12 September, 2009

Gacan ku dhiigle Dahir Riyaale Kaahin oo maanta xasuuqay dad rayad ah


Gacan ku dhiigle Dahir Riyaale Kaahin oo maanta xasuuqay dad rayad ah oo fekerkooda cabiraayey codkoodana ku taageerayey golayaasha qaranka oo Riyaale qaful ku xidhay markuu ka baqay in maamuus ka xayuubin golaha wakilladu ku sameeyaan oo ay xilka kaga qaadaan gacan ku dhiiglaha. Waxaana wararku sheegayaan in halkaas uu ku dhintay laba qof rayid ah kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

Gacan ku dhiigle Riyaale Kaahin oo loo haysto inuu ka qayb qaatay xasuuqii boqolaal kun oo Somaliland ah oo lagu xasuuqay xilliguu socday dagaalkii xoraynta ee (1988-1991). Waxaana Riyaale oo loo haystaa inuu dilay 500 oo qof oo reer Somaliland oo lagu dilay magaalada xeebta ee Berbera iyo agageerkeeda oo reer Somaliland u yaqaanaan xabaalaha Dahir Riyaale. Xilligaas oo uu ahaa taliyaha ciidamada nabadsugidda ee gobolada waqooyi ee xilligaas.

Haddaba waxaa ayaan darro ah in madaxweyne Riyaale iyadoo aan lagala xisaabtamin danbiyadaas dagaal ee uu dalka ka galay, sidoo kalena uu kasoo horjeeday halgankii xoraynta dalka haddana uu qabto jagada ugu muhiimsan maandeeq ee madaxweyne nimo.

Haddaba madaxweyne Riyaale oo aan marnaba raaligelin ka bixin danbiyadii uu dalka iyo dadkaba ka galay, sidoo kalena aan lagala xisaabtamin baa u eg inaanu wali ku dhawaaqin xabbad joojin ee colaadii halkeedii kasii wada.

Waxaanad moodaa inuu Riyaale fursad u helay inuu sii wado xasuuqii isagoo ka faa'idaysanaaya maskaba madaxweynimo ee uu hayo. Waxaana ciidamada gaarka ah ee madaxweynuhu ay dileen labadii sano ee u danbaysay dadka badan dhawr iyo lixdan qof oo badankooda ay si badheedh ah oo cadawnimo ah u toogteen ciidamada gaarka ah ee ilaalada madaxweynaha oo iyaga si gaar ah loogu tababaray inay xasuuqaan shacabka masaakiinta ah, sidoo kalena amar lagu siiyey inay toogtaan cid kasta oo loo arko inay kasoo horjeedaan siyaasadda xukuumadda Riyaale. Waxaana nasiib darro ah in maanta Riyaale yidhaahdo dadkii dhintay ee isaga amarka baxshay in la laayo, haddana uu yidhaahdo waxaan u dirayaa tacsi.

Markaas waxaa habboon inaan shacbigu u golaan inuu gacan dhiigle Riyaale xasuuq danbe aanu samayn, sidoo kalena aan lasiin fursad danbe oo uu ku xasuuqo shacbiga masaakiinta ah. Waana in loo sheegaa in wakhtigiisii wuu dhammaadee uu iska tago madaxtooyada. Waxaanan ku baaqayaa in Riyaale lasoo taago maxkamad oo laga xisaabtamo danbiyadii hore ee galay iyo kuwan cusub ee uu dalka ka galay intuu xukunka hayey. Dadweynaha reer Somaliland uma uma dulqaadayaan khalad danbe iyo cadaadis danbe. Waxaanay shacbiga reer Somaliland u baahan yihiin deganaansho, dimoqraadiyad, maamul maamul wanaag iyo xukuumad daryeesha oo aan cadow u ahayn ummadda.

Macasalaama,
Cabdi C. Xasan,
London, UK

No comments: