| Jawaabaha UCID iyo KULMIYE ka Bixiyeen Tallaabadii Xukuumaddu Kula Kacday Aqalka Wakiillada Ugu horreyn, Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo shalay subax booqday xarunta Baarlamanka, wax ka yar kadib markii fadhiga Golaha Wakiilladu xidhmay, ayaa sheegay in loo baahan yahay in shuruucda iyo dastuurka dalka la ilaaliyo, isla markaana hay'adda walba sharciga sida gaarka ah u qabanaya ay u madaxbannaanaato. "Dalkani wuxuu u baahan yahay nabad, nabad baynu ku fadhinaa, wixii muran taagana waa in distoorka iyo sharciga dhexdiisa lagu murmaa, laakiin wixii dalka rabshad iyo khalkhal gelinaya waa in la iska wada ilaaliyaa, baarlamaanku sharci iyo xeer-hoosaad buu leeyahay, xeer-hoosaadka qofka lagu qaadaana waa inuu ogolaadaa, haddii aan amarka iyo sharcigu socon waxay noqonaysaa sida loo kala awood weyn yahay, markaa dalkuna xoog uma baahna ee wuxuu u baahan yahay in sharciga la ilaaliyo." Faysal Cali-waraabe oo la weydiiyey in arrinta muranku ka taagan yahay tahay Shirguddoonka golaha oo lagu eedaynayo in aanay dhex ahayn, waxa uu ku jawaabay, "Xildhibaannadani waa xildhibaannadayadii, golahana waxaanu ku leenahay 49 xildhibaan, sida uu Madaxweynuhu Madaxtooyada uga warhayo annaguna halkan waxa ka socda ayaanu la soconnaa, annagaa aqlabiyadda leh, keeni karnana maamuus ka xayuubin, 49-ka xildhibaan xaq bay u leeyihiin waxa dalka ka socda inay nala tashadaanna xaq bay u leeyihiin, xildhibaanka ka tirsan golahani wuxuu u fadhiyaa inuu fuliyo siyaasadda xisbiga, ha moodina waxaad ku sheekaysaan ee aad tidhaahdaan waa dhexdhexaad Shirguddoonku, maaha haddii uu shirguddoonku dhexdhexaad noqonayo maxaa loogu tartamayaa ee axsaabtu ugu tartamaysaa, waxay ugu tartamaan inuu u shaqeeyo xisbiga uu u shaqeeyo, annaguu siyaasaddayada ku shaqeeyaa." Guddoomiyaha UCID oo ka jawaabayey su'aal laga weydiiyey ciidammada booliska ah ee xarunta Baarlamanka la soo dhoobay sida uu u arko, waxa uu yidhi; "Hawsha waa la kala leeyahay, shirguddoonku xaq wuxuu u leeyahay inuu u yeedho booliska hadduu u baahdo, wuxuu u baahdo oo uu yidhaa qabta inay qabtaan weeyeen wax ka dheeraada in dusha lagaga keeno maaha, Madaxtooyada Madaxweynahaa leh, Golahana Guddoomiyahaa ka madax ah, qof kastaaba intii xeerka sharcigu ka siiyey inuu ilaashado weeye." Waxa kale oo Eng. Faysal meesha ka saaray inuu jiro mooshin horyaal Golaha Wakiillada oo la doonayo in Madaxweyne Rayaale xilka lagaga qaado, "Waxan dadkaa la isku bajinaya wax weli jira maaha, ajandihii lama samayn maanta [shalay] ayaana laga doodi lahaa, dadka warka xun wada ayaa waxan samaynaya, qoladan dawladduna waxbay ka fulaysan tahay oo marka la yidhaahdo wax yar baa baxay ayay ciidamo soo diraysaa. Qoloba ciidamo ayay leedahay, annaguna waxaannu leenahay ciidammadii maalintii Khamiistii [shacbiga], markaa waxaan leenahay labada ciidan ha la kala ilaaliyo, dadkana yaan been la isugu khuukhinin, mooshin maamuus-ka-xayuubin ahna ma jiro, dawladdana aniga ayaa u sheegay." Sidoo kale, Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa si kulul u cambaareeyey tallaabadii foosha xumayd xukuumadda Rayaale shalay sida badheedhka ah ugu inqilaabtay Golaha Wakiillada, falkaasoo uu ku tilmaamay mid albaabada u laabaya rajadii shacabka Somaliland ka qabeen in la dhammeeyo khilaafaadka dalka ka jira. Axmed-Siilaanyo shir-jaraa'id shalay ku qabtay xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa tallaabadaas ku tilmaamay mid lagu weeraray laguna burburinayo goleyaashii sharci-dejinta Somaliland, isagoo xusay inay ka dhalan karto iska-horimaad iyo burbur uu masuul ka yahay maamulka Madaxweyne Rayaale. "Waxaan idiin caddaynaynaa mowqifka aannu ka taagan nahay falkii foosha xumaa ee ka dhacay xarunta Golaha Wakiillada, kuwaasoo hawl u socotay. Golaha Wakilladu waa golihii sharci-dejinta, waanna hay'adda ugu sarraysa ee shacabku si toos ah u soo doortaan." "Waad ogaydeen in Golaha Wakiillada ciidamo dheeraad ah loo diray oo albaabada loo xidhay oo uu joogay taliyaha ciidanka bileysku, iyagoo yidhi, amar baanu qabnaa. Golahaasi sidii aan sheegay waa rajadii ugu dambeysay ee ummaddu qabtay in xal la helo, maanta [shalay] falkaas foosha xun ayaa ka dhacay. Waxa aannu si xun u cambaaraynaynaa falkaas foosha xun ee maamulka maanta jiraa kula kacay golihii sharci-dejinta, golihii ummaddu soo dooratay. Waxa halkaas lagu laalaabay geeddi-socodkii dimoqraadiyadda ee Somaliland. Falkaasi waxa uu ummadda u horseedayaa burbur iyo iska horimaad iyo dhibaato, waxana masuuliyadeeda qaadi doona maamulka maanta jira ee Ina Rayaale Madaxweynaha u yahay. Hawshani uma taal axsaabta oo keliya ee shacabku waa inay ilaashadaan qarannimadooda iyo dimoqraadiyadooda, arkaana waxa meesha ka socda," ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo. |
Jamhuuriya Online |
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
30 August, 2009
Jawaabaha UCID iyo KULMIYE ka Bixiyeen Tallaabadii Xukuumaddu Kula Kacday Aqalka Wakiillada
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Hargeysa (Jam)- Hoggaamiyeyaasha labada xisbi mucaarad ee KULMIYE iyo UCID, ayaa si kulul u cambaareeyey tallaabadii xukuumadda Madaxweyne Rayaale, albaabada ugu xidhay fadhigii shalay ee Golaha Wakiillada Somaliland.
No comments:
Post a Comment