31 August, 2009

Wasiir Ka Mid Ah Xukuumada Oo Shacbi Gadoodsane Ku Khasbeen Madaxwaynuhu Ha Dhaco

Wasiir Ka Mid Ah Xukuumada Oo Shacbi Gadoodsane Ku Khasbeen Madaxwaynuhu Ha Dhaco


Hargeysa, August 31,2009 (Haatuf)- Dadweyne farobadan oo shalay isugu soo baxay golaha Wakiiladda hortiisa ayaa wasiirka Duulista iyo hawada  Cali Maxamed Warancadde ku khasbay inuu cod dheer ku yidhaa Daahir Rayaale ha dhaco.Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii  dadwyene faro badan oo ka gadoodsanaa faro galinta ay Xukuumaddu ku samaysay golaha Wakiiladda ee ay u adeegsatay ciidamada badan ee khasabka ku galinaya lixda xildhibaan ee anshax marinta loogu diiday inay saddex fadhi kasoo qaybgalaan.


Waxaanay dadweynaha oo tubnaa ishaarada madaxtooyada ilaa Baar Hargeysa oo muujiyey dareenkooda ay kaga soo horjeedaan faro galinta golaha Wakiilada.

Wasiirka duulista iyo hawada Cali Warancade oo ka mida wasiirada u dhowdhow madaxweyne Rayaale ahna wasiirada had iyo goor isu muujiya inay dadka la hadli karaan ayaa cabaaro tobankii subaxnimo markii uu gaadhigiisu dadkii meesha joogay soo dhexmari kari waayey, ayuu  kaga degay cusbitaalka hortiisa iskuna dayey inuu dadka lug ku soo dhexmaro balse dadkii ayaa markay isha qac ku siiyeen wasiir xukuumadda ka mida oo dhex lugaynaya ku qamaamay iyagoo ku dhawaaqaya madaxweynaha iyo xukuumaddiisaba ha dhacaan, iyagoo amar ku siiyey wasiirka inuu afkiisa ka  yidha (ha dhaco Daahir Rayaale) ka dibna wasiirka ayaa afkiisa kaga dhawaaqay "Daahir Rayaale ha dhaco iyo UDUB ha dhacdo" isagoo wasiirku u muuqday inuu ka  cabsi qabo inay dadkaasi gadoodsani ay gacanta saaraan.


Intaas kadib ayaa dadweynihii wasiiirka waxay ka dalbadeen inuu is casilo taas oo uu wasiirku isagoo dhoola cadaynaya una sii socda dhinaca madaxtooyada dadkii ku dhaafay cod hoose isagoo ku leh Haye, Haye…

Sidoo kale wasiirka oo dadka kasii dusaya waxay dadweynuhu ka dalbadeen in dhalinyaro ay bileysku qabteen oo saaraya gaadiidka bileyska nooca  loo yaqaan Shabaglaha oo lagu gurayo dadkii  inuu kasii daayo, laakin wasiirka ayaa markii uu gaadhay madaxtooyada in yar ka dib waxa bileyskii lagu soo amray inay Rasaas ooda kaga qaadan dadweynihii ay marka hore isdhex joogeen.

Taas oo loo fasirtay inuu ka dambeeyey wasiir Warancadde oo ka cadhoonaya hadaladii aanu ka raalida ahayn ee dadku ku qasbeen inuu yidhaahdo.


No comments: