05 October, 2009

Shirguddoonka Guurtida Oo Si Weyn Isugu Khilaafsan Magacaabista Labada Xubnood

Shirguddoonka Guurtida Oo Si Weyn Isugu Khilaafsan Magacaabista Labada Xubnood Ee Komishanka Iyo Xogaha Ka Soo Baxaya Arrimaha Khilaafka Huriyey
Xubnaha Sharaxan Iyo Gobolada Ay Ka Soo Kala Jeedaan
Hargeysa October 5, 2009 (Haatuf) - Guddoomiyahah golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo guddoomiye ku xigeenka labaad Siciid Jaamac Cali, ayaa la sheegay in khilaaf weyn oo la xidhiidha magacaabista labada xubnood ee komishanka doorashooyinka ay usoo magacaabaan ay si weyn isugu khilaafsan yihiin dariiqa loo marayo magacaabida xubnahaasi, taasoo sida ilo xogogaal ahi noo sheegeen in guddoomiye Saleebaan uu mabda?iyan isagu qabo in marka uu madaxweyne Rayaale soo magacaabo saddexdiisa xubnood uu soo jeediyey inay haboon tahay in markaasi ay magacaabaan labadooda xubnood ee komishanka cusub, taas oo gudoomiye ku xigeenka labaadna la sheegay inuu arrinkaasi ka biyo diiday una soo jeediyey in labada xubnood aanay la sugin inta uu soo magaacabayo madaxweynuhu xubnihiisa, taas darteedna ilo wareedyo u dhuundaloola golaha guurtidu ay noo xaqiijiyeen in hidisahaasi uu gudoomiyuhu gaashaanka ku dhuftay, taas oo la sheegay in arrinkaasi uu si weyn uga cadhooday gudoomiye ku xigeenka labaad ee golahaasi.
Inkasta oo aan si rasmiya loo ogayn waxyaalaha uu salka ku hayo khilaafka shirgudoonka guurtida soo kala dhex galay ayaa wararkaasi waxay intaa ku darayaan in khilaafka shirgudoonku uu sabab u yahay arrimo ka soo baxaya xubnaha uu magacaabi doono madaxweyne Rayaale oo la sheegayo in saddexda xubnood ee uu u soo magacaabi doono komishanka uu mid ka mid ahi noqon doono xubin ka soo jeeda gobolka Sool, taas darteedna la sheegay in jagaadaasi noqon doonto xubintii Maxamed Yuusuf Axmed oo ka tirsanaa komishankii hore ee is casilay kana soo jeeday beesha Balligubadle arrinkaasina, keenay in shirgudoonka guurtidu ay ku kala aragti duwanaadeen in laga dhur-sugo xubnaha uu magacaabi doono madaxweyne Rayaale si markaasi ay uga cabir qaataan dheelitirka saami qaybsiga beelaha eek u salaysan todobada xubnod ee komishanka.
Sida ay sheegayaan wararku ku dhow dhow khilaafka shirgudoonkuna ay farta ku fiiqayaan in gudoomiye ku xigeenka labaad Siciid Jaamac Cali uu isagu soo jeediyey in si dhakhso ah ay ugu magacaabaan laba xubnood oo la sheegay inay kasoo kala jeedaan gobolka Awdal iyo deegaanka Sanaag Bari oo kala ah C/raxmaan Siciid Xuubay oo ka soo jeeda Sanaag Bari iyo Axmed Xasan Coofle oo isaguna ka soo jeeda Awdal,
taas darteedna uu isagu gudoomiyaha guurtidu Md Saleebaan Maxamuud Aadan la sheegay inuu soo jeediyey in cagta loo dhigo laguna degdegin magacaabista xubnahaasi, iyadoo warku intaa ku daray in arrinkaasi gudoomiye ku xigeenka labaad uu arrinkaasi uu si weyn uga cadhooday inkasta oo aan si rasmiya loo ogayn saddexda xubnood ee uu madaxweyne Rayaale soo magacaabi doono shaqsiyaadka ay noqon doonaan iyo deegaanka ay kasoo kala jeedi doonaan hadana wararka ka soo baxaya xogaha siyaasadeed ee maalmahan ugu dambeeyay ayaa waxay khilaaf xoogan iyo dareemo xasaasiya ka dhex abuureen qaybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo la isla dhexmarayo shaqsiyaad iyo magacyo badan oo la xidhiidha xubnaha uu soo wado madaxweyne Rayaale, kuwaas oo sabab looga dhigayo in khilaafka ka dhex aloosmay shirgudoonka guurtida ay saamayn weyn ku leeyihiin waxyaalaha abuuray dibu dhaca magacaabista labada xubnood ee guurtida looga baahan yahay inay sharciyan soo magacawdo.

No comments: