Madaxweyne Riyaale, Goormaad wax garawsataa ?
Mareegta Farshaxan
August 2009M
Ramadaan 1430H
1. Eebbaha ummadda Somaliland ku beeray geyigani waxa uu ugu deeqay awood iyo karaamo Qaranimo. Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu awooddaas iyo karaamadaas sida ku cad Dastuurka u igmaday dawlad ku dhisnaan doonta kuna dhaqmi doonta Dastuurka.
Xili ku beegnayd bishii Abril 25keedii , 2002dii maalin khamiis ah ayaa waxaa si kadis ah dalka Somaliland looga duuliyey Madaxweynihi xiligaa Marxuum Maxamed X.Ibraahin Cigaal, maalmo dabadeed –bishii May 3deedii 2002, dhiilo ayaa ka soo yeedhay wadanka Koonfurta Africa inoo sheegtay in tii Illaahay haleeshay madaxweynaha .Waxaa wax lagu faano ah in aanu qalalaase iyo isdhexyaac ka dhicin dalka ee markiiba ummada Somaliland u jeesatay ku dhaqanka iyo hirgelinta Dastuurka ay dhigteen oo u ogolaanayey in xilka lagu wareejiyo madaxweyne ku xigeenkii xiligaa Mudane Daahir Riyaale Kaahin ,isagana loo igmadey inuu raaco dastuurka dalka oo marka mudada hadhsaneyd dhamaato uu si gacmo furan leh ku hawlgaliyo doorasho madaxweyne oo dalka ka dhacda .
QODOBKA 89AAD
HABKA BUUXINTA JAGADA BANNAANATAY
1. Haddii mid ka mid ah xaaladaha ku sheegan(-sida geeri oo kale-) qodobka 86aad ay ku timaado Madaxweynaha saddexda sano ee u horreeya shanta sano ee xilka loo doortay, waxa Madaxweyne Ku-xigeenku noqonayaa Madaxweyne ku meel gaadh ah, waxaana Madaxweyne lagu dooranayaa muddo lix bilood gudohood ah.
2. Haddii Madaxweynaha xaalad ka mid ah xaaladaha ku sheegan(-sida geeri oo kale-)qodobka 86aad ay ku timaado labada sano ee u dambeeya muddada shanta sano ah ee bo doortay, waxa xilka Madaxweynenimo la wareegaya Madaxweyne Kuxigeenka muddada labada sano ah ee hadhay, wuxuuna Madaxweyne Kuxigeen u sharrixi doonaa xubin ka tirsan Golaha Wakuada, waxaana ansixinaya labada Gole oo wada jira. Haddii Golayaashu diidaan mudanaha Madaxweynuhu u magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka, waxa waajib ku ah inuu mudane kale ku magacaabo muddo aan ka badanayn soddon maalmood gudahood oo ka bilaabmaysa taariikhda dudmada Golayaasha.
Si kastaba ha ahaatee waa loo wada hogaansamey dastuurkii dalka gaar ahaan madaxweynihii xilka sii hayey ee Daahir Riyaale ogaaldeyna siduu sharcigu dhigayey inuu la tartamo hogaamiyayaasha labada xisbi ee kale oo xiligaa kala ahaa mudane Axmed Maxamed Maxamuud "Siilaanyo" oo xisbiga Kulmiye ka socda , halka uu xisbiga UCID-na ka socday mudane Faysal Cali Waraabe .
Waxaa doorashadaa ku guulaystay mudane Daahir Riyaale Kaahin oo si gobanimo leh raacsana Dastuurkii dalka u yaalay ayey u mahadiyeen madaxdii labada xisbi ee uu ka badiyey .Sida Dastuurku dhigayo waxaa xilkaa madaxweynenimada loo igamdey mudo ku siman shan sanno oo kaliya laga bilaabo maalintii maxkamada sare ku dhawaaqdey go,aanka doorashadaa sida uu dhigayo Dastuurka dalka Soomaaliland . Waxaa la doortay madaxweyne Daahir Riyaale xili ku suntaneyd bishii Abril 2003dii ,waxaanu xilkiisu ku ekaa bishii Abril 2008dii.
QODOBKA 42AAD

MUDDADA XILKA IYO XILLIGA DOORSHADA
1. Muddada xilka Golaha Wakiiladu waa 5 (shan) sano oo ka bilaabmaya maalinta Maxkamadda Sare ay ku dhawaaqdo go'aamada doorashada.
Waxaa sidoo kale aad ugu cad oonu madmadow ku jirin marka ay dhamaato mudadaa dastuurku u ogolaadey haynta xilka madaxweynenimada oo ku beegnaanaysay bisha Abril 2008 in ay hal bil ka hor dhacdo doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ayna mudada cayimayaan golaha doorashadu (Election Commision ) ,guurtiduna aanay shaqo ku laheyn hawshan iyada ah waa haddii xeerka Dastuurka la raacayo
QODOBKA 83AAD

Firqadiisa 2aad : Doorashada
Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, oo isku mar loo codaynayo, kuna salaysan habka u codaynta liistada, waxa Ia qaban doonaa bil ka hor dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha hore.
"Xukuumadu Commitment weyn bay ugu jirtaa sidii doorashadu waqtigeeda ugu qabsoomi laheyd,doorashooyinkii horena dagaal weyn bay xukuumadu u gashey iyadoo dabcan la kaashaneysa golayaasha iyo shacabkaba ,galisteedana dee xukuumadaa hormood ka aheyd tana ma qabo in wax dhibaato oo fool weyni ay nagu soo fool leeyihiin ,dee haddii aanay carqalado kale nagu iman oo aan la xalilin laakiin dhinaca xukuumada diyaar bay u tahay waa loo qoondaynayaa wixii loo baahnaa ….."
Wasiirka wasaarada Arimaha dibada Cabdilaahi Maxamed Ducaale
10/8/2007 ,Voa Wareyste :Cabdisalaan Hereri
Wuxuu waqtiguu isku riixay inay fooda ina soo saarto maalintii xilkii madaxweyne ee Madaxweyne Daahir Riyaale soo gabagaboobayey oo ku beegnayd horaantii bishii Abril ,2008 loona hub qaadanayey doorasho hor leh oo dalka ka dhacda .Waxaana la filayey inuu mar labaad ku guulaysto madaxweyne Daahir Riyaale ama si gobanimo leh oo maamus ku dheehan u wareejiyo xilka isagoo ka shiidaal qaadanaya sidii uu Dastuurka ugu dhiibay ka dib doorashadii uu ku guulaystay bishii Abril,2003dii .
Waxaase ayaandaro ah oon taariikhda Soomaaliland ka madhnaan doonin inay golaha guurtida oo iska indhatiray Dastuurka dalka u yaalay ay ku kordhiyeen mudadii doorashada lix bilood oo kale iyagoonay jirin sabab ama xeer ay raaceen oo Dastuurka dalka ku yaalay ,kuna sugeen inuu Madaxweynaha xilka haya mudadu kaga dhamaato dhamadka bisha Diisambar 2008.
Waxaase ummadii afkala qaad ku noqday inay golaha guurtidu isbadaleen haddana ooy mudadii doorashada dib ugu riixeen mar labaad lana shir yimaadeen inay daawladu xilka sii hayso ilaa horaanta bisha Abril 2009, doorashada dalkuna dhacdo bisha Maarso 29keeda,2009 ayna garteen in madaxweynaha loo kordhiyo mudo hal sanno ah halkay markii hore ku dareen lix bilood.

Kaadi badane waa loo gogol badiyaayee, danta ummada iyo wadahadalkay Somaliland ku caanomaashey lagu kala bax laysuna afgaray. Waxaa la soo gaadhey mudadii loo cayimay waxaa mar kale amakaag iyo yaab bulshadii nabada jeclayd Dastuurka in la raacana ogolayd ku noqotay inay mar saddexaad doorashadii dib loogu riixo bisha September 29keeda 2009. Talo xumadii guurtida ,aamuskii golaha wakiilada ee fadhiidka ah iyo kala baahsanaantii gudida doorashadu waxay noqotay siduu abwaan Hadraawi yidhi:
Ummadii waxaa jahawareer ku riday garaadxumadan laysku raacay iyo dastuurkan hawada loo laaley .Hase yeeshee dulqaadka u gaarka ah ummada Soomaliland iyo nabadjaceylkooga ayaa suurtogaliyey inay xisbiyada mucaaridka ah gogosha wada hadalka mar saddexaad ku soo hagaan .Waxaase mugdiga sooyaalka ummada bar tilmaameed ku yeelanaysa oon la ilaaweyn siday wax u dhaceen .
28kii Maarso , 2009 Waxaa golaha guurtidu shir ay iskugu yimaadeen ku garteen in loo kordhiyo madaxweynaha xilka haya .Waxaan sooyaalka taariikhda Somaliland marnaba ilaawi doonin xubnihii golaha guurtida ee 42ka ahaa ee qarjajeexan sameeyey gartana qaloociyey ,dastuurkii dalka u yaalayna hawada ku laalay.
Waxaa mudo kordhintan isku maamuusay dastuurka la jabinayayna u damqan waayey madaxweynaha xilka ummada loo igmadey ee Madaxweyne Daahir Riyaale ,si baraad li'ina u sii balaadhsadey sii dhex joogida guriga qaranka Somaliland ee madaxtooyada ,waxaase la yaab leh kuwa u adeega oon hadaladooda u fiirsan ,waana kan mid ka mid ahi:
"Somaliland doorashada madaxweynuhu xilligii loo cayimay ayay ku qabsoomaysaa cid kale wax aynu uga baahan nahayna ma jirto hawlaheennana innaka ayaa qabsanayna oo isku filan" Wasiir-ku-xigeenka Caddaaladda Somaliland Yuusuf Ciise (Tallaabo) 08/11/2009 magaalo-madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo , fagaraaha Beerta Xorriyadda.
Waxaa ayaandaro hoogna keeni karta noqonna karta in mar afraad dib loo dhigo doorasha ,iyadoo aan la eegayn xaqiiqada iyo mustaqbalka siyaasadeed ee ummadan. Taariikhdu waxay inala wadaagtey sidii maamuuska laheyd ee uu Nelson Mandela u sugay inuu xukunku yahay meerto ,halkay inooga digtay wadadii Mingiste, Cade Muuse, Cabdilaahi Yuusuf ,Habaarqabihii ina Siyaad,iwm.
Waxaase maanta la gudboon madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Riyaale Kaahin inuu gacan bir ah ku sugo raacitaanka Dastuurka isaga caleemosaaray, kalsooni buuxdana qaato oo uu fagaaraha kubada lagu ciyaaro iskeeno .Iyadoo guul iyo guuldaro siday u dhacdaaba u tahay wanaag iyo maamuus .Hadduu helo waa guul ,hadduu waayo oo si sharaf leh xilka ku wareejiyana waa u guul iyo baal dahaba oo taariikhda Somaliland ka galayo ,haddii kale waa bisha Sebtember 29keedu oo isku fuuqsato guulahan uu tirsan lahaa :
Marka xiga Samaw heedhe
Talo sibiq dhaqaaqeeda
Soof-daran habawgeeda
Sal-fudaydka hooggiisa
Bal sallaankan fuul laalan
Iyo sagabtan heensaysan
Dhulka saas u jeedaali
Sidan iyo sidaas fiiri
Sidan iyo gadaal dheeho
Maansadii Sahra, Hadraawi
Ummadii waxaa jahawareer ku riday garaadxumadan laysku raacay iyo dastuurkan hawada loo laaley .Hase yeeshee dulqaadka u gaarka ah ummada Soomaliland iyo nabadjaceylkooga ayaa suurtogaliyey inay xisbiyada mucaaridka ah gogosha wada hadalka mar saddexaad ku soo hagaan .Waxaase mugdiga sooyaalka ummada bar tilmaameed ku yeelanaysa oon la ilaaweyn siday wax u dhaceen .
28kii Maarso , 2009 Waxaa golaha guurtidu shir ay iskugu yimaadeen ku garteen in loo kordhiyo madaxweynaha xilka haya .Waxaan sooyaalka taariikhda Somaliland marnaba ilaawi doonin xubnihii golaha guurtida ee 42ka ahaa ee qarjajeexan sameeyey gartana qaloociyey ,dastuurkii dalka u yaalayna hawada ku laalay.
Waxaa mudo kordhintan isku maamuusay dastuurka la jabinayayna u damqan waayey madaxweynaha xilka ummada loo igmadey ee Madaxweyne Daahir Riyaale ,si baraad li'ina u sii balaadhsadey sii dhex joogida guriga qaranka Somaliland ee madaxtooyada ,waxaase la yaab leh kuwa u adeega oon hadaladooda u fiirsan ,waana kan mid ka mid ahi:
"Somaliland doorashada madaxweynuhu xilligii loo cayimay ayay ku qabsoomaysaa cid kale wax aynu uga baahan nahayna ma jirto hawlaheennana innaka ayaa qabsanayna oo isku filan" Wasiir-ku-xigeenka Caddaaladda Somaliland Yuusuf Ciise (Tallaabo) 08/11/2009 magaalo-madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo , fagaraaha Beerta Xorriyadda.
Waxaa ayaandaro hoogna keeni karta noqonna karta in mar afraad dib loo dhigo doorasha ,iyadoo aan la eegayn xaqiiqada iyo mustaqbalka siyaasadeed ee ummadan. Taariikhdu waxay inala wadaagtey sidii maamuuska laheyd ee uu Nelson Mandela u sugay inuu xukunku yahay meerto ,halkay inooga digtay wadadii Mingiste, Cade Muuse, Cabdilaahi Yuusuf ,Habaarqabihii ina Siyaad,iwm.
Waxaase maanta la gudboon madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Riyaale Kaahin inuu gacan bir ah ku sugo raacitaanka Dastuurka isaga caleemosaaray, kalsooni buuxdana qaato oo uu fagaaraha kubada lagu ciyaaro iskeeno .Iyadoo guul iyo guuldaro siday u dhacdaaba u tahay wanaag iyo maamuus .Hadduu helo waa guul ,hadduu waayo oo si sharaf leh xilka ku wareejiyana waa u guul iyo baal dahaba oo taariikhda Somaliland ka galayo ,haddii kale waa bisha Sebtember 29keedu oo isku fuuqsato guulahan uu tirsan lahaa :
1991: Wuxuu ka qaybgalay shirkii Burco ee lagaga dhawaaqay la soo noqoshada
xorriyadda Somaliland.
1991-92: Wuxuu Badhasaab ka ahaa Gobolka Awdal
1992-97: Wuxuu ka soo shaqeeyay nabadaynta iyo isu-soo dhaweynta Beelaha Somaliland.
1997: Wuxuu ka qaybgalay tartankii madaxtinimada dalka, waxaana loogu doortay
shirweynihii Hargeysa inuu noqdo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland
2002: Madaxweyne ku meel gaadh ah
2003 : Madaweynihii u horeeyey ee doorasho ku yimaada
2008 : Madaxweynihii xiligiisii gabagaboobay
2008- iminka : Madaxweyne kolba loo kordhiyo (ilaa iminka saddex jeer)
Qodobka 83aad
Wakhtiga qabashada doorashooyinka
Komishanka ayaa cayimaya taariikhaha la qabanayo doorashooyinka si waafaqsan
Dastuurka, waxanay ku soo bixi doontaa Degreeto Madaxweyne
Waxaan ku soo gunaanadi lahaa yaanay Madaxweyne arintu noqon in uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ee ku yimid raacitaan la raacay Dastuurka u dejisan dalku aanu u heelanayn rabina in uu fuliyo xilkiisa Distooriga ah ee kaga aadan qabsoomida Doorashooyinka.
Qalinkii : Bahda Mareegta Farsahxan

No comments:
Post a Comment