Xubin Ka Tirsan Siyaasiyiinta Reer Awdal Ee Xisbiga Kulmiye Oo Ka Hadlay Sida Keliya Ee Xukunka Lagaga Qaadi Karo Mr. Rayaale
by saylac
"Mar Haddi Madaxweynaha Lagu Kari Laayahay Doorashooyin Dalka Ka Qabo, Waxa Keliya Ee Kursiga Laga Riixi Karaa Waa Bannanbaxyo Silmi Ah " Prof .Aadan Diiriye Dixood.
Borama-(Lug)-Xubin ka tirsan siyaasiyiinta reer Awdal ee taageerada siiya xisbiga Kulmiye ayaa maanta aragtidiisa dhinaca siyaasadda iyo xaaladda dalka ku sheegay mid welwel badani ka muuqdo isla markaana u baahan in xal degdeg ah loo helo.
Prof. Aadan Diiriye Dixood ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay arrimaha la gudboon shacbiga iyo taageerayaasha mucaaradka mar haddiibuu yidhi madaxweyne Rayaale kursiga laga furfuri kari laayahay doorashooyinna uu diiday inuu dalka ka qabanqaabiyo .
Prof,Aadan Diiriye Dixood oo maanta war arrimahaasi ku saabsan Saxaafada siiyey ayaa yidhi "Sida aynu ka wada warqabno Madaxweyne Rayaale wuxuu ku fashilmay xilli-dhammaadkii xilkiisa Madaxweynenimo, sida Dastuurka dalku qeexayo, inuu si xor iyo xalaal ah dalka uga qabto doorashada labaad ee Madaxtinimada Somaliland, taasoo kolba si uu ugu qiilsameeyaba uu mudodhaafiyey in ku dhow labo sano oo aan waafaqsanayn dastuurka dalka iyo hannaanka geedi-socodka Dimuqraadiyada dalku qaatay inuu ku dhaqmo.
Taasina waxay tahay mid muujinaysa Madaxweyne Rayaale inuu marnaba diyaar u ahayn inuu si xor iyo xalaal ah dalka uga qabto doorashadaasi iyo inuu weligii ka daadego kursiga Madaxtinimada dalka, isagoo si kale looga farsameeyo mooyee. Waxa kale oo ay muujinaysaa Madaxweyne Rayaale inuu si cad ugu xadgudbayo xaqa shicibka Somaliland ay u leeyihiin inay helaan doorasho xor iyo xalaal ah oo ku qabsoonta waqtiga dastuurka dalku qeexay.
Hadaba Madaxweyne Rayaale ku dhegenaanta uu ku dhegan yahay Kursiga Madaxtinimada Dalka hadii uu moodayo inuu kaga duudsiin karo ummada Somaliland xaqa dastuur ahaan ay ugu leedahay isaga inuu dalka ka qabto Doorshada labaad ee Madaxtinimada, waxaan u sheegayaa ummada Somaliland inay leedahay taariikhdii geesinimada lahayd ee duhur dharaar ah xorriyada Somaliland ee maanta aan ku naalloonayno ay ka soo faramaroojisay kalana soo noqotay gacantii birta ahayd ee hogaamiyihii hore ee digtaatoorka ahaa ee Somaliya Maxamed Siyaad Barre.
Dhanka kale xisbiyada mucaaridku waxay dhinocooda geed sare iyo mid gaabanba u fuuleen, sidii doorashadaasi ugu qabsoomi lahayd waqtigeeda ama xataa mar uun u qabsoomi lahayd. Waxa kale oo xataa ay dhawaaqooda gaadhsiiyeen Beesha Caalamka, si Beesha Caalamku u soo farageliso doorashada labaad ee madaxtinimada Somaliland inay mar uun si xor iyo xalaal ah dalka uga qabsoonto inta Madaxweyne Rayaale dalka aanu ku ridin dalluun dheer oo dib dambe aan looga soo saari karayn. Tallaabadaasina waxay ka mid tahay dadaalka axsaabta mucaaridku ay ka galeen arrinta ku saabsan qabsoomida doorashada labaad ee Madaxweyne Rayaale kolba uu mudodhaafinayo si xukunka dalku weligii gacantiisa ugu jiro.
Isku soo wada duuboo, dadweynow, qodhaa iyo xeradiin waa iga su'aale sideebaa xal noqon karta oo Madaxweyne Rayaale aan uga furfuri karnaa kursiga Madaxtinimada dalka mar hadii aanu diyaar u ahayn inuu dalka ka qabto doorashada labaad ee dalka iyo inuu ka daadego kursiga Madaxweynenimada Somaliland ee xilligiisu dhammaaday, isla markaana uu isagu mudodhaafiyey?
Ugu dambayntii, sida keliya ee xal noqon karta waxay aniga ila tahay sida mowqifka uu ku baaqay xisbiga KULMIYE inaan dibad baxyo nabadeed oo waaweyn oo xidhiidhsan ilaa maalmo iyo todobaadyoba ka samayno wadooyinka waa-weyn ee Caasimada dalka, magaalo madaxyada gobollada iyo degmooyinka dalka, xarunta baarlamaanka qaranka hortiisa iyo xarunta madaxtooyada dalka horteeda, si aan ugu cadaadino Madaxweyne Rayaale inuu maqlo cabashooyinkeena ku saabsan xaqa dastuur ahaan ugu leenahay inuu dalka ka qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo codkeena aan ka dhiiban karno.".
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Source: Lughayanews-Borama
No comments:
Post a Comment