30 August, 2009

Fadeexadaha Farogelinta Qaawan ee Xukuumadda Rayaale ku Inqilaabtay Golaha Wakiillada

Fadeexadaha Farogelinta Qaawan ee Xukuumadda Rayaale ku Inqilaabtay Golaha Wakiillada

= Inqilaabkii Booliska

= Bannaanbixii Shirguddoonka

= Qasiidadii mudanayaasha UDUB maciinsadeen

= Askartii ilaalada Baarlamanka oo saqdhexe la Beddelay

= Furitaankii iyo xidhitaankii wada socday ee fadhgii wakiillada

= Xadgudubyadii suxufiyiinta iyo xaaladdii shalay

Hargeysa (Jam)- Saddexda xubnood ee Shirguddoonka Aqalka Wakiillada, ayaa markii ugu horreysay shalay sameeyey dibad-bax ay socod lug ah ku mareen inta u dhexaysa xarunta Baarlamanka iyo Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, kadib markii ay ka cadhoodeen xaalado qallafsan oo soo foodsaaray galahooda.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay hareeraha ka socdeen labadiisa ku-xigeen Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Md. Baashi Maxamed Faarax, isla markaana gelbinayeen koox mudanayaal ah iyo dadweyne ilaa laba boqol sare u dhaafayey, ayaa abbaaro 10:00 subaxnimo ee shalay lug kaga baxay xarutna Baarlamanka, wax yar kadib markii uu si kedis ah u xidhmay fadhigii shalay ee Golaha Wakiillada oo ay hadheeyeen duruufo taagtaagan iyo jewi cakiran oo sababay in fadhigu ku soo afjarmo wax ka yar shan daqiiqo gudahood.

Xubnaha Shirguddoonka Wakiillada oo ay wejiyadooda ka muuqatay cadho xooggan, ayaa dibad-baxooda ku khatimay barxadda ka horreysa kadinka gaadiidka loogu talogalay ee cusbitaalka Hargeysa, halkaas oo Guddoomiye Cirro kula hadlay saxaafadda iyo boqollaal qof oo tubnaa hareeraha xarunta Baarlamanka oo ay ku wareegsanaayeen ciidamo boolis ah oo aad u tiro badan, waxaannu sheegay in ujeeddada bannaanbaxooda tahay sidii ay shacabka Somaliland ee ugu wargelin lahaayeen tallaabooyin gurracan oo xukuumadda Madaxweyne Rayaale albaabada ugu xidhay Golaha Wakiillada ummaddu soo dooratay.

Tallaabgadan ayaa ka dambaysay, kadib markii xukuumaddu xoog ku soo gelisay hoolka fadhiyada Aqalka Wakiillada lix mudanayaasha Madaxtooyada ku xidhan ah oo falal anshax-darro oo ay ku kaceen darteed goluhu uga mamnuucay saddex fadhi, isla markaana si qaawan oo aan gabbasho lahayn u diideen amar Guddoomiyuhu ku faray inay madasha ka baxaan, iyadoo arrintaasina sababtay in Md. Cabdiraxmaan Cirro ku dhawaaqo go'aan kedis ah oo uu fadhigii shalay ku xidhay daqiiqado kadib furitaankiisii.

Haddaba, weriyayaal ka tirsan Jamhuuriya oo goob-joog ka ahaa jewigii cakirnaa ee dul hoganayey fadhigii shalay ee Golaha Wakiillada iyo muuqaallo fadeexado iyo fool-xumooyin badan huwanaa oo hadheeyey xarunta labada gole Baarlamaan ee Somaliland, ayaa ka diyaariyey warbixintan oo ay ku soo ururiyeen dhacdooyinkii ugu xiisaha badnaa ee ka dhex muuqday dagaal-syaasadeedka circa isku sii shareeraya ee ka dhex oogan xukuumadda Rayaale iyo Golaha Wakiillada.

Jewigii Guud ee xarunta Baarlamaanka:

Subaxnimadii hore ee shalay, ayaa loogu waabariistay cutubyo ka tirsan ciidanka booliska oo si buuxda ula wareegay xarunta golayaasha Baarlamanka, isla markaana gebi ahaanba meesha ka saaray askartii ilaalada ka ahayd gudaha Baarlamanka oo saqdii dhexe ee habeen hore laga qaaday halkaas.

Ciidammada qabsaday shalay xarunta Baarlamanka oo ay horkacayeen saraakiil sare oo uu hoggaaminayey Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Mr. Maxamed Saqadhi Dubbad oo amarka ka qaadanayey oo keliya Wasiirka Daakhiliga iyo Madaxtooyada oo hawlgalladooda hagayey, ayaa cabsi iyo jahawareer ku abuuray mudanayaasha Baarlamanka iyo dadweynaha jidka marayey, waxaanay gudaha xarunta ka xarrimeen cid aan ahayn xildhibaanada labada gole, iyagoo subaxnimadii hore saxaafadda iyo dadka shacabka ah ku horjoogsaday waddada laamig ah ee golaha hormarta.

Inkasta oo markii dambe ciidammadaasi xayiraadda ka qaadeen koox kooban oo suxufiyiin ah, haddana waxa ay tallaabooyin isugu jira jidh-dil, xadhig iyo handadaad kula kaceen ugu yaraan lix weriye oo ka kala tirsan hay'adaha kala duwan ee wrbaahinta maxaliga ah, kuwaas oo qaarkood ilaa gelinkii dabme ee shalay ku xidhnaayeen saldhigyada booliska.

Fadhigii Golaha iyo Fadeexadihii Hadheeyey:

Hawlgalka ciidammada boolisku shalay ku gelalafeen xarunta Baarlamanka, ayaa saamayn ku yeeshay furitaanka fadhi caadi ah oo Golaha Wakiilladu u ballansanaa shalay, kaas o dib uga dhacay waqtigii u qorshaysnaa furitaankiisa.

Haseyeeshee waxa xaaladda iyo jewigii golaha sii cakiray kadib markii ay madasha hoolka iska soo xaadiriyeen lix mudane oo goluhu hore ugu fuliyey tallaabo anshax-marin ah oo lagaga mamnuucay saddex fadhi. Inkasta oo Shirguddoonkuy amar ku bixiyey in aanay lidaa mudane soo gelin golaha inta uu ka dhammaanayo ganaaxu, balse waxa armarkaas tirtiray oo waxba kama jiraan ka dhigay taliyaha hoggaaminayey hawlgalka ciidammada booliska oo askarta uu kadibna Baarlamanka dhigay si cad ugu amray in aanay joojin xildhibaanadaas, xaqna u leeyihiin inay ka qaybgalaan fadhiga, sidaa daraadeedna iyagoo wejiyadooda farxad iyo kalsooni badnai ka muuqato isu taxeen kuraasta dhinaca galbeed oo ay fadhiyeen mudanayaasha isku mabda'a yihiin ee Madaxtooyada looga arrimiyo.

Abbaaro 9:30 daqiiqo ayaa xubnaha Shirguddoonka salka dhigeen kuraasta laga hoggaamiyo fadhiyada golaha, kadib markii xogyhayntu u soo gudbiyeen tirada mudanayaasha madashii fadhiyey oo ahayd 59 xildhibaan, ayaa Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ku dhawaaqay in fadhigu furan yahay, isagoo ku bilaabay aayado Qur'aanka ee furtiaanka. Markii Md. Obsiiye dhammeeyey akhriska aayadaha Qur'aanka, ayaa Guddoomiyuhu si xidhiidh ah u akhriyey magacyada lixda mudane ee muranku ka taagnaa, isagoo ka dalbaday inay u hoggaansamaan shuruucda golaha oo ay fadhiga ka baxaan.

Hase ahaatee markii Guddoomiyuhu intaa yihdi ayaa lixda mudane iyo saaxiibadooda ag fadhiyey marqudha gacanta iyo afka isku raaciyeen in aanay ka baxayn fadhiga, iyagoo intaas ku ladhay qasiido Nebi Ammaan ah oo mar qudha madasha ka oogsatay. "Rabbi Sallee Calal Xabiibi Muxamaad, Wa Callaa Aalihii Maalhu Kuraamaa," ayey mudanayasha UDUB oo u muuqday mid u qorshaysnaa isugu jiibiyeen. Intaa dabadeedna Guddoomiye Cirro oo wejigiisa cadho badani ka muuaqatay ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay in fadhigu xidhan yahay, kadibna si degdeg ah kuraasta uga kaceen saddexda xubnood ee Shirguddoonka, kuwaas oo isku shubay xafiiska Guddoomiyaha oo ay ku yeeshen kulan degdeg ah oo ay kaga arrinsanayeen xaalada cakiran eek u soo koradhay golaha. Kulankaas oo waqti kooban socday, kadib waxay soo saareen warsaxaafadeed ay ku soo bandhigeen mowqifkooda ku wajahan duruufaha iyo dareenadii xaasaasiga ahaa eek u xeernaa fadhigii shalay ee Golaha Wakiillada.

Warsaxaafadeedkaas ka soo baxay Shirguddoonka oo uu ku saxeexnaa Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi waxa uuu dhignaa sidan:

"Saaka [shalay] oo Sabti ah (29/08/2009) waxa Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland lahaa fadhi caadi ah. Waxa jirtay in Goluhu anshaxmariyey lix mudane oo hannaan-u-socodka shaqada Golaha khalkhal geliyey 24/08/2009. Aniga oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada waxaan amray ciidanka booliska inay lixdaas mudane u oggolaan soo gelidda fadhiga golaha saddex maalmood.

Waxa yaab iyo amakaag nagu noqotay in taliyaha ciidanka booliska Somaliland nagu wargeliyey in ciidanka boolisku amar naga sarreeya ku haystaan inaan golaha laga celin lixdaas mudane, lana fulin amarka Guddoomiyaha ee ka joojinta golaha. Waxa taliyuhu noo soo jeediyey inaan la hadallo Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo madaxda sare.

Waxa kale oo saraakiisha booliska iyo taliyaha ciidanka booliska Somaliland naga codsaday in BODY GUARDS gaarka u aha Shirguddoonka ka baxaan dhismaha Golaha oo kadinka laga soo galo ku sugaan shirguddoonku marka uu shaqada ka baxayo, taas oo ah arrin cusub oo aan hore u dhicin. Haseyeeshee, markii aan ka wadahadalay taliyaha arrinta waxaan isku waafaqnay in Body Guards joogaan gudaha dhismaha Golaha.

Waxay u muuqataa ciidanka booliska ee la keenay Golaha la soo siiyey lixda mudane ee la anshaxmariyey si ay bil-khasab ugu soo galaan golaha. Ciidankan golaha la keenay maaha mid amar ka qaadanaya Guddoomiyaha iyo Shirguddoonka Golaha oo ka masuul ah ammaanka golaha. Taasina waa arrin burburin karta qarannimada iyo jiritaanka Somaliland khalkhalna gelin karta ammaanka Somaliland.

Waxaan shacbiga reer Somaliland u sheegayaa in golihii ay soo doorteen ciidan qabsaday, kuwaas oo iska hortaageen saxaafaddii iyo dadweynihii martida ahaa. Markii aan u soo jeedinay ciidanka in xildhibaannada laga baadho hub si loo sugo ammaanka golaha way diideen, taas oo shaki gelin karta in sababta ay u yimaaddaan ciidanku golaha ay tahay sugidda ammaanka."

Xidhitaankii fadhiga kadib iyo muuqaalladii madasha:

Inkasta oo fadhigu ku furmay kuna xidhmay jewi xasilloon, haddana markii mudanayaashu ka soo dareereen hoolka shirarka waxa xildhibaanada mucaaradka iyo muxaafidka ka dhex bilaabmay doodo iyo hadalo taagtaagan oo ay ka yeelanayeen xaalada soo korodhay iyo khilaafka golaha hadheeyey. Sidoo kalena meelaha mudanayaashu ku wadahadlayeen waxa ku lammaanaa masuuliyiin ka tirsan hay'adaha sirdoonka, Madaxtooyada iyo madax tiro badan oo ka tirsan xisbiga UDUB, kuwaas oo si weyn isha ugu hayey dhaqdhaqaaqyada Shirguddoonka iyo xildhibaanada aqlabiyada ee mucaarada, iyagoo dhinaca kalena isugu hambalyeynayey guul ay ku baajiyeen dhirbaaxo mucaaradku la damacsanaa.

Gurmadkii UCID iyo Guurtida:

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa xubnaha Shirguddoonka Wakiillada ku booqday xafiiska Guddoomiyaha, kuwaas oo ay u gudbiyeen xaaladda soo korodhay iyo inqilaabka xukuumaddu ku damacsan tahay inay albaabada ugu xidho golahooda.

Dibad-baxii Shirguddoonka iyo Dalabkii Ciidammada Dheeraadka ah:

Kulamdaas wadatashiyada ah dabadeed, ayaa xubnaa Shirguddoonka Wakiilladu go'aan ku gaadheen inay shacakba soo doortay socod ugu gudbiyaan farriin dhiilo leh oo ay ku muujinayeen inqilaabka xukuumadda Madaxweyne Rayaale albaabada ugu xidhay golahooda, waxaanay socod lug ah ka bilaabeen xarunta Baarlamanka ilaa cusbitaalka Guud ee Hargeysa, iyadoo ay hareeraha ka socdeen boqolaal qof oo ku dhawaaqayey hadallo ka dhanna Madaxweynaha Somaliland iyo weedho ay ku taageerayaan Shirguddoonka.

Haseyeeshee, waxa hoggaamiyayaasha Golaha Wakiilladu socodkoodii lugta hakiyeen markii ay ku soo butaaceen mowjado dadweyne ah oo xammaasadoodu aad u kacsanayd, iyagoo ka baqay in xaalku isu rogo mudaharaadyo aan lagu talogelin oo rabshado ka dhashaan, kadibna inta ay istaageen barxadda hore ee cusbitaalka ayey halkaas saxaafadda iyo dadweynaha ku soo xoomay ugu gudbiyeen farriintooda ku wajahan halista soo foodsaartay jiritaanka Aqalka Wakiillada, Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo dhambaalkaas warbaahinta mariyey waxa uu yidhi; "Waxaannu u sheegaynaa shacabiga reer Somaliland, waxaannu ka xunahay maanta (shalay) in Golaha Wakiillada la keenay ciidan aanu dalban oo aan amar ka qaadanayn, arrintaa aad baanu uga xunahay, fadhigii maantuna wuu noo suurogeliwaayey, shacbiga waxaannu ku wargelinaynaa in golihii aad soo doorateen maanta (shalay) la qabsaday."

Dhinaca kale, dibad-baxa Shirguddoonka Wakiillada, ayaa sii murgisay jewigii cakirnaa ee ku gedanaa shalay xarunta Baarlamanka, iyagoo saraakiisha hawlgalka hoggaaminayey si degdeg ah u dalbadeen ciidamo dheeraad ah, waxana markiiba soo gaadhay cutubyo ka tirsan ciidammada booliska gurmadka oo watay baabuurta dheereeya, kuwaas oo bilaabay inay labada dhinac ka xidhaan jidka laamiga ah ee hormara Madaxtooyada oo mar qudha si kedisa looga joojiyey isticmaalka gaadiidka iyo dadka lugta ahba oo laga dhaariyey tan iyo intii laga kala hoyanayey kulaylkii cadceedda duhurnimo ee shalay oo si weyn u damqaysay dadka sooman.

Si kastaba ha ahaatee, fadhigii shalay ee Golaha Wakiillada iyo guud ahaan jewigi madasha ayaa ahaa mid aan noociisa oo kale hore uga dhicin xarunta Baarlamanka Somaliland, marka loo eego muuqaalladii saska lahaa ee hadheeyey iyo fadeexadaha ka dhashay farogelinta qaawan ee xukuumadda Daahir Rayaale weysada ugu biyeysatay inqilaabka iyo inay oodda ugu rogto Golaha Wakiillada shacabku soo doortay oo ay u aragto caqabadda ugu weyn eek u gudban fulinta maslaxadeeda keli-talisnimada iyo kursi-jacaylka madax maray.



Jamhuuriya Online

No comments: