02 August, 2009

M/weyne Rayaale oo sheegay in Interpeace aanay dalka dib ugu soo noqonayn

M/weyne Rayaale oo sheegay in Interpeace aanay dalka dib ugu soo noqonayn

Madaxweyne Rayaale oo maanta Shir-jaraa'id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ee Hargeysa ayaa ku eedeeyay in Hay'adda Interpeace ku kacday tallaabooyin wiiqaya jiritaanka Somaliland. Waxaanu sheegay in aanay dib ugu soo laabanayn Somaliland. isla markaana arrimaha taakulaynta ee Doorashada soo socota uu kala hadlay Qaadhaan-bixiyayaasha Caalamiga ah, kuna war-geliyay in haddii ay taageerayaan Doorashadana ay Xukuumad ahaan diyaar u yihiin, haddii aanay taageerayn-na ay ka maarmayaan, waa sida uu hadalka u yidhiye.

Madaxweyne Rayaale wuxuu dedafeeyay hadal ka soo yeedhay labada Guddoomiye Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiilada, kaas oo la xidhiidhay laalista Diiwaangelinta iyo cambaarayn eriga Interpeace. Waxaanu Guddoomiyaha Guurtida ku tilmaamay hoggaamiye markii hore ka horjeeday Interpeace, maantana taageeraya. Taas oo uu sheegay in ay ayaan-darro tahay. Sidoo kale, wuxuu waxba-kama jiraan ku tilmaamay Jawaabtii Hay'adda Interpeace oo uu sheegay in ay hadleen waqti aan waqti ahayn, waxaanu tilmaamay in aanay dalka dib ugu soo nqonayn.

Si kastaba ha ahaatee, Rayaale ayaa maanta Saxaafaddii goob-joogga ka ahayd Shirkaa Jaraa'id diiday inay wax su'aalo ah waydiiyaan. Isla markaana inta aan hadal kaleba Suxufiyiintii ka soo bixin, ka baxay Qolkii uu Shirka-jaraa'id ku hayay.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

bmm@somaliland.com

No comments: