| Xukuumadda oo Xabsiyada ka Buuxisay Dadweyne Badan oo Mudaharaadyo Lagu Diidan Yahay UDUB ku Gilgilay Degmada Wajaale
= Magacyada qaar ka mid ah habeen tiro badan oo la xidh-xidhay = Calanka iyo koofiyadaha UDUB oo loo xidhay eyda Wajaale = Xafladdii labaad ee taageero-doonka Wasiirrada UDUB oo la raficiyey = Masuuliyiin dhagax lagu dhaawacay = Jawaabta Wasiirrada weji-gabaxa culus kala kulmay reer Wajaale = Cambaaraynta KULMIYE ee xadhigga shacabka Wajaale (Jam)- In ka badan afartan qof oo isugu jira dumar iyo dhallinyaro, ayaa lagu guray xabsiyada magaalooyinka Gabiley iyo Tog-wajaale, kadib markii mudaharaad ballaadhan oo lagu diidan yahay mashruuc xukuumaddu u bixisay taageerayaal ka baxay KULMIYE oo ku biiraya xisbiga talada haya ee UDUB uu shalay gilgilay magaalada ku taal xuduudka ee Wajaale. Mudahaardkaas oo watay rabshado, ayaa sababay dhaawacyo fudud oo soo gaadhay masuuliyiin ka tirsan dawladda hoose degmada Tog-wajaale, kuwaasoo dadweyne gadoodsan shalay subax dhagxaan ku weerareen xilli ay u diyaargaroobayeen xaflad salka ku haysay qorshe xisbul-xaakimka taageero siyaasadeed kaga raadinayey reer Wajaale oo ay dabada ka riixayeen wasiirro ka tirsan xukuumadda Rayaale iyo Badhasaabka Gobolka Gabiley. Xaaladda magaalada Tog-wajaale ayaa gelinkii dambe ee shalay ku soo noqotay degannaansho, kadib markii la joojiyey xafladdii masuuliyiinta xukuumaddu u bixiyeen taageerayaal ka tirsanaa KULMIYE oo ku biiray UDUB, balse subaxnimadii hore rafaceen taageerayaasha KULMIYE ee degmada Wajaale. Mudaharaadka xooggan ee ka dhacay Wajaale, kadib waxa magaalada la keenay ciidamo fara badan oo ay ku jiraan qaar laga soo qaaday saldhigyada millatarigu ku leeyihiin dhul-beereedka banka ee ku yaal degaankaas. Ciidanka booliska degmada Tog-wajaale, ayaa shalay subax rasaas oodda kaga qaaday taageerayaasha xisbiga KULMIYE, isla markaana xabsiga u taxaabay ugu yaraan 40 qof oo isugu jira haween iyo dhallinyaro ka dhex muuqday mudaharaadyad ballaadhan ee lagaga soo horjeeday xisbul-xaakimka UDUB iyo xukuumadda Madaxweyne Rayaale, haweenkaas oo saddex ka mid ah yihiin umul carruur yaryar naaska nuujinayey, kuwaasoo sida la sheegay xalay fiidkii saldhigyada booliska loogu geeyey ubadkooda. Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE ayaa taageerayaal xooggan ku leh degmada Wajaale, ayaa koofiyadaha iyo calanka UDUB u xidhay eyda tirada badan ee jooga magaaladaas, arrintaas oo si weyn uga cadhaysiisay wasiirrada reer Gabiley iyo madaxda UDUB ee Gobolka Gabiley ee iyagu daadihinayey mashruuca fashilmay ee ay taageerada kaga raadinayeen dadweynaha reer Tog-wajaale. Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ayaa isku dayday inay xoog ku qabto xafladda taageerada loogu raadinayey xisbiga UDUB, balse qorshahaas waxba ugama suurtogelin wasiirrada iyo Badhasaabka Gabiley oo ilaa habeen hore hirgelinta mashruucaas u joogay magaalada Wajaale. Magacyada qaar ka mid ah dumarka reer Tog-wajaale ee xabsiyada loogu taxaabay markii ay diideen qorshaha wasiirrada Rayaale iyo maamulka Gabiley taageerada ugaga raadinayeen xisbigooda UDUB. 1- Sucaad Cali Warsame 2- Canab Daahir Cabdillaahi 3- Raxme Xaashi Yuusuf 4- Nimco Yuusuf Qalinle 5- Kiin Cabdi Qalinle 6- Deeqa Maxamuud 7- Nasra Muuse Cumar 8- Nimco Xuseen 9- Nimco Axmed 10- Asma Cabdi Ismaaciil 11- Raxma Mowliid 12- Kowsar Mahdi Gaaxnuug 13- Canab Gaaxnuug 14- Khadra Cabdillaahi Warsame 15- Raxma Muxumed Xasan 16- Deeqa Maxamuud Gahayr 17- Suhuur Xaashi Muxumed 18- Khadra Axmed Maxamed. Ma aha markii ugu horreysay ee xisbiga UDUB ku hungoobo taageerada shacabka degmada Wajaale, iyadoo ciidamo tiro badan oo shalay hadheeyey magaalada Tog-wajaale laga soo guray dhinaca degmada Gabiley ay isku dayeen inay joojiyaan kacdoonka dadweynaha reer Wajaale kala hortageen masuuliyiinta xukuumadda Rayaale oo ay horkaceen Wasiirka Ganacsiga, Wasiiru-dawlaha Hawlaha Guud iyo Badhasaabka Gabiley, kuwaasoo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii xafladda fashilantay ee taageero-doonka UDUB u qabsoomi lahayd. Dhinaca kale, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Hawlaha Guud Md. Xirsi – oo ka mid ah masuuliyiinta xukuumadda Somaliland ee ka soo jeeda Gobolka Gabilay ee hoggaaminayey xafladaha fashilmay ee xisbiga UDUB taageerada kaga raadinayey dadweynaha reer Wajaale oo Jamhuuriya xalay khadka telefoonka ku weydiiyey sida wax u dhaceen iyo sababta loo xidhxidhay dadka tirada badan, waxa uu ku jawaabay; "Qolooyin ururrada muruqmaalka reer Wajaale ah ayaa doonayey inay ku soo biiraan xisbiga UDUB oo xaflad ku qabsaday garoonka Wajaale, balse waxa dhacday in kooxo dhallinyaro ah soo weerareen oo buuq ka sameeyeen, iyagoo jiingadihii ka jajabiyey khayriyada, runtiina arrintaas nasiib-darro ayaan u arkaa, waayo khayriyada UDUB malaha ee qaranka ayaa leh, waxana dhacday in markii dambe qaar ka mid ah dadkaas la xidhxidhay, laakiin waxaan kuu sheegayaa in kooxihii muruqmaalka ay xalay [habeen hore] xaflad ku qabsadeen magaalada Wajaale oo si fiican u dhacday." Wasiiru-dawlaha oo la weydiiyey in dadka mudaharaadka sameeyey ka soo horjeedeen xafladda UDUB-aysan oo la doonayey khasab lagu qabto, waxa uu sheegay in aanay dadkaasi ahayn qaar ka cadhooday xafladda UDUB qabanaysay, balse ahaayeen dhallinyaro ciyaal-suuq ah oo qas doonayey. Mar la weydiiyey su'aal ahayd; 'dadka mudaharaadka idinkala horyimi dhallinyaro qas waday may ahayn ee waxay ahaayeen taageerayaasha xisbiga KULMIYE oo muujinayey in ay idinka quwad badan yihiin, miyaanay runtu sidaa ahayn, isagoo Wasiiru-dawluhu ka jawaabayey su'aashaasna waxa uu yidhi; "Xaqiiqda markaan kuu sheego dadka mudaharaadayey mucaaradka may ahayn, balse waxay ahaayeen dad ka soo horjeeday kooxaha UDUB ku soo biiraya oo xininaya, laakiin waan arkayey dad yar oo calanka KULMIYE lulayey, xalayna [habeen hore] xafladdu waxay nooga baaqatay roob da'ayey. Wasiirka oo la weydiiyey; 'nacaybka dadka reer Wajaale u qabaan xisbul-xaakimka waxay gaadhsiisay in koofiyadaha iyo calanka astaanka UDUB u xidhaan eyda magaalada, arrintaasi miyaanay weji-gabax weyn idinku ahayn,' waxa uu yidhi; "Horta koofiyad UDUB ku xardhan tahay wax weyn ma aha oo qof kastaa wuu heli karaa, runtiina maan arkayn ey koofiyad loo xidhay." "Horta bannaanbaxa KULMIYE ka sameeyey Gabiley wuxuu ka mid ahaa kuwii uu dalka oo dhan ka dhigay, wax gaar ah oo uu kaga duwan yahayna ma jiro," ayuu yidhi Md. Xisri oo ka jawaabayey su'aal kale oo ahayd, marka la eego bannaanbaxyada is-dabada joogga ah ee reer Gabiley kaga soo horjeedaan UDUB miyaan taas macnaheedu ahayn in shacbiga Gobolka Gabiley ka fallaagoobeen gacmaha xisbigiina talada haya. Geesta kalena, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa si kulul u cambaareeyey xadhigga lagula kacay dadweynaha Wajaale iyo Gabiley, waxaannu sheegay in shacabka reer Somaliland ka dheragsan yihiin karti-darrada iyo maamul-xumada xukuumadda talada haysa, sidaa awgeedna aanay cago-juglayn iyo xadhig toona waxba kaga qaadayn. "Maamulka maanta dalka jira xilalkii qaranka ka saarnaa dhinacay doonto ha noqotee wuu gudan kari waayey, shacbigiina wuu arkay cabsi, cago-juglayn iyo xadhig wax ay kaga qaadaysaa ma jiro, dadweynuhuna hore ayuu idiin tusay, iminkana wuu idin tusi doonaa haddii Alle ka dhigo halka uu ka taagan yahay maamul-xumada, caddaalad-xumada, boobka iyo dhaca aad ummadda ku haysaan," ayuu yidhi Md. Axmed-Siilaanyo. |
Jamhuuriya Online |
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
02 September, 2009
Xukuumadda oo Xabsiyada ka Buuxisay Dadweyne Badan oo Mudaharaadyo Lagu Diidan Yahay UDUB ku Gilgilay Degmada Wajaale
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment