Hay'adda Interpeace oo ka hadashay mawqifkooda eriga Wakiilkooda Somaliland
War-murtiyeed ay hay'adu maanta ka soo saartay Magaalada Nairobi waxay ku sheegtay in ay u heelan tahay inay dib u ambo qaado, gedi-socodka dimuqraadiyada Somaliland haddii ay dhinacyada ay khusaysaa dhamaystiraan shuruudaha ay ku dhici karto doorasho lagu kalsoonaan karo.
Warka Interpeace wuxuu u qornaa sidan:-
"Hay'ada Interpeace aad ayay uga xun tahay go'aankii wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland iyadoo meel marinaysa codsi ay ka heshay Guddoomiyaha Guddida doorashooyinka ay 30-kii Bishan ku mastaafurisay Agaasimaha Interpeace ee Barnaamijka dimuqraadiyada Soomaalida Md. Robin Zamora, oo ah qareen arrimaha dastuurka ah oo dunida aad looga yaqaan wuxuu tan iyo sanadkii 2004-tii uu gacan siinayay Guddida doorashada iyo guud ahaanba gedi socodka dimuqraadiyada Somaliland.
Interpeace waxay go'aankaasi u aragtaa mid ayaan darro ah, maadaama uu Agaasimuhu fulinayay go'aan ay hore dhinacyadu u wada gaadheen kaasi oo ahaa in liiska codbixiyeyaasha ansaxa ah, oo dhan 1.4 Milyan oo ah tiradii la faafiyay 27-kii July 2009 la siiyo guddida doorashada, xisbiyada iyo Wasaarada Arrimaha Gudaha.
Dhacdadaasi awgeed, Haayada Interpeace dhammaan hawl-wadeenadeedii aan Soomaalida u dhalan way ka saartay Somaliland waanay hakinaysaa hawl kasta oo si toos ah ula xidhiidha doorashada madaxtooyada.
Hay'ada Interpeace, dhinaceeda way dhawri doontaa balanqaadkeedii ahaa inay dadweynaha Somaliland u soo saarto kaadhadhka aqoonsiga iyo kuwa cod-bixinta muwaadiniintii si sugan isku diiwaan geliyay wakhtigii korodhsiimada.
Hay'ada Interpeace, qadarin ayay u haysaa iskaashigii mudada dheer soo socday ee dhex maray iyada iyo Dadweynaha Somaliland, waxaanay u heelan tahay inay dib u ambo qaado taageeradii gedi socodka
dimuqraadiyada Somalialnd markay dhinacyada ay khusayso ay taabo geliyaan shuruudaha ay ku dhici karto doorasho lagu kasloonaan karo."
No comments:
Post a Comment