31 August, 2009

Isu Soo Baxii Dadweynaha, Rasaastii Bilayska Iyo Jawagii Ku Xeernaa Xarunta Golaha Wakiilada

Isu Soo Baxii Dadweynaha, Rasaastii Bilayska Iyo Jawagii Ku Xeernaa Xarunta Golaha Wakiilada
Bileyska Oo Si Axmaqnimo Ah U Garaacay Marwada Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Wakiilada Xabsigana U Taxaabay

Hargeysa, August 31, 2009 (Haatuf) Ciidamada Bilayska ayaa si cadowtinimo ah u garaacay isla markaana xabsiga u taxaabay marwada uu qabo guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha Wakiilada Md; Baashe Maxamed Faarax, halka qaar kelna xabsiga loo dhaadhiciyey ka dib markii shalay ay boqolaal ka mid ah dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa ay isu soo bax ballaadhan oo ay isugu yimaadeen laga bilaabo isgoyska xarunta wakiilada u dhow ilaa baar Hargeysa.
Dadweynahan oo dareenkooda ku muujinayay sida ay uga xun yihiin inqlaabkii ay maalintii doraad xarunta wakiilada Somaliland kula wareegtay xukuumada Rayaale, ka dib markii shirguddoonka golaha baarlamaanku lix mudane oo ka mid ah wakiilada anshax marin dhawr fadhiya inay ka soo qayb galaan lagaga xayiray golaha, balse xukuumadu taa jawaab uga dhigtay inay xarunta wakiiladaba la waeegto iyadu, arrintuna ay isu bedeshay lixda mudane, xukuumada Vs Wakiiladii sida sharciga ah loo soo doortay oo xukuumadu meeshaba ka saartay.

Jawigii shalay ee xarunta wakiilada iyo hareeraheeda ayaa mar kaliya isu rogay goob rasaaseed, iyadoo halkaas ku gedaanaayeen ciidamada bilayska oo aad moodo inay ballan adag qabaan, marka la eego sida xun ee cadowtinimadu ku jirto ee ay dadweynahii sida salmiga ah isugu soo baxay ula dhaqmeen. Dadweynahan oo isugu jiray dhallinyaro iyo waayeelba ayay ciidamada bilaysku ku garaacayeen qoriga dabadiisa, bakoorado iyo laag iyo dhirbaaxooyin is-daba joog ah. Dadku dhinacooda wax rabshad ah may samanaynayn kaliya waxay muujinayeen dareenkooda ku aadan taageerada ay u hayaan go'aanadii ka soo baxay golaha wakiilada, isla markaana ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin inqlaabka ay xuluumada Rayaale kula wareegtay xaruntii wakiilada.

Dadweynaha ayaa shalay waxay ku dhawaaqayeen erayo ay ku muujinayeen sida ay u diidan yihiin isla markaana uga soo horjeedaan xukuumada Rayaale, erayaasi oo ay ka mid ahaayeen "Daahir ha iska tago, ha is-casilo waayo wuu ku fashilmay" "dooni mayno xukunka Rayaale iyo daba-dhilifyadiisa.
Waxay dadweynuhu xoog ugu qaylinayeen iyaga oo muujinaya sida aanay uga raalida ahayn maamulka Rayaale masuuliyiinta xukuumada ee waddada soo marta.
Ciidanka bilayska oo ay hareero taagan yihiin dhawr gaadhi oo nooca loo yaqaan shabaglaha ee dadka lagu xidho ayaa inta dadka ay garaan ay ku dhextuurayeen.dadkaasi oo ay ka mid ahayd marwo Foosiya Maxamed oo ah marwada uu qabo gudoomiye ku xigeenka labaad ee wakiilada Md Baashe Maxamed Faraax, oo inta ay qabteen bilkaysku gareen isla markaana xabsiga u taxaabeen.
Waxa kale oo jira dhalinyaro badan oo inta suuqa ay ciidanku jaga dabo tageeb la xidhxidhay.
"Maxamed Xaahi Cilmiyow waxaan u xidhanahay 'Daahir Rayaale ha dhaco" sidaa waxa ku tiraabay wiil yar oo gaadhiga shabaglaha ah ee bilayska ka mid ahaa dadkii ku dhex xidhnaa.
Daa'uud Maxamed Cumar oo ah aqoonyanhan reer Somaliland ah oo shalay goobtaasi ku sugnaa oo Haatuf u waramayay isaga oo dareenkiisa ku muujinayay xaaladan cajiran ee dalka soo food saraty inay xukuumada Rayaale masuul ka tahay, ayaa waxa uu yidhi "Had iyo jeer waxa imika la hadal hayaa doorashooyin oo la yidhaahdaa dib bay u dhacday iyo diiwaabgelin ha lagu galo, waxaan qabaa in meeshaba laga saaray oo doorashadiiba iska daaye inuu Rayaale laalay wixii la odhan jiray dalkii Somaliland, inuu albaabada u xidhay dawladihii inaga caawinayay arrimaha doorashooyinka ee dabada inaga riixayey inuu dalka ka saaray" sidaas ayuu yidhi, waxanu intaa ku daray "Hay'adii Interpeace dawlado ayay wakiil u hayd oo deeqda inoo soo marinayay doorashada doorashada ayni ku qabsanaynay. Markaa xataa waxa weeyaan dawladihii ayaa labaabada loo laabay" sidaas ayuu yidhi Daa'uud Maxa'ed

Sidoo kale Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo isu soo baxan dadweynuhu ka hor samayeen isgoyska xarunta wakiilada ay tahay dareen ay dadweynuhu ku muujinayaan rabitaabkooda ku wajahan isbedel siyaasiya oo dalka ka dhaca lagu bedelo maamulka hadda talada haya, ayaa waxa uu yidhi "Dadku dareenkooda ayay muujinyaan waxa mushkilada ah oo ay samaynayaan ma jirto, laakiin Somaliland waxay u bahan tahay si ay hore ugu marto in madaxtooyada laga xoreeyo, madaxtoyada marka laga xoreeyo ayay horumari kartaa.." sidaas ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi.
Abaara duhurkii oo wasiir waran cadde soo maray goobta isgoyska ee dadweynhu ku sugnaayeen ayaa waxa uu u dhaafay dhinaca qasriga madaxtooyada ka dib wax yar uun ayaa mar keliya ay ciidamadii rasaas ooda kaga qaadeen oo darandooriya ku asqaysiiyeen dadweynihii sida salmiga ah isugu soo baxay ka dibna dadkii ku kala yeebeen goobtii, waxaad moodaysay ciidanka in dhinaca madaxtooyada amar kaga yimid la leeyahay rasaas lagu kala eryo mooyaane maanta wax kale kaxayn maayaan. 
 

No comments: