26 August, 2009

HAATUF 27 AUGUST 2009

Golaha Guurtida Oo Guddi Miisaan  Leh U   Saartay   Xal U Helida Khilaafka Siyaasadeed   Ee  Dalka Ka Taagan

Hargeysa, August 27, 2009 (Haatuf)-Golaha Guurtida Somaliland ayaa u saaray Guddi balaadhan oo ka kooban 22 Mudane xal u helida khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka taagan.Guddidaasi waxa shalay lagaga dhawaaqay fadhigii Golaha Guurtida oo uu Guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, waxaanu ka waramay sida loogu baahan yahay in xal kama dambays ah loogu furdaamiyo khilaafaadka siyaasadeed iyo sharciyeed ee dalka ka aloosan.

Itoobiya Oo Hakisay Dhismaha Jidka Isku Xidha Kalabaydh Iyo Wajaale, Una Leexisay Aw-Bare & Lafo-Ciise

Boorama, August 26, 2009 (Haatuf) – Dawladda Itoobiya ayaa la sheegay inay hakisay dhismaha jidka isku xidha magaalada ganacsiga ku wanaagsan ee wajaaale iyo Kalabaydh kaddib markii jidkaasi ay uga shakiday xaalad amaan daro ah oo ka dhalatay falkii Jidgooyada ahaa ee lagu laayey rakaabka reer Boorama iyo deegaan la isku haysto.

Madaxweyne Rayaale Oo Malaayiin Hantidii Qaranka Ah U Isticmaalaya Ololaha Xisbiga UDUB Iyo Muddo Kordhinta Uu Doonayo Inuu Kursiga Ku Sii Fadhiyo

Hargeysa, August 26, 2009 (Haatuf)- Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayaa la sheegay in uu lacag ka badan 2 milyan oo dolar oo ka mid ah hantida qaranka Somaliland u isticmaalo ololaha xisbgiisa UDUB iyo muddo kordhinta uu doonayo in mar kale xilka loogu kordhiyo, kadib markii uu ku guuldaraystay inuu doorashadii madaxtooyada uu dalka ka qabto.

Qarax Miino Oo Dhaawacyo Culusi Ka Soo Gaadheen Laba Qof Oo Ka Dhacay Deegaanka Xaaji Saalax Ee Degmada Oodweyne

Burco August 26, 2009 (Haatuf ) - Laba Caruur ah oo dhaawacyo ka soo gaadheen qarax miino oo ka dhacay degaanka Xaaji Saalax ee Degmada Oodweyne, kuwaas oo la sheegay inuu dhaawacoodu ahaa mid culus.

Guddida Joogtada Iyo Anshaxa Ee Wakiilada Oo Isku Shaandhayn Lagu Sameeyey Lana Filayo In Talaabo Anshax Marin Ah Ay Qaadaan

Hargeysa, August 26, 2009 (Haatuf)-Guddida joogtada ee golaha Wakiilada ayaa isku shaandhayn lagu sameeyey, iyadoo kuwo cusubna lagu soo daray kuwo kalana laga bedelay guddiyada kale.Guddida isku shaandhaynta lagu sameeyey waxa ka mid ah ee qaarna lagu soo daray qaarna laga bedelay guddi hoosaadka joogtada iyo anshax marinta.

Aragtiyaha Reer Burco Ka Bixiyeen Iscasilaadii Guddoomiyihii Garabka Siyaasada Xisbiga Ucid Naasir Xaaji Cali

"Waxa Noo Cadaadatay In Md. Naasir X Cali Shire Uu Ahaa Raga Xisbiga Jahada Mucaarid-Nimada Ka Duway Ee Xisbiga La Odhan Jiray Waa Qayb UDUB Ka Mid Ah" C/Casiis Maxamed

No comments: