Murashaxa Madaxweyne Ku xigeen ee Xisbiga UCID
Maalintii Khamiistii ee ay taariikhdu ku beegnayd, 20kii August, 2009, dadka reer Somaliland waxa ay isugu soo baxeen dariiqyada muuhiimka ah ee magaalooyinka waawayn ee Somaliland si ay u muujiyaan dareenkooda iyo sida ay u arkaan xaalada siyaasadeed ee hadda ka taagan wadanka. Dadku waxa ay taageero buuxda u muujiyeen labada xisbi mucaarad, UCID iyo Kulmiye iyaga oo yeedhmadoodii uga jawaabay si heer sare ay oo aan hore loogu arag taariikhda Somaliland.
Dhaw maalmood ka hor intii aan la qaban isku-soo-baxa, Aniga, Faysal Cali Waraabe (Gudoomiyaha Xisbiga UCID), Axmed Maxamed Maxamuud (ilaanyo) (Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye) iyo Cabdiraxmaan Saylici (Murashaxa Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga Kulmiye) waxa aanu la kulanay Wasiirka Arrimaha Gudaha. Waxa aanu gacanta ka galinay warqan aanu ku wargalinayno in labada Xisbi mucaarid iyo taageerayaashoodu ay doonayaan in ay sameeyaan isusoo bax, si hogaanka sare ee labada xisbi ee mucaaridku ay ula wadaagaan taageerayaashooda xaalada siyaasadeed ee hadda ka jirta wadanka.
Wasiirka Arrimaha Guduhu, Mr. Cabdillaahi Ciro waxa uu si xishmad leh uu nooga gudoomay warqadii waxa uuna noo sheegay in uu noogu jawaabi doono sida ugu dhakhsaha badan. Maalintii xigtay, waxa uu noo soo qoray warqad uu ku odhanayo in Xisbiga Kulmiye oo kali ahi uu abaabulan karo isku soo bax maalinta Khamiista ah taas oo waafaqsan jadwalkooda sida warqadii ololaha ee Gudidda Doorashooyinka Qaranku ay soo saareen; iyada oo ay jirto in Wasiirku si fiican uu u ogyahay in xisbiyad mucaaridku ay diideen in ay ka qayb qaataan ololaha illaa inta Gudidda Doorashoyinka iyo Madaxweynuhu ay ku soo laabanayaan sharciyada wadanka ixtiraamaana go'aankii baarlamaanka ee arrintan khuseeyay ee ahaa in doorashada lagu gali karo oo kaliya diwaangalin. Waxa kale oo uu Wasiirku uu ogaa in xisbiyada mucaaridku ay xaq dastuuri ah ay u leeyihiin in ay sameeyaan isku soo bax nabad ah oo ay ku muujinayaan dareenkooda.
Saqbadhkii maalintii Arbacadii, waxa uu Wasiirku kaga dhawaaqay Telefishanka ay dawladu maamusho in ayna dawladu ogalayn wax isku soo bax ah oo ay sameeyo Xisbiga Kulmiye iyo Xisbiga UCID midkoona; taasina waxa ay ku soo beegantay iyada oo diyaargarowgii iyo is abaabulkii ugu dambeeyay lagu jiro si isku soo baxa loo sameeyo maalinta bari ah (Khamiis).
Magaalada Hargeysa, abaaro sideedii Subaxnimo, hogaanka labada xisbi waxa ay yimaadeen Beerta Xorriyada ka hor intii ayna dadku iman si ay shacabka hogaan ahaan taageero ugu muujiyaan. Markii Beerta Xorriyada aanu gaadhnay, waxa aanu aragnay albaabadii oo xidhan albaabkastana la hordhigay ilaa tobaneeye dumar askarta booliiska ah cutubyo boolis hubasana la dhigay gudaha iyo dibeda Beerta.
Ka dib markii aanu ogaanay xaaladu sida ay tayan fahanayna sababta dumar loo soo tubay meesha, waxa aanu taageerayaashayada u sheegnay in ay is dejiyaan ayna riixriixin dumarka booliska ah jabina albaabada Beerta Xorriyada.
Dadka reer Somaliland waxa ay ka dhiidhiyeen in xaqooda dastuuriga ah laga qaado waxa ayna mareen wadooyinka iyaga oo sita calaamado (Banners) ruxayana calamada labada Xisbi waxa ayna u qulguleen dhinaca fagaaraha Beerta Xoriyada.
Markii aanu ogaanay in aananu gali karin Beerta Xorriyada madaxda Xisbiyaduna ayna kala hadli karin taageerayaashooda masraxii caadiga ahaa ee Beerta Xorriyada, waxa aanu kala hadalnay dadweynihii Beerta Xorriyada horteeda anaga oo adeegsanayna sameecad gaadhi saran iyada oo marba marka ka dambeysa tirade taageerayaashu ay soo kordhasay illaa meeshii ay buuxsantay. Wajiyada taageerayaasha waxa ka muuqday "murugo iyo cadho" iyo waliba "farxad iyo raynrayn". "Murugo iyo cadho" ayaa ka muuqatay oo waxa ay ka xumaayeen xaqooda laga duudsiyay, "farxan iyo raynrayna" way ka muuqatayoo waxa ay ku faraxsanaayeen sida ay u gaadheen ujeedadoodii iyaga oo kaashanaya Illaahay (SW).
Wixii dhacay maalintii Khamiistu waxa ay ahayd dareen muujin iyo isku soo bax dadka reer Somaliland mar mar iyo dhif soo martay ahna mid caadi ka ah wadamada caalamka. Mudaharaadku waa mid ka mid ah tiirarka ugu waaweyn ee dimuqraadiyada iyo xuquuqul insaanka. In loo diido dadka xaqana waa mis aan dastuuri ahayn dhinac kasta oo aynu ka eegnaba.
Khamiistii, 20kii August waxa ay ahay maalin xusuus ma hadho ah reebtay, maalin dadweynaha reer Somaliland ay sameeyeen taariikh in kasta oo dadka qaarkood laga yaabo in ayna garanayn muhiimada ay maalintaasi ay leedahay. Kama dambeyntii, booliskii la keenay Beerta Xoriyadu waxa ay ogaadeen in dadku ay saxsan yihiin ayna doonayna in ay khalkhal galin nabada iyo ujeedada dadka u soo baxeen.
Isku soo baxu waxa uu sida uu Hargeisa uga dhacay oo kale uga dhacay dhamaan gobolada wadanka oo dhan marka laga reebo Boorama iyo Laas Caanood oo hogaankii xisbiyada mucaaridka ah la xidhxidhay iyo magaalada Berbera oo boolisku rasaas uu ku riday dadkii isku soo baxay.
Isku soo baxan dadweynaha ee ka dhacay wadooyinka Hargeysi waxa uu la mid yahay isku soo baxyadii caadi ka ahaa ee la dhaca wadooyinka magaalooyinka Cape Town, Nairobi, Sarajevo, Toronto iyo London-ba. Laakiin kan Somaliland wadooyinkeeda ka dhacay waxa lagu gaadhay ka dib markii la soo maray carqalado iyo dhibaatooyin badan.
Mar kasta oo taliskani uu ka duudsiyo dadka isticmaalka iyo muujinta xaqooda siyaasiga ah, taas cagsigeeda, waxa ay keentaa bisaylnimada iyo wacyiga dadku oo kordha waxayna marba marka ka dambeysa ogaanayaaan in ay waajib ku tahay in ay soo baxaan oo ay xaqooda difaacaan. Tanina waa wixii maalintii Khamiista, 20kii August ka dhacay Somaliland waana talaabo ay taariikhda Somaliland ee casriga ah iyo geedisocodka dimuqraadiyada Somaliland ay hore u qaaday.
Waxa aan jeclaan lahaa in aan hambalyo u diro dhamaan dadkii ka soo qaybqaatay dhacdadan muhiimka ah ee taariikhda mahadhada ah reebtay kuwaas oo iskugu jira arday, dhalinyaro, dumarka iyo carruurta, waayeelka, saxaafada iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada. Dadkii ka qayb qaatay dhacdadan taariikhiga ah ee sida nabada ah ku dhacday waxa ay ahaayeen dad sida laga yaabo aan maalintaas aan soo qureecan, haddii ay soo qureecdeena laga yaabo in ay soo cuneen laba xabadood oo loxoox ah iyo koob shaah ah (A cup of tea and two slices of Somali pan cake); laakiin waxa ka go'nay oo kaliya in ay u dagaalamaan xaqooda.
Dadka reer Somaliland-noow! Waa in aydin xasuusataan in maalintaasi ay ahayd dhacdo muhiimad gaar ah u leh muujinta xaqiina iyo taariikhda Somaliland-ba. Waxa ayna muujinaysaa rabitaankiina iyo sida aad u difaacanaysaan xaqiina idinka oo u maraya had dastuuri ah. Dhacdadanina waxa ay baal dahab ah ka gashay taariikhta casriga ah ee siyaasada iyo geedisocodka dimuqraadiyada Somaliland.
No comments:
Post a Comment