa sheegey in cuntada uu ninku ugu jecel yahay ay u fududeyn karto dumarku iney wax badan ka bartaan dabeecadaha ninkaasi………..darasadani aad bey u dheertahay laakinse intii ka macquul ah ayaanu halkani idinku soo gudbineynaa………. Ninka cutada qadhaadh ugu jeceli sida liin dhananta o kale,waa nin daacad ah oo aan jeclayn inay dadka iska horyimaadaan. |
CADADKII 2161
| |
Hargeysa October 4, 2009 (Haatuf) -Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo guddoomiyeyaasha labada xisbi Mucaarid KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) iyo UCID Faysal Cali Waraabe ayaa maanta la filayaa kulan ay isugu iman doonaan Madaxtooyada, kaas oo si wadajir ah ay ugu saxeexi doonaan heshiiskii ay khamiistii todobaadkii hore iskula qaateen in la bedelo dhamaanba todobada xubnood ee Komishanka doorashooyinka lana soo magacaabo Komishan cusub. |
Hargeysa October 4, 2009 (Haatuf) - Saddexda xisbi Qaran ee UDUB Kulmiye iyo UCID oo mabdi'iyan isla qaatay in la bedelo todobada xubnood ee Komishanka doorashooyinka Qaranka ayaan ilaa hadda Madaxweyne Rayaale golaha wakiilada u gudbinin eeda todobada xubnood ee Komishanka oo sidda sharciga Komishanka doorashooyinku dhigayo marka xubnaha Komishanka lasoo eedeeyo in Madaxweynuhu usoo gudbiyo golaha wakilada isagoo soo raacinaya asbaabta uu u cuskaday shaqo ka erigooda markaasi wakiiladuna ay codka kalsoonida ugu qaadaan ansixinta ogolaanshaha iyo diidmada xil ka xayuubintooda. |
| |
Wajaale, October 4, 2009-(Haatuf) - Maayarka degmada Tog –Wajaale ee gobolka Gebilay Maxamuud Muxumed (Maxamud weyne) ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in ay sharciyeyn doonaan lahaanshaha dhismayaasha iyo jagooyinka degmadaasi uguna baaqay shacbiga hantida ma gurtada ku leh magaaladaasi inay sida ugu dhakhsaha badan u sharciyeystaan hantidooda. |
| "Waxa Guuleystay Sharcigii Iyo Dimuqraadiyaddii, Ninkii Loo Taagwaayeyna......, Beesha Caalamka Waxa Aanu Leenahay Hanaga Tegina, Marnaba Kalsooni Kuma Qabno UDUB" Mud Oomane "Saleebaanow Arinta Ceel-bardaale Miyaad Dhamayni, Mise Adduunkaad Ugu Qayshan" Ismaaciil Muumin Aare |
Boorama, October 4, 2009 (Haatuf) - Xisbiga Mucaaridka Kulmiye ee Gobolka Awdal ayaa maalintii shalay kulan lagu taageerayey go'aanadii beesha caalamku usoo jeediyeen khilaafka siyaasadeed ee Somaliland ee dhawaanta ay kala saxeexdeen saddexda xisbi Qaran ku qabtay xarunta xisbigaasi ku leeyahay magaalada Boorama. |
| Dowlada Canada Oo Xukun Kuriday Nin Soomaali Ah Oo Qirtay Inuu Maaganaa Falal Argagixisonimo |
Toronto, October 4, 2009 (W.Wararka) - Wasaarada Arimaha dibadda ee dalka Canada ayaa shaaca kaqaaday in nin asal ahaan ka soo jeeda Somalia xukun lagu riday, kaas oo magaciisa lagu sheegay inuu yahay Cali Maxamed Diiriye, laguna eedeeyey inuu falalka laxidhiidha inuu weeraro argagixiso uu ka fuliyo gudaha dalkaasi. |
| |
Muqdisho, October 4, 2009 (W.Wararka) - Madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo boqollaal dadwayne kula hadlayey magaalada Washington ee dalka Maraykanka ayaa waxa uu sheegay in shacabka Somaliyeed hadda laga bilaabo aanay u afduubnaan doonin dagaal yahano shisheeye oo gacan saar la leh argagaxisada caalamiga ah, |
Ahlu Sunna Waljamaaca Oo Dadka Xajaya Ugu Baaqday Inay U Duceeyaan Soomaalida | |
Muqdisho, October 4, 2009 (W.Wararka) - Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee Somalia ayaa ugu baaqay dadka Soomaalida ah ee sanadkan gudanaya Waajibaadka xajika inay u soo duceeyaan dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu ay ku heysato dagaalada aan kala joogsiga lahayn ee ka socda guddaha Somalia.Sida uu warsaxaafadeed uu ku sheeay afhayeenka gobolada dhexe ee ciidamada Ahlu Sunna Sheekh C/risaaq Max'ed Mire Al Ascari ayaa waxa uu ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan xujeyda sanadkan u suurta galaysa inay soo xajiyaan ugu baaqay in xiligii ay halkaasi tagaan ay u soo duceeyaan ummadda Soomaaliyeed in illaahay dhibta ka dul qaado. |
| Waa Sheeko Xiiso Leh, Oo Xambaarsan Farxad, Murugo Iyo Waayo-Kala Duwan !!! Oo Dhexmartay Wiil Iyo Gabadh Soomaaliyeed Qaybtii: 1aad C/Llaahi Xasan Budul |
Aakhirkii isaga oo siddii wax daalan ah ayuu seexday, intii aanu gam'in waxa qalbigiisa ku leexaysanaysay Hibo, kolba waxa uu is daawadsiinayey caynkay ahayd iyo hadal dabacsaanta shacniga, nuurka iyo Ixtiraamka ku xeernaa, waxay cajaladiisu kolba dib u soo celinaysay muuqaalkii gabadha iyo hadal macaankeedii akhlaaqda ku dheehna oo uu ku masaalay gabadhii loo tiriyey maansadii ay midhaheeda ka mid ahaayeen "Habka luqunta heensaha hanaanka iyo laafyaha, talaabada habsamidiyo haasaawaheeda malyuun hibo la siistaa" |
| Qalinkii: Farhan Mahamed Eggeh |
Hirdanka axsaabta Somaliland oo galay marxalad aad u xiisa badan ka dib markii uu loolankooda siyaasadeed ee ku waajahan kasbashada iyo soo bandhigista barnaamijooda siyaasadeed uu la galay aradayda haatan uun ka qalin jabisay jamaacada dalka, xisibiyada UCID iyo KULMIYE oo midba habeen gaar ah u sameeyey ardayda xaflado aad loo soo agaasimay ayaa ku soo bandhigay barnaamijkooda siyaasadee ee ku aadan aqoon yahankan cusub ee dalka ku soo biiray. |
| Somaliland Maxaa Xeer Uga Yaal Qofka Dalka Soo Galaya Ee Aan Sharci Sidan Cali Ahmed Faarax Lowyacado |
Waxaan in badan somaliland ka soo galay dhinaca Lowyacado waxaan aad ugu fiirsaday bal sida y u shaqaynayaan shaqaalaha laanta socdaalka ee Somaliland, waxaan arkay dadka reer Jabuuti oo isu guubaabinaya inaanay baasaabooradooda isaga dhiibin xafiiska Lowyacado ee laanta socdaalka Somalailand, |



















No comments:
Post a Comment