02 August, 2009

Mucaaradka oo diiday inay galaan ololaha

Mucaaradka oo diiday inay galaan ololaha
 

 
 
Jaamac Maxamuud Cumar
Guddoomiyaha guddiga doorashada Somaliland Jaamac Maxamuud Cumar
Guddiga doorashooyinka madaxtinimada Somaliland ayaa ku dhawaaqay in ololaha doorashada madaxtinimada ay ka bilaabanayso Somaliland saddexda bishan August.

Qoraal ay soo saareen guddiga doorashada ayaa maanta loo qaybiyay saddexda xisbi ee Somaliland, laakiin xisbiyadda mucaaradka ayaa iyagu sheegay in aanay ka qeyb geli doonin ololaha doorashada, ilaa inta laga xallinayo muranka natiijada liiska diiwaangelinta.

Xisbiga tallada haya ee Udub ayaa ogolaaday in ololaga ay bilaabaan, iyadoo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin uu ku adkeysanayo in doorashadu ay socon doonto diiwaan gelin la'aan.

No comments: