M. Rayaale Muxuu Ku Macneeyay Labadii Xubnood ee uu Celiyay? iyo Jawaabta Xasan Siciid
"Sababta Madaxweyne Rayaale igu diiday waxaan u arkayaa in dhiigayga markii la baadhay laga waayay dhibic UDUB" Xasan Siciid
"Waxaan iyaga u qabay ma jirin, sharcigu shuruudaha uu sheegayo ayuun baan lahaa may buuxinin ee kuwo buuxiya ha lagu soo bedelo" M. Rayaale
Hargeysa (Somalilandpress)- Suxufiga Caanka ah ee Xasan Siciid oo ka mid ahaa Labadii Xubnood ee Golaha Guurtidu Magacaabay, iyada oo markii dambena Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin dib u soo celiyay oo diiday inuu ka mid noqdo xubnaha komishanka cusub ayaa ku macneeyay in Madaxweynuhu diidmadiisa ka waayay taageerada xisbigiisa UDUB, oo uu sidaasi ku diidayo.
Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo maanta 7 xubnood ee Komishanka cusub u gudbiyay Golaha Wakiillada si ay u ansixiyaan, ayaa mar la waydiiyay sababta uu u cuskuday celinta labadii xubnood ee xisbiga kulmiye iyo Guurtida oo kala ahaa Xasan iyo Siciid iyo Marwo Ilhaan sheegay in aanay jirin sabab uu isagu shakhsiyan u diiday, balse sida uu sheegay ay buuxin waayeen shuruudaha komishannimo. Isaga oo yidhi: "Sababaha sharciga ku qoran ayuun baanay buuxin, wax kale oo dheeraad ah oo aan iyaga u qabay ma jirin, sharcigu shuruudaha uu sheegayo ayuun baan lahaa may buuxinin ee kuwo buuxiya ha lagu soo bedelo".
Hadaba, Xasan Siciid Yuusuf oo ahaan jiray Muddo dheer Tifaftiraha Wargeyska Jamhuuriya ee ugu caansan wargeysyada Somaliland, oo isaguna ka jawaabaya hadalka Madaxweynuhu ku sheegay in aanay shuruudaha komishannimo buuxin ayaa waxa uu yidhi: "Ma jiro xukun Maxkamadeed oo mar keliya igu dhacay, waxaana lay xidhay 15 jeer 15-kii sano ee u dambeeyay, Waxa Madaxweyne Rayaale igu diiday waxaan u arkayaa uun in dhiigaygii markii la baadhay laga waayay dhibic UDUB markii la mariyay Shaybaadhka".
No comments:
Post a Comment