05 August, 2009

Taliyaha Bilaysku Maka Fikiray Karaahiyada Ka Iman karta Kadimada Masjidka Ee uu Ooday?

Taliyaha Bilaysku Maka Fikiray Karaahiyada Ka Iman karta Kadimada Masjidka Ee uu Ooday?

Wednesday, 05 August 2009

05.08.2009 Halganews. - Ugu horayn waxaa mahad oo dhan iska leh ILAHAAHA inaga dhigay dad muslimiina inagana fadilay umadaha kale ee aan Islaamka ahayn.

Sidaynu ognahay ama aan rumaysanahay waxaa jira Goobo barakaysan oo kudul yaala koonkan aan kudul noolnahay kuwaas oo ah meelaha ILAAHAY lagu caabudo sida Masajida, Kacbada oo ugu fadli badan dhulka korkiisa taasoo wajibku ah qofkasta oo muslima ilaalintooda iyo daryeelkooda sida uu ILAHAY u karaameeyey uguna balan qaaday qofka dhulka dushiisa masaajid ka dhisa inuu ILAHAY guri janada uga dhisidoono.

Hadaba waxa ayaan darro iyo ceeb ah in nin dhan oo mas?uul ahi doonayo in uu albaabada ulaabo guri kamida guryaha ILAHAY, waa Masjidu Raxma ee ku yaala Badhtamaha Magalada Hargeysa. Ninka falkaa foosha xunle kudhaqaaqay waa taliyaha Booliska Somaliland Max?ed Saqadhi Dubbad, kaas oo dhawaan xidhay albaabadii ugu mihiimsanaa ee masajidka taas oo amakaag iyo yaabku noqotay dadkii masajidka u ehelka ahaa.

Iyada oo aanay jirin Sabab uu u xidhay kadimada masajidka, ayaa waxaa jirtay in culamadu in badan ugu baaqeen inuu furo kadimada laga soo galo masajidka, waxaana dhacday inuu isaga laftarikiisu Waa Saqadhiye uu yimid masaajidka oo uu lakulmay imaamkii masajidka Sheekh Nuux, Waxaanu Imaamku u sheegay dhibaatada ka jirta masajidka ee kahaysata dadkii ku tukanayey halkii ay usoo mari lahaayeen, lakiin nasiibdaro Jawaabtii Taliyaha Bileysku waxay noqotay mid filan waaya, halkii uu imaamkii ka eegayey garawshiyo, ayaa Hanjabaad iyo Cagajuglan uu kula kacay imaamkii, isaga oo ugu hanjabay inuu xidhi doono hadii uu Albaabada u Laabi waayo Kadimada Masaajidka ee u jeeda Hawdka Ama Koonfurta. Taliyaha Bileysku umuu dhaqmin sidii Qof Muslim ah, Waxaanay taasi markhaati katahay sida uu ugu aradan yahay Diinta Islaamka iyo Dhaqanka Suuban ee ay Diinteenu inna farayso.


Run ahaantii, Dhibta dadkii ka haysata Albaabadda Masjidka ee La Xidhay, aad ayey u ballaadhantahay, waxaana Hubaal ah Karaahiyada ka dhacaysa Bulshadaa dhan ee Laga Xayiray Masjidka in aanay Gafayn Ifka ama Akhira miduun Ciddii geysatay Dhibtaasi. Waxaanan Gabagabadii ugu nasteexaynayaa Taliyaha Bilaysku inuu kanoqdo kana toobad keeno falkaa foosha xun ee uu kagalay ILAHAY iyo umada uu masuuliyadooda hayo kana waan toobo falka noocana iyo kuwa la midka ahba.

Wabillaahi Tawfiiq.

Qore: C/raxmaan Colaad Cumar-jeex
E-mail: rafiiq2@hotmail.com
Mobile: 4177118
Hargeysa, Somaliland

No comments: