09 September, 2009

La-taliyaha Sharciga ee G. Wakiilada oo sheegay

La-taliyaha Sharciga ee G. Wakiilada oo sheegay in cadaadis la saaray intii uu hayay Mooshin-nada
Hargeysa - La-taliyaha dhinaca Sharciga ee Golaha Wakiilada Axmed Cali Kaahin, ayaa ka jawaabay laba Mooshin oo Shirguddoonka Golahaasi ugu gudbiyay in uu ka soo talo-bixiyo, kuwaas oo mid ka mid ahi yahay maamuus-ka-xayuubin Madaxweyne. Waxaanu sheegay in intii uu gacanta ku hayay Mooshinnadaas uu cadaadis la kulmay.

Axmed Cali Kaahin oo fadhigii shalay ee Golaha Wakiilada ka horjeediyay talo-soo-jeedintaas, ayaa Aayado Quraan ah iyo Xadiis uu hadalkiisa ibo-fur uga dhigay ka dib, wuxuu gudo-galay in uu ka talo-bixiyo laba Mooshin oo kala ah, Maamuus-ka-xayuubin Madaxweyne iyo wax-ka-bedelka Xeer-hoosaadka Golaha. ?Waxaan horraysiinayaa Mooshinka Maamuus-ka-xayuubinta..Markaan arkay qodobka 37aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada iyo qodobka 34aad, faqraddiisa 3aad iyo Afraad ee Xeer-hoosaadka Golaha. Markaan arkay qodobka 14aad, faqraddiisa 3aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada iyo qodobka 3aad, faqradihiisa 1aad, 13aad, 14aad, iyo 16aad ee Xeer-hoosaadka Golahan Wakiilada. Markaan arkay qodobbada 9aad, 37aad, 38aad, 14aad, 54aad, 55aad, 83aad, 96aad iyo 129aad ee Dastuurka Qaranka. Markaan tixgeliyay dhacdooyinka ku xusan Mooshinkan, waxa ii caddaatay;

-In uu Dastuurka, Xeer-hoosaadka Golaha iyo Shuruucda kaleba uu waafaqsan yahay.

-In Goluhu xaq u leeyahay in uu ka dodo oo uu qodobo ka soo saaro.

-Waxa u bannaan in la tixgeliyo xaaladda Siyaasadeed ee dalka.? Ayuu yidhi La-taliyaha Sharciga ee Wakiiladu Axmed Cali Kaahin oo ka talo-bixinayay Mooshinka xil-ka-qaadista Madaxweynaha.

La-taliyuhu waxa kale oo uu halkaas ka sheegay talo-soo-jeedin kale oo la xidhiidha Mooshinka labaad ee wax-ka-bedelka Xeer-hoosaadka Golaha. ?Markaan arkay qod 37aad ee xeer-hoosadka Golaha Wakiilada. Markaan arkay qod 34 (xubinta 3aad iyo 4aad )ee Xeer-hoosadka. Markaan arkay qod.14 (xubinta 3aad ) ee xeer- hoosadka. Markaan arkay qod 3aad (Xubiinta 1aad)iyo ( xubinta 13aad) iyo (xubinta 14aad) iyo (xubinta 16aad) ee Xeer-hoosaadka. Markan arkay qodobka dasturka ee 64aad . Markaan arkay Qod 22aad ee Xeer hoosaadka Golaha Wakiiladda. Markaan arkay Qod 16aad ee Xeer hoosaadka Golaha Wakiiladda. Markan tixgeliyeey nuxurka soo jeedinta oo ah habka xilka qaadista xubnaha Shirgudoonka Golaha Wakiiladda.

Waxa ii cadaatay:

1-Soo jeedinta Mudanayaasha Golaha ee kor ku xusan waxay si toos ah u khusaysaa Qod 22aad (xubnihiisa 3aad & 5aad) ee xeer hoosaadka Golaha Wakiiladda oo u dhigan sidan;

A)- Guddida Joogtadu wuxuu awood u leeyahay muddada jiritaanka Golaha in uu soo jeediyo wax ka bedelka ama wax ku kor-dhinta xeer ? hoosaadka Golaha iyo fasiraada qodobada Xeer-hoosaadka.

B)-Guddida joogtadu waxay u xilsaaran yihiin wixii ka yimaada isqabad iyo tarjumaada Xeer-hoosaadka iyaga oo la tashanaya la ? taliyaha sharciga eee Golaha.

Haddaba maadaama oo si cad ay u qeexan tahay habka sharci iyo maamul ee lagu dhaqayo soo jeedinta noocan ah, waxaa haboon in:-

I-Loo gudbiyo Guddida Joogtada iyo Anshaxa soo jeedintan sida waafaqsan Qod 22aad ee xeer hoosaadka Golaha Wakiiladda.

II-In Guddida Joogtada u xilsaaran tahay wixii isqabad iyo tarjumida xeer hoosaadka iyaga oo la tashanaya la taliyaha sharci ee Golaha Wakiiladda.

2-Waxaa kale oo u banana Golaha in uu si toos ah u gudo galo xil-ka qaadista xubnaha Shirgudoonka Golaha, ayna u codeeyaan 55 mudane sida naska xeer-hoosaadka u qoran yahay waqtiga la joogo. Waxaa haddaba xusid mudan in qodobo xeer-hoosaad ama dastuur ee wadanka Somaliland qaatay lana wadaagto Dawlado badan oo aduunka ah in xil u magacaabidu ay ku ansaxdo cod hal-dheeri ah (simple majority). Laakiin marka ay timaado xilka qaadista loo baahdo aqlabiyad ka badan 2/3 majority (absolute majority).

3-Waxaa kale oo u banana in Golaha Wakiiladdu uu tixgeliyo duruufaha iyo waaqaca siyaasadeed ee maanta taagan.?

Dhinaca kale, Axmed Cali Kaahin oo Warbaahintu wax ka waydiisay sharcinimada xadhigga Xukuumadda ee Xarunta Baarlamaanka, ayaa wuxuu sheegay inay sharci-darro tahay. Sidoo kale mar la waydiiyay in uu jiro cadaadis uu la kulmay intii uu gacanta ku hayay Mooshin-nada, ayaa wuxuu ku jawaabay, ?Dad aan garanayaa way jireen inay ila soo xidhiidheen labada dhinacba, laakiin waxaan u sheegay in Jidka la marayaa uu yahay uun Sharciga iyo sida uu dhigayo.? Waxaanu baaq u jeediyay Umadda Somaliland iyo Mudanayaasha Golaha oo uu ugu baaqay inay nabadgelyada ilaaliyaan iyo midnimada.

No comments: