26 August, 2009

SOMALILAND: Rabshado Iyo Gacan-Kahadal Hadheeyey Fadhigii Shalay Golaha Wakiilada Iyo Muuqaalkii Madasha

Rabshado Iyo Gacan-Kahadal Hadheeyey Fadhigii Shalay Golaha Wakiilada Iyo Muuqaalkii Madasha

 Mudanayaal Jeex-Jeexay Qoraaladii Golaha Horyaalay Iyo Mudanayaal Ku Qammaamay Shirgudoonka Si Ay Gacanta U Saareen

Hargeysa, August 25, 2009 (Haatuf)- Fadhi-maalmeedkii golaha wakiilada Somaliland ayaa maalintii ku furmay, kuna gebo-geboobay jawi fawdo ah oo ay wax waliba ku dhamaadeen buuq, qaylo iyo weliba gacan-ka-hadal ah, waxayna xaaladda caynkaas ahi gebi ahaan-ba joojisay hawl-maalmeedkii golaha iyo socod-siinta ajandayaashii golaha horyaalay, waxaana halkaa ka dhacay waxyaalo aan hore uga dhicin madasha fadhiyada ee golaha wakiilada, waxaana buuqa iyo fawdada golaha ka dhacay sababay, ka dib markii ay koox mudanayaal ah oo ay tiradoodu gaadhayso dhawr iyo labaatan mudane mar keliya buuq iyo qaylo la sara-joogsadeen, kuna talaabsadeen ilaa gacan-ka hadal, waxayna dhawr iyo labaatankan mudane ka mid ahaayeenka mudanayaasha sida xag-jirnimada ah u taageera xukuumadda madaxweyne Rayaale, iyadoo marka laga reebo midhadh faro-kutiris ah ay mudanayaashani ka tirsanaayeen xisbiga UDUB ee xukuumadda talada haysa.    


Markii uu furmay fadhiga golaha wakiiladu abaara 9:30 subaxnimo ee uu sidii caadiga ahayd gudoomiyaha golaha C/raxmaan-Cirro  ku dhawaaqay "Kooramku wuu inoo buuxaa, fadhiguna waa inoo furan yahay" ayaa intii aanay gudoomiyaha weedhaasi afkiisaba ka soo dhamaan waxa isla oogsaday koox mudanayaal ah oo ay tiradoodu gaadhaysay ilaa dhawr iyo labaatan mudane, kuwaas oo inta ay si degdeg ah uga soo hinqadeen kuraastii ay fadhiyeen u qamaamay dhinaca minbarka golaha laga hogaamiyo ee ay soo fadhiyeen shirgudoonku, iyagoo ku dhawaaqayey ereyo ay ka mid yihiin"ma jiro wax ajandaha ah oo la guda-gelayaa", waxayna af-labadii yeedheen Or iyo qaylo cirka isku shareeray, iyagoo islamarkaana si weyn u handaday xubnaha shirgudoonka oo ay sheekadu gaadhay inay qaar ka mid ahi gacan-qaad ula holladaan xubnaha shirgudoonka .

Hase yeeshee mudanayaashani af-kahadalka oo keliya kuma ay joogsan ee gacanta ayey ka hadleen, waxayna burburiyeen qaar ka mid ah qalabkii shaqada ee madasha yaalay oo ay qaarna burburiyeen, qaarna inta ay gacmaha ku qaateen madasha debedda uga saareen.

Waxa kale oo ay kooxdan mudanayaasha ahi markii u horaysayba cagta mariyeen kuraastii, miisaskii iyo alaabooyinkii ay ku shaqaynayeen shaqaalaha goluhu, waxayna gacmahooda si xooggan ugu garaaceen miiska shirgudoonka, waxaana ka mid ahaa waxyaalihii ugu xiisaha badnaa ee miiska shirgudoonka ka dhacay, inuu mudane ka mid ah kooxdan mudanayaasha ah oo ahaa Axmed-wayso-cadde inta uu soo si weyn u soo qammaamay la boodday nuqullo qoraal ah oo ahaa xeer dhinaca madaxtooyada laga soo celiyey oo uu shirgudoonku doonayey inuu mudanayaasha u qaybiyo, dabadeedna mudane Axmed-wayso-cadde inta uu soo xantoobiyey waraaqihii ayuu si ku xoog-xoogsi leh u jeex-jeexay. Sidoo kale labada mudane ee la kala yidhaahdo C/raxmaan-xoogiyo Maxamed Baaruud ayaa si gaar ah ugu qammaamay gudoomiye-kuxigeenka 2aad, ee golaha Baashe Maxamed Faarax, taas oo ay si weyn ugu holladeen inay fara-saaraan, balse mudanayaal kale ayaa soo kala dhex-galay oo taa baajiyey, lamana garanayo sababta ay labada mudane sida gaarka ah bartilmaameedka uga dhigteen gudoomiye-kuxigeenka 2aad. Waxa kale oo ka mid ahaa waxyaalihii xiisaha lahaa ee halkaa ka dhacay in mudanaha magaciisa la yidhaahdo Aadan-sanqoole oo si cadho leh u goostay makarafoonkii yaalay minbarka ay doodaha ka jeediyaan mudanayaashu, waxaana ugu dambaysay isagoo laad-laadsanaya inuu debedda ula baxay, lamana oga inuu soo celiyey iyo inkale.


Marka la eego fadhigii shalay ee golaha wakiilada waxa madasha ku sugnaa inka badan 50 mudane, waxaana madasha ku badnaa mudanayaasha mucaaradka, hase yeeshee intii ay waxaas oo qaylo iyo buuq ahi dhacayeen waxay intooda badani ku negaayeen kuraastooda, wayna daawanayeen waxa meesha ka dhacaya, sidoo kale shirgudoonka laftiisa ayaa iyaguna ku sugnaa kuraastooda oo eegayey waxa meesha ka socda, taasina waxay mudanayaasha golaha ka bad-baadisay inuu madasha ka dhaco gacan-ka-hadal dhexmara mudanayaasha mucaaradka iyo kuwa muxaafidka xukuumadda, taas oo hadii ay dhacdo ay xaaladdu intaa ka sii xumaan lahayd

 Kooxdan mudanayaasha ah ee buuqa iyo gacan-ka hadalka sameeyey markii la waydiiyey sababta ay sidaa u yeelayaan ee ay golahooda u arbushayaal waxay ku dacwiyeen inay doonayaan in dib loogu noqdo ajande uu toddobaadkii hore goluhu ansixiyey.

Ajandahaas oo loogu talo-galay kal-fadhi aan caadi ahayn oo mudadiisu tahay bil waxa ansixintiisa lagu meelmariyey cod, taas oo markii codka loo qaadayey lagaga itaal-roonaaday mudanayaasha muxaafidka u ah xukuumadda madaxweyne Rayaale oo iyagu diidanaa in ajandahaasi meel-meero. Dabadeedna mudanayaasha mudanayaasha muxaafidku, iyagoo taa daba socda ayey laba maalmood ka hor kulamo la yeesheen shirgudoonka, waxayna u soo jeediyeen in ajandihii la ansixiyey uu goluhu dib uga noqdo, taas oo ay shirgudoonkuna ugu jawaabeen inaanay suurtagal ahayn in dib loogu noqdo arin inta cod loo qaaday go'aan gole noqotay, iyadoo ay shirgudoonku sheegeen inay dastuurka iyo xeer-hoosaadka goluhuba dhigayaan inay go'aamada iyo xeerarka golaha ka soo baxaa ay ku ansaxaan cod aqlabiyad ah. Hase yeeshee taasi uma qudh-qudhsamin mudanayaashan, dabadeedna ay go'aansadeen talaabada ay shalay ku dhaqaaqeen.  


Inkasta oo ay kooxdan mudanayaashi ku dacwiyayaan inay doonayaan in dib loogu noqdo ajandihii kalfadhiga aan caadiga ahayn oo ay leeyihiin waa nala jiidhsiiyey ee qoddobo ayaanu ku darri lahayn, hadana waxa si weyn loo rumaysan yahay in laga soo abaabulay dhinaca madaxtooyada oo ay xanbaarsanaayeen waajibaad looga soo laqimay dhinaca madaxtooyada, taas darteedna maadaama mudanayaasha xukuumadda taageera lagaga aqlabiyad roon yahay golaha ay ku soo tashadeen inay golaha arbushaan si ay u joojiyaan hawl-maalmeedka golaha.

Inkasta oo aanay mudanayaasha muxaafidku si cad daaha uga faydin qoddobada ay ku dari lahaayeen ajandaha, hadana waxay warar xog-ogaal ahi tibaaxayaan inay hoosta ku sitaan mooshin ay ku dal-banayaan in wax laga bedelo xeer-hoosaadka golaha, taas oo ay wararku leeyihiin ujeedada muhimka ah ee ka dambaysaa waxa weeye "inay xil-qaadis la beegsadaan shirgudoonka golaha", iyadoo ay wararku intaa raacinayaan inay madaxweyne Rayaale iyo wasiiradiisu hawl-galka caynkaas ah dabada ka riixayaan. Hase yeeshee warar kale oo xog-ogaal ah ayaa iyaguna tibaaxaya inuu jiro mooshin dhabbada soo haya oo ay sas weyn ka qabaan xukuumadda iyo mudanayaasha taageersaniba.

 Ajandahaas oo ay hadal-hayntiisu ilaa labadii toddobaad ee u dambeeyey suuqa wararka ku jirtay waxa la sheegay inuu ku saabsan yahay maamuus ka xayuubin ay golaha wakiiladu la maagan yihiin madaxweyne Rayaale iyo xukuumadiisa, sidaa darteed waxa la rumaysan yahay in buuqa iyo rabashka ay shalay ku talaabsadeen mudanayaasha muxaafidka ee golaha wakiiladu uu hordhac u yahay dagaal iyo gunti-giijis ay ku doonayaan inaanu miiska immanin mooshinka la hadal-hayo ee maamuuska ka xayuubinta.


Inkasta oo aanu haba yaraatee jirin war rasmi ah oo xaqiijinaya jiritaanka mooshinka maamuus ka xayuubinta ee la hadal-hayo, hadana xukuumadda madaxweyne Rayaale iyo mudanayaasha taageersani waxay wadnaha farta kaga hayaan inuu mooshinkaasi maalin  maalmaha ka mid ah miiska yimaaddo, taasina waa ta keentay inay madaxweyne Rayaale iyo wasiiradiisu sida fiinta uga sii qayliyaa mooshinka la hadal-hayo ee la leeyahay wuu soo guuxayaa. Waxa kale oo ay wararku sheegayaan in ama mooshinkaasi ha jiro ama yaanu jirin ay koleyba madaxweyne Rayaale ka go'an tahay inuu ka takhaluso shirgudoonka golaha wakiilada, rabshadda iyo buuqa shalay madasha ka dhacayna uu taa hordhac u yahay.

Muddo ka badan laba saacadood iyo badh ayey madasha fadhiga goluhu ku sugnayd jawi cakirran oo aanay waxba kala socon, dabadeedna aakhirkii gudoomiyaha golaha wakiilada mudane C/raxmaan Cirro ayaa magacaabay guddi 10 xubnood ah oo isugu jira mudanayaasha muxaafidka iyo kuwa mucaaradka, wuxuuna gudoomiyuhu sheegay inay guddigaasi soo lafa-guri doonaan, kana soo talo bixin doonaan waxyaalaha ay mudanayaasha muxaafidku sheegeen inay ka cabanayaan, ka dibna gudoomiyuhu wuxuu ku dhawaaqay inuu fadhigu xidhan yahay, waxaana laga war-sugayaa waxa la isula soo noqda fadhiga ugu soo horeeya ee goluhu yeesho.


HAATUF

No comments: