24 September, 2009

Madaxwayne Daahir Riyaale oo ku wacad furay

Madaxwayne Daahir Riyaale oo ku wacad furay wasiru dawliha wasaaradaha guud xirsi aw cabdi oo xanuunka faaligu ku dhacay

Waxa maalintii isniinta laga soo dajiyay dalkan ingiriiska wasiirul dawlaha wasaaradaha guud ee Somaliland mudane xirsi aw cabdi ka dib markii u ku sugnaa in ka badan todobaad dalka Djibouti oo lagaga dawaynayay xanuunka faaliga.

Mudane xirsi oo xanuunku si adag ugu dhuftay ayaa isla markiiba la dhigay dhakhtar ku yaala magaalada Birmingham qaybta curuuqda oo haatan uu ku sugan yahay.

Ilo lagu kalsoon yahay oo u aad ugu dhaw-dhaw wasiirka oo gabileynews la xidhiidhay ayaa u sheegay in xanuunku mudanaha kaga dhacay qaybta midig hase ahaate xaaladiisu haatan sugan tahay. Waxay intaa raaciyeen inay garashadiisu dhamaystiran tahay in kastoo wax hadal ah oo u soo celinayaa aanay jirin.

Mar aan wax ka waydiin waqtiga badan ee mudanaha kaga luntay jabuuti iyo sababta keentay in hore loogu soo celin waayay dalkan ingiriiska si xanuunkiisa hore wax looga qabto, waxay noo sheegeen inay markii hore ehelediisu ka dhur sugayeen dawlada Somaliland oo ugu ballan qaaday inay ka bixinayso tigidhkii lagu soo celin lahaa, hase ahaate waxa markii danbe afhayeenka madaxwaynuhu ka soo wargaliyay inaanay dawladu arintaa masuul ka ahayn oo ay tahay in wasiirku jeebkiisa iska maareeyo.

Arintan oo lama filaan ku noqotay ehelkii mudanaha ayaa keensatay inay la soo xidhiidhaan qaraabadii wasiirku ku lahaa dalkan ingiriiska gaar ahaan magaalada Birmingham taas oo si degdeg ah loogu ururiyay tigidh ugu danbayntii lagu keenay mudanaha dalkan ingiriiska si uu halkaa uga sii wato daawadiisa.

Waxaa xusid mudan in allah xanuunka ha ka kor qaadee mudane xirsi aw cabdi ka mid ahaa wasiirada aadka ugu daacada ah madaxwayne Riyaale iyo xisbiga UDUB, hase ahaate aanu arintaasi waxba kaga helin madaxwaynaha maalintii uu ugu baahi badnaa in wax la taro. Waxayna ka turjumaysaa shakhsiyada Dahir Riyaale iyo sida uu u qiimeeyo shaqaalihiisa marka uu ka dhamaysto danta uu ka leeyahay.

source:Gabileynews

No comments: