02 September, 2009

“Dawladda Ingiriiska aad bay ugu dedaashay arrintaas.." Gud. Axmed Silanyo oo ka hadalay Dhexdhexaadinta...

Hargeysa  "Dawladda Ingiriiska aad bay ugu dedaashay arrintaas – Safiirkeedii halkan yimi ee ka socday Safaaradda Ingiriiska ee Addis-ababa iyo Wasiirkii dawladda Itoobiya waa kuwii ay halkan (Hargeysa) yimaadeen iyo duniduba si toos ah iyo si dadbanba, waxay isu dayeen in badan inay Dimoqraadiyadda Somaliland wax kala qabtaa......

Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka waramay natiijada ay la guryo noqdeen Wasiiru-dawlaha Khaarajiga Itoobiya iyo Safiir Ku-xigeenka Ingiriiska ee Addis-ababa oo todobaadyadii aynu ka soo gudubnay Hargeysa u yimi xal-u-helida khilaafaadka siyaasadeed iyo Sharciyeed ee ka oogan Somaliland.

Wufuudan ajaanibka ah oo marar kala duwan dalka yimi, waxay kulamo la yeesheen dhinacyada siyaasadda Somaliland iyo qaybo kale oo bulshada ka mid ah, markii ay Addis-ababa ku noqdeena waxay si guud-mar ah uga hadleen socdaalkoodii Hargeysa, iyadoo muddadaas ka dambaysayna dhinacyadii ay la kulmeen aanay si waafi ah uga waramin dareenka ay Weftiyadaasi la laabteen. Hase yeeshee, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo xalay la waydiiyay su'aal la xidhiidha dareenka wufuudaasi la noqdeen, xilli uu ku gudo jiray shir-jaraa'id oo uu qabtay, waxa uu sheegay inay faro-madhan iyo quus kala hoydeen Hargeysa. "Dawladda Ingiriiska aad bay ugu dedaashay arrintaas – Safiirkeedii halkan yimi ee ka socday Safaaradda Ingiriiska ee Addis-ababa iyo Wasiirkii dawladda Itoobiya waa kuwii ay halkan (Hargeysa) yimaadeen iyo duniduba si toos ah iyo si dadbanba, waxay isu dayeen in badan inay Dimoqraadiyadda Somaliland wax kala qabtaan, xoog iyo xoolo badana way ku kharashgareeyeen, waqti badana way ku lumiyeen, dhexgal bay isku dayeen oo haday Diiwaangelin tahay iyo haday Doorasho tahayba wax badan bay inagala qabteen. Laakiin, dabcan maanta faro-madhan iyo quus bay kala noqdeen, waayo waxa u cadaatay in Maamulka maanta jiraa aanu haba yaraatee diyaar u ahayn inuu mar qudha wixii Sharciyadu ahayd uu ku dhaqmo ama ku socdo.

Halkoodii bay ka taagan yihiin Shuruudihii ay ku xidheen Diiwaangelinta, halkoodii bay ku xidheen in Doorashadii la arkayo in aanay waqtigeedii ku dhacayn – wixii kale ee looga gudbi lahaa ay diidan yihiin (Xukuumaddu), iyadoo la ogyahay inuu dhamaanayo waqtigii Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka awalba sii-haya ahaa ee meesha joogay oo halkii looga gudbi lahaa aanay diyaar u ahayn inay baneeyaan oo si Sharci ah iyo sida danta iyo xaqu yahay ay ku dhaqmaan oo ay ogolaadaan in doorasho xor iyo xalaal ahi dalka ka dhacdo, iyagoo nala mid ah oo Murashaxiin ahna intay banaanka istaagaan oo si wacan u tartamaan," ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

No comments: