05 August, 2009

Qodobo muhiim ah oo laga soo saaray Shir u socday Ururka Shabakadaha Wararka (SOA)

Qodobo muhiim ah oo laga soo saaray Shir u socday Ururka Shabakadaha Wararka (SOA)


Hargeysa *Somalilandpress)- Ururka Shabakadaha Wararka ee ka hawl-gala Somaliland ayaa shir u socday muddo saddex maalmood ah magaalada Hargeysa, waxay ka soo saareen go?aan ka kooban 11 qodob.

Shirkan oo lagaga hadlayay xaaladda Siyaasadeed ee dalku galay iyo doorka ay ku leeyihiin xallintiisa, ayaa Warsaxaafadeed ay ka soo saareen oo arrimahaa ku saabsani wuxuu u dhignaa sidan; ?Ururka Shabakadaha Warbaahinta ee ka hawlgala Somaliland ee Somaliland Online Association oo ujeedadiisu tahay baahinta iyo gudbinta Warar sugan oo salka ku haya xaqiiqda dhabta ah ee dhacdooyinka Somaliland, kuna xidhan yihiin Shacbiyad faro-badan, gaar ahaan shacabka dalka dibeddiisa ku dhaqan oo u ooman helitaanka Wararka dalka, si ay u helaan musawirka dhabta ah iyo xaqaa?iqa ka jira dalka, lana ogsoon yahay awoodda Warbaahineed ee ay leeyihiin, ayaa ka dib markii ay arkeen xaaladda Siyaasadeed ee dalku galay iyo is-maandhaafka cakiran ee Siyaasiyiinta waqtigan oo u baahan in xal rasmi ah laga gaadho, markii ay yaqiinsadeen doorka ay ku leeyihiin xal-u-helidda khilaafaadka Siyaasadeed ee u dhaxeeya jilayaasha Siyaasadda Somaliland, waxay isugu yimaadeen kulan tashi ah oo ku aaddan qaybta ay ka qaadan karaan arrimaha taagan xallintooda. Kulankan oo muddo saddex maalmood ah ka socday Magaalada Hargeysa, isla markaana uu soo xidhay Xoghayaha guud ee Ururkaas Shiine Cilmi Kaahin, ayaa laga soo saaray baaq ka kooban 11 Qodob oo ay u soo jeediyeen Axsaabta Qaranka, Guddida Doorashooyinka, Golayaasha Qaranka, Warbaahinta iyo guud ahaan shacabweynaha Somaliland.

Qodobadaas ayaa waxa u dhignaayeen sidan;

1- Xaaladda dalku hadda ku jiro waxaanu aaminsanahay in lagaga gudbi karo wada-hadal iyo wada-tashi. Sidaa darteed, waxaanu ugu baaqaynaa dhinacyada Siyaasadda inay isugu yimaaddaan wada-hadal aan shuruud lahayn.

2-Axsaabta Qaranka waxaanu u jeedinaynaa inay joojiyaan kala-soocidda iyo kala-faquuqidda Warbaahinta dalka, xilliyada ay qabanayaan Shirarka-Jaraa?id oo ay ku kacaan waxyaabo xad-gudub ku ah Saxaafadda. Siyaasigii ku kacana aanu fursad u heli doonin in aanu baahino Wararkiisa.

3- Waxaanu soo jeedinaynaa in Golayaasha Qaranku ay wax walba ka horumariyaan danta Umadda, kana digtoonaadaan cawaaqib-xumo taariikhda u gasha.

4-Siyaasigii ku hadla hadallo waxyeelaya jiritaanka Umadda iyo Qaranka Wararkiisa ma baahin doono.

5-Komishanka, Axsaabta, Xukuumadda iyo cid kasta oo danaynaysa jiritaanka JSL waxaanu u soo jeedinaynaa in ay dhawraan, una hoggaansamaan shuruucda dalka u yaala.

6-Waxaanu Xukuumadda u soo jeedinaynaa inay xaq-dhawrto Madax-bannaanida Xorriyatul-qawlka.

7-Bulsho-weynta Somaliland gudo iyo dibedba waxaanu ku marti-qaadaynaa wixii talooyin ah ee ku aaddan hab-shaqaynta Warbaahinta dalka ee waqtigan, gaar ahaan Shabakadaha Warbaahinta.

8-Waxaanu cambaaraynaynaa xadhigga Suxufiyiinta ku xidhan Hargeysa ee Axmed Saleebaan Dhuxul iyo Sayid Cismaan Mire iyo sidoo kale Foosi Saleebaan Aw-Biindhe oo lagu xidhay Burco. Waxaananu Xukuumadda ugu baaqaynaa in ay si shuruud-la?aan ah u sii dayso.

9-Waa in Shacabka Somaliland meel uga soo wada-jeestaan ilaalinta amniga iyo Xasiloonida dalka, isla markaana Dhegaha ka furaystaan hadallada abuuraya naxliga Bulshada dhexdeeda.

10-Waxaanu u soo jeedinaynaa qaybaha kala duwan ee Warbaahinta dalka (Kuwa Dawliga ah iyo kuwa madaxa-bannaanba) in ay ka fikiraan aayaha iyo mustaqbalka Umadda, kana waantoobaan ku-milanka dhinacyada Siyaasadda is-haya iyo baahinta Wararka iyo Barnaamijyada ka arradan danaha Umadda.

11-Ciddii kasta ee aanu u aragno in aanay u danaynaynin dalka iyo dadka, waxaanu ka taaganahay mawqif midaysan, isla markaana uma qarin doono Shacab-weynaha ee si toos ah ayaanu farta ugu fiiqi doonaa.

Magacyada Wakiilada Shabakadaha Warbaahinta:



1-Maxamed Siciid Cabdillaahi (Berberanews.com)

2-Shiine Cilmi Kaahin (SDWO.com)

3-Cumar Maxamed Faarax (Ramaasnews.com)

4-Cabdiqani Xuseen Baynax (Somalilandpress.com)

5-Siciid Cawil Axmed (Somaliland.info)

6-Barkhad Maxamuud Kaariye (Hiiraan.com)

7-Cabdifataax Ismaaciil Mursal (Hadhwanaagnews.com)

8-Jamaal Ibraahim Maxamed (Somaliweyn.com)

9-Cabdishakuur X. Muxumed (Heersare) ? Oodweynenews.com

10-Cali Jaamac Maxamed (Salalnews.com)

11-Siciid Khadar (Gabiley.net)

12-Cabdiraxmaan Nuux (Hiiraan) ? Somalilandcenter.com

13-Cabdiraxmaan Xasan Cabdi (Radiohormuud.dk)

No comments: