Banaanbax Ka Dhan Ah Xukuumada Iyo Xisbiga Udub Oo Gilgilay Wajaale
Waxaa Lagaga Hortagayay Xaflad Uu Xisbiga Udub Ku Qabsan Lahaa Wajaale
Hargaysa September 02,2009(Haatuf):-Boqolaal qof oo ka mid ah dadwaynaha reer wajaale oo gadooodsan ayaa shalay subax isugu soo baxay banaanbax ay kaga soo horjeedeen maamulka xukuumada Madaxwayne Rayaale iyo Xisbigiisa UDUB.
Mudaharaadkan oo gilgilay magaalada Wajaale ayaa sida la sheegay ka dhashay xaflad ay saraakiil ka tirsan Xisbiga UDUB doonayeen inay ku qabtaan magaalada taas oo looga dan lahaa in lagu taageero xukuumada,hase yeeshee taageerayasha xisbiga Kulmiye ayaa iyaguna kaga hor yimid xafladaasi isu soo bax balaadhan oo ay ku muujinayaan
dareenkooda ka dhanka ah xukuumada iyo xisbiga UDUB,taasoo baajisay xaflada ay UDUB u qabatay inay ku soo dhawayso taageerayaal ay ku sheegeen inay ka soo baxeen Kulmiye kuna soo biireen xisbiga UDUB waxaana qorshaha ku talo galku ahaa inay xafladaasi ay dadwaynaha kala hadlaan Wasiirka Ganacsiga Abiib Xassan Filfil iyo Badhasaabka Gobolka Gabilay Maxamed Axmed Cabdi (Xabiib), hase yeeshee waxa xafladaasi la joojiyay ka dib markii ay taageerayaasha Kulmiye ku soo qamaameen goobtii lagu qaban lahaa xafladaasi, intaa ka dib ciidamada bilaysa ee Wajaale ayaa rasaas kor ay u ridayeen ku kala dareeriyay dadwaynihii faraha badnaa ee ku mudaharaadayay xukuumada.
Ma jiro wax khasaare ah oo laga soo sheegay banaanbaxaas hase yeeshee waxa la sheegayaa in ciidamaha bilaysku ay xabsiga u taxaabeen dad tiradooda lagu qiyaasay 35qof oo ubadan Haween iyo Dhalinyaro.
Waa markii labaad ee Mudo laba todobadaad gudahooda ay isu soo bax ka sameeyaaan magaalada Wajaale,sida la ogsoon yahay xisbiga kulmiye wuxuu taageero xoog leh ku leeyahay deegaanka wajaale ee wasiirka gacansigu ka soo jeedo. waxaana la sheegay in ujeedada socdaalka wasiirka Ganacsiga ay ka mid ahayd sidii xukuumada taageero uga heli lahayd dadwaynaha deegaankaasi.
HAATUF
No comments:
Post a Comment