02 August, 2009

jadwalka kala horraynta Ololaha Doorashada ee Xisbiyada

jadwalka kala horraynta Ololaha Doorashada ee Xisbiyada

Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa si rasmi ah u shaaciyay in maalinta Isniinta ee 3-da bishan August 2009-ka, uu bilaabmayo olalihii doorashada madaxtooyada oo socon doona illaa 25-ka bisha Sptember ee fooda inagu soo haysa, marka laga reebo laba cisho oo ku beegan  ciida bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Komishanku waxay sidaasi ku sheegeen war- murtiyeed uu soo saaray Guddoomiyaha Guddida doorashooyinka Jaamac Maxamuud Cumar (Jaamac-Sweden). Waxaanu Wasaarada Arrimaha Gudaha ku wargeliyay inay Guddoomiyeyaasha Gobolada iyo degmooyinka dalka ay faraan inay axsaabta qaranka u diyaariyaan Fagaareyaasha gobolada iyo degmooyinka oo ay u habeeyaan agabkii looga baahnaa olalaha doorashooyinka sida Mikarafoonadii iyo Sameecadaha.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinku wuxuu sheegay in Olalaha doorashada maalin kasta uu Xisbi fulin  doono oo ka hadli karo xarumaha gobolada iyo degmooyinka, si ay taagereyaashooda ugu gudbiyaan barnaamijkooda siyaasadeed ee ay kaga qeyb galayaan tartanka Doorashada Madaxtinimada ee lagu wado inuu dalka ka qabsoomo 27-ka Bisha September ee fooda inagu soo haysa. Komishanku waxay Wasaarada Warfaafinta ku wargeliyeen inay siday tahay ugu dhaqmaan Jadwalka Olalaha doorashada Madaxtooyada oo ay  xisbiyada qaranka u ilaaliyaan jidwalkaas. Jaamac-Sweden wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in olaluhu uu maalin walba bilaabmi doono 8:00 subaxnimo illaa 12:00 Duhurnimo, halka galinka dambena uu bilaabmi doono 4:00 galabnimo illaa 6:00 cawaysnimo.

Maalinta Isniinta ee fooda inagu soo haysa waxa olalaha doorashada bilaabaya Xibiga mucaaridka ah ee KULMIYE, maalinta Salaasadana waxa ku xiga Xiga UDUB, halka maalinta Arbacada ahna ay olalahooda soo bandhigayaan xisbiga UCID. Olalaha waxa maalinba soo bandhigaya hal xisbi.

Arrintan komishanku ku dhawaaqeen ayaa ku soo beegantay xili xasaasi ah oo Xisbiyada Qaranka qaarkood ay sheegeen inaanay ka qeyb galayn tartan doorasho oo aan lagu galayn liiskii codbixiyeyaasha. Kuwaasi oo dedafeeyay go'aankii Guddida doorashooyinku ay ku laaleen diiwaan gelintii, isla markaana ay dalka kaga saareen wakiilkii Haayadii kala shaqayn jirtay dhinaca farsamada ee Interpeace.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

bmm@somaliland.com

No comments: