31 August, 2009

Maxaa La Gudboon Shirguddoonka Golaha Wakiilada Somaliland Kadib

Maxaa La Gudboon Shirguddoonka Golaha Wakiilada Kadib Faragelinta Xukuumadda Iyo Xaalad Abuurka Xildhibaanada Udub?

Weriyaha Haatuf Ee Boorama Maxamed C. Sheekh

Dalal badan iyo dalado badan oo maanta jira ayaa bartay ama waayo arag ku noqday   ifafaalaha lagu yaqaano dawladdo ama nidaam dawladeed oo buruburaya, kadibna keena   xasiloonidaro iyo arimo kala duwan oo khasaare kala duwan u keena shacbiga iyo dawladaha jihadaasi u socda.Waxa kale oo dalalkaasi waayo arag ku noqdeen in dal kasta oo ku jira xaalado siyaasadeed oo murugsan, isla markaana ku kala bixi waaya sharciga iyo dastuurka u yaalla ay aakhirataanka kasbadaan iska horimaadyo  aan dan u ahayn mustaqbalkooda   dawladnimadooduna ku burburto, kuwaas oo sabab u noqda wax illaahay u qoray dadkasi iyo dalkaasi oo ah burbur aan baajin karayn oo xagga illaahay ka yimaadda, taasina la mid tahay ereyada ku jira hees Af-Soomaali ah oo tidhaahda "'Ajal madhatay lama oolin karo".


Tan iyo markii dawladda, xisbiyada mucaaradka iyo komishanku isku qabteen qaabka ay u dhici doonto doorashooyinka Somaliland, waxa maalin kasta isa soo tarayey xiqdiga siyaasadeed ee u dhexeeya dawladda, xisbiyada mucaaradka, golkayaasha guurtida iyo wakiilada iyo komishanka doorashooyinka, wakhti ay soodhawaadeen maalmihii ugu dambeeyey ee loo xadhko xidhan lahaa doorashooyinka ka dhaca Somaliland oo beddela ama aan beddelin hogaanka Somaliland.

Iska dhaaf doorashooyin ka dhaca Somaliland, waxa haatan loo welwelayaa jiritaanka Somaliland kadib toddobaadyo ay doraad iyo shalay ugu darraayeen oo golahaasi noqday meeha u dambaysay ee ay u jeestaan indhaha dadweynaha Somaliland iyo dalalka caalamkuba marka loo eego waxyaalaha ka dhacaya aqalkaasi.

Sida la ogyahay doraad iyo shalay ayaa Golahaasi xeerdejinta Somaliland waxa ku sugnaa ciidamo farabadan oo lasoo dhoobay halkaasi, wasiirka daakhilguna ku sheegay inay ilaalinayeen nabadgelyada golaha, balse sheekada ka socotay ka duwanayd waxa wasiirku sheegay.


Runtii waxa la odhan karaa  in golaha wakiilada waxa ka dhacayaa uu yahay weerar lagu hayo sharcigii iyo dastuurkii dalkani ku kala socday, dalkuna ku socdo nidaam aan la ogeyn waxa ka iman kara, waxaase aan la yaabay sidda shirguddoonka wakiiladu shalay uun u ogaaday in xukuumadda Somaliland  ku talo gashay wax ay afar sannadood ku dhawaad shirguddoonkaasi ogaan waayey, kaas oo ah inay xoog ku meelmarsato ujeeddooyinkeeda siyaasadeed, cid kasta oo ka soo horjeedana la tuso itaalkeeda.

Wax kale oo aan la yaabay sida shirguddoonka wakiiladu afar sano ku dhawaadka aanuu baranin Daahir Rayaale, welina u haystaan inuu yahay Daahirkii Boorama ka yimi ee marxuum Cigaal ku yidhi tahniyadda Ismaaciil Cumar Geelle uu u diray maaha mid ka tarjumaysa afka xukuumadda Somaliland 10 sano ku dhawaad ka  hor, isla markaana aanay u ogeyn in Daahir Rayaale dhaxlay siyaasaddii Marxuum Cigaal oo ahaa siyaasiga ay lahaayeen guud ahaanba dadka ku hadla Afka Soomaaliga, isla markaana uu talo wanaagsan ka qaatay saaxiibkii Ismaaciil Cumar Geelle, kaas oo maanta ah madaxweynaha dalkiisa oo lamadegaan ah ka dhigay meel caalamku usoo shaqo tego.


Shirguddoonka Golaha wakiilada ayaa la ogaa in lix xildhibaan oo ka tirsan xisbiga UDUB qalalaase iyo tahdiid ku sameeyeen shirguddoonka, oo ahayd in loo ciqaabo falkaasi, balse lixdaasi oo la yidhi waa la anshax mariyey, saddex cashona haka maqnaadaan fadhiyada Golaha ayaa la ogyahay siday uga xoog roonaadeen aqalabiyaddii baarlamaaka Somaliland oo ku dhaw dhawr iyo konton, lamana arag caalamka tiro yar oo xildhibaano baarlamaan ah oo ka guuleysta aqlabiyaddiisa. Lamana arag baarlamaan fadhi ka yeelan kari waaya arrimaha dalka, laguna wareejiyo askar oo maxaabiis lagaga dhigo xaruntooda.

Waxaa la odhan karaa shirguddoonka wakiilada Somaliland war uma hayo dawladda Somaliland, maadaama ay ku ambabareen waxa ka dhacaya aqalkaasi ay ka buuxaan mudayaal baarlamaan oo  doorashadoodii shacbigu ku bixiyey maal iyo xoog badan.

Waxa horeba Rayaale u caddeeyey inaan baarlamaanka Somaliland tallaabo la qaadayn haddii ay joojin waayaan xeerarka aanay aqoonta u lahayn, waxa kale oo uu u hanjabay xisbiyada oo uu yihi way siqiiri doonaa hadday joojin waayaan xasilooni darada ay wadaan. Waxa meel mari waayey shuruuc badan oo golahaasi soo saaray oo xukuumaddu gaashaanka ku dhufatay, waxa kale oo la ogyahay sida golahasi ay u gilgileen lix xildhibeen  oo  tahdiid iyo qalalaase ka riday golahaasi, ereyo xiqdi iyo xumaani ka muuqatana kula  dulkufay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golahaasi Baashe Maxamed, isagoo xildhibaankaasi reer Hargeysa ku dhawaaqay ereyo  dadka soo xusuusiyey dagaaladii sokeeye ee wakhtigii Afweyne, berrina laga yaabo inuu madaxweyna Rayaale ku yidhaahdo.

Shalay oo u dambaysayna waxa golahaasi ku dhawaaqay inuu guddi u saaro khilaafaadka jira, balse arrintu khilaafaad maahee waa isdhiibid Golahaasi isku dhiibay dawladda iyo lix xildhibaan oo UDUB  ka soo jeeda.

Waxay ahayd in arrimaha dhacaya awgeed golahaasi iska casilo xilka uu ummadda u hayo cid kalena qabato hoggaankiisa, waxa kale oo saamayn karayaa inuu kala diro golaha ilaa amar dambe, waxa kale oo ahayd in shirguddoonku dabada geliyo shacbiga, halka xukuumaddu ciidamadeeda dabada gelisay, waxaana u qurux badnayd inay si cad uga hadlaan waxa dhacaya, loona sheego shacbiga in aan baarlamaan jirin.


Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale waxa waajib ku ahaa inay ka xishooto ciidanka ay golahaasi u dirayso, waxana waajib ku ah in xildhibaanada aan ahayn kuwa UDUB    soo jiidato kana leexiso mooshinka shakiga badani ka dhashay, waxaana xukuumadda waajib ku ah inaysan shacbiga iyo golahaasi iyo xisbiyadaba  kasoo horjeedaba u arkin  cadow, ciidamadeedana ugu adeegsan sidii dal iyo dad ay xukumayaan dawladdo shisheeye.


Ugu dambayntiina waxa ayaandarro ah in Somaliland qalalaasaha siyaasadeed ka sii socdo, iyadoo dalka ay ku sugan yihiin wufuud ka socota dalalka ajnebiga ah, kuwaas oo arkaya in wixii Somaliland lagu sheegi jiray beenoobeen, doorashooyin dalkan ka dhaca  27 September-na ay tahay riyo, sidaa darteedna ay sii socon doonto colaadda siyaasadeed ilaa inta laga heleyo tanaasul ka yimaadda xisbiyada mucaaradka ah, sababtoo ah Rayaale loogama baran tanaasul iyo jiljilayc siyaasadeed, isagoo laga yaabo inuu sii wado karbaashka uu ku hayo siyaasiyiinta, xisbiyada mucaradka ah iyo golayaasha ay dhamaantoodba hoggaamiyaan siyaasiyiin iyo masuulyiin ka soo jeedda beelaha dhexe ee Somaaliland.






No comments: