Muwaadiniin u damqanaya Dalka, haddana xooliiisii Carab u xidhy dhoofkooda , si looga xarrimo Muwaadinku in uu hawshii uu weligiiba ka soo haqeynayey ka dhiigeysto, Dalku dhaqaale u helin, afar lacagood oo kala kaan ahi uga socoto si aan miisaaniyad dhexe ioyo Dakhli mideysani uga soo xeroon Gobollada Dalka oo kala lacago ah. Xuduudaha oo aan la sugin lana xakamayn, madax sheeganaya, si aan Dalka muran dhul oo beelo iyo isir tirsi uga taagnaado goor walba. Dalka aan shuruuc dhaqaale muujin iyo xilka dawladda loo hayo oo lagu xisaabtamo loo dejin , sow jinka hagbad ha la lahaado maaha?!!
Markaan arko Doqon calooshiisa la ciyaar ah oo shakhsi amaantii , dastuurka Dalka ugu tumanaya hadhaagan faqashtu dano ay ka leeyihiin isaga, faro guudkoodna wax loogu saaro, sida lixdii Xildhibaan ee Boolisku qasabka ku geliyeen Golaha Xildhibaannada si loo karaamo -jebiyo Shir-Guddoonka Golaha Xildhibaannada, waxyar ka dibna Hargeysi ku toostey, shadhaab"Shut-upna " hadal uga dambeyn ilaa uu Wasiir Cali Warancadde ka yidhi Riyaale ha dhaco, kaddib markii ay boqollaal kun oo Dadweyne gadoodsani sidaa ka codsadeen in uu yidhaahdo!! Booliska Xisbiga UDUB iyo Ilaalada Riyaale xabbaddan ay shicibka iyo Goleyaasha sharci-Dejinta tunka kaga hayaan, wey ka maqan tahay xasuustooda in ay yihiin isla kuwii qoriga kalaashakoffka ah ku furanayey taangiyada iyo tiknikada uu Maanta Riyaale Dadka sidii afweyne iskaga ilaaliyo iyo Wadkaba - waa aqoonta Dugsiyada Hantiwadaagga ah lagu soo bartaye!!- Haddii ay kuwaasu wax qabanayaanna aanu Maxamed Fariid kabo la'aan Dalka kaga carareen, illey waa kii lahaa "Haddii anziolotti la qabsado, avisioni ayaan xukumayaaye !!"
Muwaadiniintu fiirom gaar ah ha u yeelato Dadka Dalkan sheegta ee aan raad iyo cidhib midna ku lahayn ee cadowgu u soo adeegsado!! Doqon shakhsi u xiiqsan ammaantiisa oo aan tixgelineyn marka hore Somaliland Jiritaankeeda iyo Nolol wanaagga Bulshadeeda oo
weliba ka dhex badhaaciya , sidii aynu wax odhan jirreyna , marka noocan oo kale aynu manaha u rideynno. Da'yar dambe oo naga tahriibta waa in la waayo oo loo muujiyo wax qanciya in Dawladnimo dhab ah ay innaga xigaan waxaan Bil Gaadheyn , Fadhiga loo dhan yahay ee lbada gole ee Sharci-Dejintu ay meel mariyaan Qodobka Dastuuriga ah ee 96 oo Dawladdan iyo Hoggaamiyaheedu Tobankaba kula jiraan Saddexdiisa Farqadoodba!!
Riyaale iyo Tiimkiisa aan Mergashada aqooni, waa madaxda Maanta, Maxaabiista Berrito!!
Gurtee halkey ku dhuuqi, meel walba kuwii hantida lahaa ayaa kaga horreeyee. Yidhaahdee , yaa ka raseyn, beenteedii hore ayaa dhego tirtey bulshada oo wey kaba yalaalugoonayaan wax dambe oo ay ula yimaaddaane. Sunaamiga Hargeysa ka curtey imika waa mid ay ugu dambeysey Gobollad Dalka. Hadal waqti looma hayo, Dhexdhexaadin Dal Dastuur iyo shuruuc leh, Waa Somaliland diidnimo lagu aasayo Dastuurka iyo Shuruucda si sayladda dhexdhexaadinta loogu qaboojiyo oo loogu afuufo shicibka qaniinyada jiirka ka soo gadhey!! Caqli haddii uu ku hadhey Kooxdan iyo odeyaal ay is-xambaar ahaayeen- Rag haddey yihiin 29 ka Sept. 2009ka ha dhici weydo Doorasho
Riyaale ummul macaariktii Saddaam Xuseen oo kale ayuu wadaa, Saddaamna waa tii Godka jiirka laga soo sarey, lana deldelay ee aaney laba cali is-weydiin !! Madaxdu ixtiraamka iyo ku dhaqanka Dastuurka iyo shuruucda Dalka ayey Maamuuska ku hesha,kii la dagaallamana, ln si walba loola dagaallama waa waajib Dastoori, Diini iyo wddanib ah !! Inta uu magaca Alle ee ku xardhan Calanka Somalilandna, cid awood ay ku wiiqdo jiritaankeeda yeelanaysaa, ma jireyso xataa haddii ay iu kaashadan jinka!! Rabiga ay Ciidammadiisa Cirka shimbiro ka midka yihiin ee Sawaariikhdiisa durriga ahi dhagaxan Af-shimbireed qaadi karo oo jahannama lagu soo sameeyey yihiin, Allaha Ciidammadiisa ay Biyahan aynu ku dabbaalanno yihiin oo mark uu amro , wax qarqiya. Marna dhawaaq samada ka yedhey wax ku halaaga, ama dhul gariirka iyo Dufaanka ku aarsada, marna daruuro madmadow oo inta bahal hoose jirta oo kiib qaniinydiisu boqollaal sano loo xnuunsnyo cidda uu rogayo ku habsiiya, ama dabeylo wixii nafly ay soo gaadhaan , rmaqa kaga jro ee aan Ciidnkiisa iyo cududdiisa cidina la dhigyn ee ay hooskiisa fadhido Somliland.

Ninka Alle ugu badheedhaa, waa sidii kii rer xamarka ahaa ee Askartii ugu horreysey ee dhulkeenna loo soo beddelo ee inta uu Dukaan weyn oo Xalaawadda iibin jirey galey ku yidhi ninkii Dukanka lahaa, Adeer , Xalwo ma qabtaa? odeygu waxa uu u qaatey islaantiisa oo xalwo l odhn jirey in uu weydiinayo in uu qabo iyo in kale!! halka ay ninka reer xamarkana su'aashu ka ahayd xalaawad uu cuno ama sida ay yidhaahdaan uu "dhuuqo " doonayey!!, waxaanu odeygii ugu jawaabey ninkii haa !! ee maxaad ka doonysaa Xalwo? isna ugu jawabey waan dhuuqi lahaa , labada bukooradoona bgga loo geliyey e isga oo cagadhbanaya birjeex lagu geliyey orodka!!
Iska hadloow bal hdal 29ka Sept iyo wixii ka dambeeya, Odeyadii ka awliyda ahaa kiilooyada Hawadaaygu, iyana dhirtii Madaxtooyda ee ay shxda waqtiga rawaxaadda ku sugi jireen bal ha isku dayeen!! "Lead, Follow , learn or get the hell out of Somaliland.!!!!
Dr. Cali Cabdi Muxumed.

No comments:
Post a Comment