09 September, 2009

Daahir Riyaale Iyo Duminta Goonni Isutaagga Somaliland

Daahir Riyaale Iyo Duminta Goonni Isutaagga Somaliland

Somaliland waxay ku dhisantahay, halkaana ku soo gaadhay nidaam sharci iyo kala dambayn. Waa dal ujeeddadiisu tahay inuu ku dhaqmo dimoqaadiyad buuxda sidaasna ku kasbado aqoonsi caalami ah. Dastuurka aynu qaadanay ee 97% u codaysay, wuxuu dhigayaa in dalku leeyahay saddex waaxood oo xukuumadda ah oo siman:

Fulinta (Madaxweynaha/Madaxweyne-ku-xigeenka)
Xeer Dejinta (Goleyaasha Baarlamaanka ? 82 Wakiilada, 82 Guurtida), iyo
Waaxda Garsoorka (Maxkamadaha)
Waaxda Fulinta ee Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa waxa la doortaa 5 sannadood. Daahir Riyaale doorashadii sannadkii 2003 wuxuu helay 42% codadka waxana ka coddaysay una codaysay axsaabta mucaaridka intii badnayd dadka oo ah 58%. Sida la ogyahayna waxa looga tanaasulay kursiga iyada oo danta dalka la eegayo. Wakhtigii loo dhaariyay kursigu wuxuu dhamaaday bishii May ee sannadkii 2008, haddana wuxuu ku fadhiyaa xukun qarqoosh iyo muddo kordhin aan sharciga waafaqsanayn taasoo laf ahaanteeda loogu tanaasulay iyada oo la tixgelinayo danta ummada.

Waxa waajib ah in mar kale la galo doorasho si dalku dib ugu soo noqdo sharciga una noqdo dal dimoqraadiyad ku dhisan. Hase ahaatee waxa jirta in Mudane Daahir Riyaale ka soo horjeedo nidaamka doorashada, sidaa darteed ayuu bilaabay inuu burburiyo waaxaha sharciga ku dhisan ee kale ee dalka.

Labada xubnood oo Fulinta ah oo wakhtigoodu dhacay, Riyaale iyo Axmed Yaasiin, awood uma laha inay xidhaan ama farageliyaan oo hawshooda ka horjoogsadaan waaxaha kale ee dastuuriga ah ee dalku ku dhisanyahay gaar ahaan waaxda Baarlamaanka. Falka ay ku kaceena waa jariimmad culus oo keeni doonta cawaaqib xumo horleh.

Waxa hubaal ah inaan kelidii taliye xukumi karin dad aan doonayn. Riyaale wuxuu ku waayay doorasho ayuu doonayaa inuu xoog iyo sharci jebin ku helo. Waxase ay tahay in Riyaale iswaydiiyo ? Ilaa goorma ayaad dad aan ku doonayn xoog ku haysan kartaa?

Dhacdada lagu farageliyay waaxda sharcidejinta Somaliland ee uu ku kacay M. Daahir Riyaale Kaahin waxay lid ku tahay jiritaanka Somaliland, waa khiyaamo qaran, loomana qaadan karo xukun dherersi oo qudha. M. Riyaale wuxuu hore isugu dayay tallaabooyin badan oo uu kursiga ku sii fadhiyayo hase ahaatee inuu albaabada u xidho gole aanuu awood u lahay waxay ka marag kacaysaa inuu duullaan ku yahay gooni isu taagga Somaliland.

Muwaadinkasta oo jecel qaranimada iyo goonni isutaagga Somaliland, xisbi kastaba ha taageersanaado e, waxa maanta hortaagan inuu qaranimada Somaliland ka difaaco tallaabada Daahir Riyaale ku kacay.

Albaabada loo xidho golaha baarlamaanku waxay ka dhigantahay albaabadii oo loo xidhay Somaliland. Tallaabooyinkii hore iyo kuwa imika ee albaabada loogu xidhay jiritaanka Somaliland waxa ka mid ah:

1- Fogaynta dawladaha dunida ee danta ka lahaa Somaliland
2- Laalista dimoqraaadiyadda Somaliland
3- Burburinta Golaha Baarlamaanka
4- Ciidamada loo adeegsado iyo ishortaagga hawlaha Baarlamaanka
5- Wiiqidda goonni isutaagga Somaliland, iyo xoogaynta cadowga ku hawlan in Somaliland dib loola mideeyo Soomaaliya

Waxa xusuusin mudan in Daahir Riyaale u inqilaabayo Baarlamaanka sidii Siyaad Barre u inqilaabay hay?adihii dimoqraadiga ahaa ee Soomaaliya. Tallaabada dhacday bisha September 8, waa afgembi dastuuri ah.

Haddaba ma aha in faraha laga laabto burburinta Daahir Riyaale isku dayayo inuu burburinayo tiirarka qaranimada Somaliland iyo geeddi socodka dimoqraadiyadda. Waxa waajib ku ah muwaadin kasta oo dalka u dhashay inuu ka dhiidhiyo afgembiga Daahir Riyaale kula kacay qaranka. Waxa waajib ah in qofwalba oo walaalkii ama inaadeerkii ku jiro xubnaha booliiska ee loo adeegsanayo sifooyinka sharciga lidka ku ah inuu la hadlo una sheego inuu iska casilo xubinimada booliiskaas haddii ay u suurtoobi waydo inuu ka cudurdaarto fulinta awaamiirta lagu burburinayo dalka.

Ciidamadu waa inay ogaadaan inaan loo isticmaali karin arrimo siyaasadaysan oo u danaynaya cadowga Somaliland, hawshooduna ay ku koobantahay inay nabadgelyo xumada iyo cadowga shisheeye ka hortagaan oo qudha. Ciidamadu waa inay ogaadaan in sharaftoodu ku xidhantahay ilaalinta qaranimada Somaliland, sharaf dhacooduna uu ka bilaabmo maalinta loo adeegsado falal dembi ah oo Riyaale loogu danaynayo.

Maadaama aanay meel wada galayn xukun-jeclaysiga iyo sharcigu, Riyaale wuxuu goostay inuu meesha ka saaro ama burburiyo sharciyada, dastuurka iyo kala dambaynta qaranka Somaliland si uu u helo waxa uu doonayo.

Dembiyada Riyaale qaranka ka galay ma yara, waxase kuwii ugu dambeeyay ka mid ah:

Is-hortaagga badheedhka ah ee Geeddi-socodka dimoqraadiyadda (faragelinta Komishanka Doorashooyinka, Eriska Interpeace, iwm.)
Isku-dayga burburinta awoodaha waaxda xeerdejinta (Baarlamaanka)
Adeeegsiga awood ciidan ee gudaha dalka ee arrimo siyaasadeed oo looga gon leeyahay in lagu xoogeeyo dantiisa gaarka ah laguna wiiqo cidkasta oo ku taagan ama raacaysa sharciga sida Baarlamaanka
Adeegsiga hantida dhawrsan ee qaranka sifo xaaraan ah oo si badheedh ah loogu iibsado sharci burburin
Adeegsiga awood ciidan iyo amarka la siiyay ciidanka galay gudaha xarunta Baarlamaanka
Soo xidhxidhitaanka iyo xayiraadda Somaliland ee dunida kale iyada oo aan loo aabbo yeelanynin dhaawaca soo gaadhaya rajada ictiraafka dalkani rabo
Riyaale waxa ku daba jira wasiiro iyo masuuliyiin ismiidaamis ah oo aan rajo lahayn oo haddii Riyaale xilka laga qaado waayaya nolosha ay qabatimeen, qaarkoodna loo qabsan doono dembiyo ay qaranka ka galeen. Wasiiradaas iyo masuuliyiintaas oo ay wakhtigan ugu horeeyaan wasiirka Daakhilga Cirro iyo taliyaha ciidanka booliiska Maxamed Saqadhi Dubad, waxay ku kacayaan dembiyada ugu waaweyn ee qaran laga galo iyaga oo gacmahoodu ku burburinaya dhismaha iyo jiritaanka Somaliland.

Haddaba dadweynaha Somaliland waxa u eg inay ilaashadaan astaamaha jiritaanka qaranimo ee Somaliland. Inay ilaashadaan sharciga iyo dastuurka ay ugu codeeyeen 97% kana ilaashadaan nin damac leh oo damaciisa u burburinaya mustaqbalka dalkan iyo dadkanba.

Xidhitaanka Baarlamaanku waxay ka dhigantahay Somaliland oo albaabada loo laabay.

Axmed H. Warsame
Perth, Western Australia


No comments: